HomeMaxay Aqoontu Saameyn waafi Ah Uugu Yeelan Weydey Nolosha?

Maxay Aqoontu Saameyn waafi Ah Uugu Yeelan Weydey Nolosha?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

11880691_10207815135685600_6254809245306750642_n

8 maalmood ayaan Hargeisa soo joogay. Waxay aheyd muddo gaaban balse aad u xiiso badan. Waxa an qabtey laba muxaadaro oo ballaadhan iyo shirar badan oo googoos ah oo an la yeeshey dhalinyarada an fikir waadagta nahay. Muxaadaradii hore oo  lagu qabtey qolka shirarka ee Ururka Dhalinyarada ee SONYO waxa ay ku saabsaneyd Sababta ay Aqoonto saameyn Mug leh Uugu Yeelan weydey Nolosha. Dhalinyaradii meesha iskugu timid ayaa aad arinkaa uuga hadashey. Qodobadii an anigu arinkaa ka idhi ayaan ku soo koobey 12 kan qodob.  Muxaadaradii oo Video ah waxa ad ka daawan kartaa halkan:https://www.youtube.com/watch?v=LXeGLDsqrOw

 

  1. Tacliintii lagu baran jirey iskuulada dalka xiligii isticmaarka, waxay aheyd mid loogu tala galey iney u adeegto hawlihii iyo maamulkii isticmaarka ee xiligaa. Dadka iskuulada ka soo baxa oo ahaa tiro aad u kooban waxa intooda badani noqon jireen dad ka shaqeeya xafiisyadii isticmaarka oo u badnaa karraaniyo iyo turjumaano iyo woxoogaa macalimiin ah. Xiligii isticmaarka mey jirin tacliin loogu tala galay iney saameyn ku yeelato mujtamaca ama dalka hore loogu mariyo.
  1. Markii gobanimada la qaatey iyo sanadihii ka danbeeyey, tacliinta dalka lagu baran jirey mey lahey aragti fog. Waxa la baran jirey buugaag laga keeney Sudan, kenya, Ingiriiska iyo Masar. Tacliintu wey fiicantahay ee hala barto mooyee, mey jirin aragti dheer oo laga lahaa tacliinta.
  2. Xilligii kacaanku dhashay, 1969 kii iyo wixii ka danbeeyey, tacliintu waxa ay laheyd 3 hadaf oo kala ahaa in tacliinta lagu fadhiisiyo dhaqanka, afka iyo bii’adda Soomaalida, iyo loo adeegsado borobagaanda lagu taageerayo dawladdii markaa jirtey iyo in tacliinta sare ay u adeegto wax soo saarka sida beeraha iyo warshadaha.
  3. Inkastoo dhinacyo badan horumar laga sameeyey xagga tacliinta, hadana weli ma cadda hadafka waxbarasho ee Soomaaliland leedahay. Waxa aan caddeyn nooca qofka la rabo inu ka soo baxo tacliinta 12 sanadood ee dugsiga hoose/dhexe/sare lagu barto oo aheyn inu ardeygu barto xisaab iyo Juqraafi iyo maadooyin aan noloshaba meel kaga jirin. Waxa aan iyadu melena heysan tacliinta jaamacadaha dalka oo aan kuba saleysneyn baahida wadanka taalla. Tacliinta Jaamacadaha waxa loo dhigtaa shahaadad ku qaado.
  4. Hadafka koowaad ee dhalinyaradeenu wax u barataa maaha saameyn ku yeelo dalkaaga iyo mujtamaca balse waxa inta badan wax loo bartaa ku shaqeyso oo mushahar ku qaado oo bariis ku cun. Waa aragti gaaban oo anaani ah. Wax looma barto wax ku bedel ama wax ku ikhtiraac. Loomana barto dadkaaga dhibaatada kaga saar.
  5. Tacliin la barto laguma shaqo tago ee xirfad ayaa lagu shaqeystaa. Tacliinta lagu barto dugsiyada sare iyo jaamacaduhu dalkeena malaha wax xirfad ah, taasaana keentey in ardeyga jaamacadda dhameystaa noqdo “buug buug sita” oo aan loosoo diyaarin sidii uu uuga qeyb geli kari lahaa shaqooyinka iyo wax soo saarka dalka.
  6. Ummadeena qofka wax bartaa uu ka sii fogaadaa umadda inteedii kale ee u baahneyd aqoontiisa. Marka ay qofka tacliini u korodho ama mansab, uu ka dhex baxaa dadka intiisa u baahan, waxaanu u guuraa xafadaha dadka ladan, waxa uu la sheekeystaa dadka isaga la midka ah, aqoontii u barteyna waxa uu u adeegsadaa horumarka naftiisa iyo reerkiisa oo keli ah. Markaad dhinac ka eegto, dadka wax bartey xaasidiin ayay u muuqadaan oo inta ay wax ku soo barteen hantidii umadda ayay naftooda uun ka foodh yeeleen.
  7. Dadkeena wax barta waxa ku yar kalsoonidii ay aheyd in aqoontu u kordhiso. Tusaale ahaan, halka caaqilka iyo suldaanku iyaga oo isku kalsoon uuga hadlayaan sharciga dalka iyo sharciga doorashooyinka, arki meysid jaamacadeheenna oo ka doodaya arimaha sharci ee dalkeena. Aqoonyahanku uu isdhiibey oo wuxu rumeysanyahay inaan cidina aqoon ka dhageysaneyn. Arki meysid aqoonyahan sharciga bartey oo ka doodaya sharciga doorashooyinka, halka ad arkeyso odey aan distoorkaba weligii arag oo hadana kalsooni ku doodaya.
  8. Qofkii aqoonta lahaa waxa uu u qaatey in aqoontu tahay inta uu bartay oo wuxu quudhsadaa aqoonta kale ee dadka aan iskuulada galin leeyihiin. Habeenka an muxaadarada qabtey ayuu nin dhalinyaro ihi I weydiiyey in dalka afmiishaarnimo lagaga shaqeysto oo aan aqooni shaqeyn. Waxan uugu jawaabey, haddii aqoontaadii afmiishaar iska celin kari weydey marka hore ayaaney aqoonba aheyn. Takale, afmiishaarnimdu waa xirfad wanaagsan oo si qaldan loo adeegsadey. Ka warran haddii ad aqoon leedahay aftahanimana ad baratey- afmiishaar iyo dhagmiishaartoona kuma soo gaadhi karo.
  9. Aqoonteenii lamaba heysato waxa nolosha dhabta ah ka jira. Aqoonyahanka waxa lagu soo korisey hooyo khudradleey ah ama hilibley ah ama macalimad ah ama aabbo wastaad ah ama bakhaar leh ama dawladda u shaqeeya. Sidaasooy tahay, ma jiro qof wax bartay oo doonaya inu ku

shaqeeyo farsamadii lagu soo koriyey oo uu hore u mariyo. Kuligeen waxa an raadineynaa shaqo dawladeed oo sare ama lacag iyo dhacdhac ka soo geleyo ama hey’ad ajinabi ah. Wixii ina horyaaley ma rabno.

  1. Dadkii wax baratay ma abaabulna oo bulshada ma dhex galno. Shaqadii dadkii wax bartay “waa nin iyo gaaraaguuf”. Deegaanka iyo xaafadda uu qofka wax bartay degenyahay sumcad kuma laha oo kama qeyb qaato wax aka socda. Luqadiisu wey isbedeshey oo isaga iyo dadku isma fahmaan. Abaabul la’aanta ayaa itaalkoodii iyo aqoontoodiiba qarisey. Maadama aanu abaabulneyn, waa laga maarmey oo dadka intii kale ee abaabulneyd sida qabiilka ayaa taladii haya kii wax barteyna kolba waa sida loogu taliyo.
  2. Nidaamkeena dawladnimo si qaldan ayuu ku soo bilaabmey, aqoontana sidii la rabey uumuu adeegsan. Wuxu ka doorbidey oo u sahlanaadey inu iskaashi la sameeyo inta weji ku macaashka ah iyo beel adegsadayaasha. Xataa midmidkii aqoonta la bidayey ee nidaamka siyaasadda galay isagii ayaa ku dhex milmey oo u dhaqmey sidii qof aan aqoon laheyn.

Maxamed Cali Bile

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories