HomeMaxay Daarnayd Xafladdii Qaadhaanka Loogu Ururinayay Biyo Xidheenka Itoobiya?

Maxay Daarnayd Xafladdii Qaadhaanka Loogu Ururinayay Biyo Xidheenka Itoobiya?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hadaan garashadu hogaaminblank

Maankiyo caqligiyo garaadka

Guul daraa dhinacaaga taala

Guhaadiyo cadho ma weydid

Ciilkaa garabkaaga taagan

Adoo hayin aan ku guurin

Hadaad giriyaad ku toosto

Gelgelin aan geed ku oolin

Markaad cidlo gebi dhaclayso

Inaad diidaa gar maaha

Wixii goortaa ku gaadha

Abwaan Abees

Dunidan aynu joogno maalinkasta waxa ku soo kordhaya wax kaa yaabiya. Hadaba waxay igu noqotay Af-kala-qaad, u qaadan-waa iyo wax maankayga iyo maskaxdayda ka daadegi waayay markaan maqlay xaflad aad u ballaadhan oo lagu maamuusayo sannad-guuradii ka soo wareegtay mashruuca biyo-xidheennada dalka Ethiopia, taas oo ay u qaadan-waa igu noqotay markii aan arkay madaxdii Somaliland oo dhan oo intay shaqadii ay qaranka u hayeen albaabada u xidheen oo ay  gabi ahaanba isku shubeen goobtii xafladaasi ka dhacaysay oo ahayd Hotel Maansoor. Hadaba, waxaa wax lala yaabo oo qofkasta oo damiir lihi uu ka damqanayaa ay tahay in iyadoo aynu ognahay in maanta abaarta wadanka Somaliland ka taagani ay marayso halkii ugu darrayd taasoo oo xaalufisay guud ahaanba deegaanadii wadankeena oo caws iyo biyaba laga la’yahay deegaamo dhan oo laga soo qaylinayo loogana baahanyahay xukuumada talada haysa gurmad deg-deg ah, isla markaana dadyawgii tuulooyinkaasi ku noolaa ayaa noloshoodu ay halis ku jirto kuwaas oo xoog looga soo dayrinayo inay sii noolaan karaan iyo in kale, ayaynu maanta indhaheena si fiican ugu arkaynaa in xukuumadii talada dalka lagu aaminay ay u ololayso wadamo danahooda gaarka ah wata; waa wadankii Ethiopia oo socda oo kharashkii inagaga bixi jiray Jaadka ee kumanaanka kun ee dollar ahaa  maantana ku darsanaya in biyo-xidhoonadoodii ay adduun uga soo doonaan wadanka Somaliland. Waa waxa laga yaq-yaqsoodo damiirka nool ee inuun fikir ku jirana aanu marna ogolaanayn, balse ma garanayo ujeeddada ugu wayn ee laga leeyahay waxaanan su’aashaa u dhaafi doonaa shacabka Somaliland.

Hadaba, waa maxay sababta ay maanta ganacsatadii Somaliland ee laga la’aa inay cashuurta bixiyaan maanta ku qasbaysa inay $200,000 ( Laba boqol oo kun oo dollar ) ay ku ururiyaan wax ka yar saacado, iyagoo ugu tartamaya inay ku helaan magac iyo sumcad waddan aan looga baahnayn, miyaanay ka dhignayn taasi “Dacawadii teedii ka tagtay , tii kalana gaadhi wayday”? Waa su’aal halxidhaale ah oo wali la furfuri kari la’yahay taasi oo aan ilaa hadda jawaabteedii la helin, qofkasta oo is yidhaa isku dayna uu ku dhakafaarayo. Hadaba waa maxay muhiimada  inoogu jirta biyo-xidheenadan Ethiopia laga dhisayo ee dhaqaalaha looga raadinayso wadankeenan yar ee curdinka ah? Miyaynaan odhan Karin laf timirbaa ku jirta, oo dawladda Ethiopia iyo ganacsatadoodu waxay aamineen in wadanka Somaliland ay joogaan dad fikirkoodu aanu fogayn oo ka madhan muwaadinimada, mise waa yaabe waynaan is ogayne waxaynu nahay kililka 6aad ee Ethiopia, mise talaw xukuumadda Somaliland iyadu waxay garan wayday maadaama oo ay dhaqaalaha intaasi le’eg ku bixinayaan biyo-xidheenno aanay waxba uga shan iyo toban ahayn, inay iyagu soo abaabulaan xaflad tan la mid ah oo dhaqaale loogu yaboohayo biyo-xidheenno  aynu inagu dhisanno oo lagu joojiyo biyahan dooxu Badda ku shubo maalin walba una weel samaysano, sidoo kalena kayd u noqda guud ahaanba wadankeena maadaama oo sida la saadaalinayo qarniyada soo socda ay noqon doonaan wakhti ay dagaalada ugu badani ka qarxi doonaan biyo la’aan taas oo wadan kastaa uu ku dadaalayo sidii uu samaysan lahaa biyo-xidheeno uu kaga maarmi karo wadamada kale, waa maxayse faa’idada inoogu jirta laydhka ay Ethiopia sheegtay inay ina soo gaadhsiin doonto ee mustaqbalka ah? Innagu miyaynaan awoodin inaynu samaysano mid laydhkooda u dhigma oo ka xawaare badanba.

Isku soo wada duuboo, dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda ayaa aad ugu dawakhay falanqaynta Arrintan iyagoo ku soo gabagabeeyay inay arintani tahay mid siyaasadaysan oo aan hore loo fami Karin ujeeddada laga leeyahay balse ay tahay wax aad looga naxo, ganacastadii cashuurta diidayna ay noqotay jarajarro loo mari karo in adduunka ay wadankooda kala bakhayleen ay waddamo kale oo aan abaal iyo ajartoona ugu qabin ay ku sadqeeyaan, talaw inaga caawinteedu ma ka xaaraanbaa caydheena?

Guntii, gebagabadii iyo gunaanadkii mawduucan ayaa ah Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, xukuumada Somaliland isuma aragto iyadu inay wax qaban karto waxayse u aragtaa inay waddamada jaarka ee wadamadooda dhisanayaa ay wax inoo qaban karaan taasoo adhax-jab ku ah wadanka guud ahaantii. Si kastaba ha ahaatee, munaasibadan biyo-xidheenka Ethiopia ee lagu qabtay Somaliland ayaa u muuqata mid siyaasadaysan oo ay Dawlada Ethiopia ku iibgaynayso laydhka Dalkeeda si ay u dheefsato Dekeda Berbera ee ay Somaliland leedahay halkaasi oo ay doonayso in ay wax kala soo degto badeecadaheeda mustaqbalka dhaw.

Qalinkii :C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email:Samriye99@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories