HomeMaxay Al-shabaab U Weeraraan Huteelada?

Maxay Al-shabaab U Weeraraan Huteelada?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho(SLpost) – Ururka Al-shabaab ayaa weerarro la beegsada qaar ka mid ah huteellada ku yaalla caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo ay ku nool yihiin siyaasiyiin iyo dad bartilmaameed u ah ururkaasi.

 

Weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-shabaab ku qaaday huteelka Saxafi, ayaa waxaa mid ka mid ah dagaalyahannada ururkaasi xilliga uu weerarkaasi socday telefoonka ugu sheegay tifaftiraha BBC ee wararka Afrika, Mary Harper.

 

Warbixintan ayayna ka qortay sababta ay muhiim ugu yihiin huteellada ku yaalla caasimadda Soomaaliya in dano lagu qabsado, iyo sida ay Al-shabaab u bartilmaameedsadaan.

 

“Waxaa fooda nagu soo hayay sanadka cusub, waxaana wada casheyneynay qaar ka mid ah asxaabteyda Muqdisho, kaddibna waxaa dhacay qarax xooggan.

Xajmiga qaraxa ayaa waxa uu cabsi geliyay dad badan oo goobta igula sugnaa, ayna ka mid yihiin la taliyayaal sarsare oo dhanka milateriga ah.

 

Mid ka mid ah asxaabta iga caawisa dhanka ammaanka marka aan joogo Muqdisho, ayaa ii sheegay in qaraxa uu ka dhacay huteelka Jaziira. Qaar naga mid ah ayaa fuulay saqafka meeshii aan joognay, waxaana aragnay qiiq iyo holac ka baxaya derbiga huteelka oo gaadhi lagu qarxiyay.

 

Gawaadhida gurmadka degdega iyo kuwo ay ciidammada leeyihiin ayaa durbadiiba gaadhay huteel Jaziira, kaddibna waxaa goobtaasi ka dhacay qarax kale oo xooggan.

Weerarkaasi Al-shabaab ay ku qaaday huteel Jaziira ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15 qof, oo ay ka mid yihiin kuwii fuliyay weerarka.

Weerarkii todobaadkii hore ay Al-shabaab ku qaaday huteel Saxafi ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa jenaraal Cabdikariim Dhagabadan, oo mar ahaa abaanduulaha ciidammada Soomaaliya.

 

Intii uu socday weerarkii huteel Saxafi, ayaa waxaa telefoonka igula soo xidhiidhay mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana uu ii sheegay in jeneraalka ay kudabajireen tan iyo bishii August 2011-ka, uuna hogaaminayay howgalkii looga saaray Muqdisho.

 

Waxa uu sidoo kale ii sheegay in ay bartilmaameed ka dhigtaan ilaa todobo huteel oo caasimadda ku yaalla, kuwaasi oo uu sheegay in ay hoy u yihiin waxa uu ku tilmaamay dowladda ridadda ah, qurba joogta, shisheeye iyo gaalo.

 

Qaar ka mid ah huteeladda Muqdisho ayaa leh gidaaro dhaadheer, albaabo bir ah, waardiyeyaal hubeysan iyo qalab ammaanka lagu sugo, waxaana lagu ilaaliyaa mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka kale ee bartilmaameedka u noqon kara Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa leh shabakad sirdoon oo hormarsan, waxaana u fudud in ay helaan xogta cidda ku nool huteeladda. Saraakiisha ammaanka ayaa sheega in Al-shabaab ay leeyihiin dad uga dhex shaqeeya huteeladda, oo u gudbiya macluumaad xasaasi ah, sida shakhsiyaadka qolalka ku nool.

 

20-kii bishii Febraayo ee sanadkan markii la weeraray huteel Central, dadkii isku qarxiyay waxaa ka mid ahayd Luul Xuseen oo ka shaqeyn jirtay qeybta soo dhaweynta ee huteelkaasi.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories