HomeMaxamuud Xuseen Mataan: Qisada Nin Reer Hargeysa ah oo 70 Sanno ka...

Maxamuud Xuseen Mataan: Qisada Nin Reer Hargeysa ah oo 70 Sanno ka hor Xukun Dil ah loogu Fuliyey Fal-dambiyeed aanu Geysan.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciidamada Booliska ee dalka UK ayaa raalli-gelin ka bixiyey caddaalad-darro lagu kala kacay marxuum lagu magacaabi Maxamuud Xuseen Mataan oo Xukun Dil ah loogu fuliyey fal-dambiyeed aanu geysan, kaas oo 70 sanno ka hor lagu dal-dalay Xabsi ku yaalla magaalada Cardiff ee dalka UK.

Sida Ingiriisku qoreen Maxamuud Xuseen Mataan wax uu ku dhashay Hargeysa horraantii sannadihii 1920-aadkii. Isaga oo da yar buu noqday badmaax maraakiibta ka xoogsada, dabadeed badhtamihii 1940-aadkii ayuu waqtigu keenay dalka Ingiriiska, magaalada Cardiff ee gobolka Wales, xaafad soogalootigu ku badan yihiin ayuuna dagay. Shaqooyin ka la duduwan buu ka xoogsaday ay ka mid ahayd shubidda birta. Sannadkii 1945 ayuu bartay Laura Williams. Maalin iyada oo waddada maraysa ayuu la qabsaday, wax uuna ku martiqaaday in ay filin la soo daawato. Aad iyo aad buu berigaa midabtakoorku u sarreeyay Ingiriiska, waana ay ogayd Laura in reerkoodu diidi doonaan in ay nin madow xidhiidh la yeelato, sidaas oo ay tahay waa ay ajiibtay martiqaadka. Markiiba aad ayay isu jeclaadeen, laba sano ka dib ayayna is guursadeen. Wax ay noqotay saddexdiisa wiil hooyadood, David, Cumar iyo Mervyn oo hal hal gu ka la weyn.

Maxamuud iyo Laura magaaladooda Cardiff wax ay ka la kulmeen takoor iyo dhibaato badan, wax ayna ku qasbanaadeen in ay u qaxaan magaalada Hull, taas oo aad u ga dhaqan suubbanayd tii hore, shaqo ayuuna ka helay markiiba. Laakin muddo ka dib kolkii shaqadii ka dhammaatay duruuftu wax ay ku celisay Cardiff. Waayihii adkaa wax ay xumeeyeen jacaylkii Maxamuud iyo Laura, waana ay is fureen. Laakiin deris bay noqdeen, xidhiidhkooduna aad buu u fiicnaa oo carruurta waa ay wada korsanayeen.

Lixdii bishii March sannadkii 1952, siddeeddii fiidnimo xaafaddii ay degganaayeen waxaa la gu dilay marwo Lily Volpert oo asalkeedu ahaa Yahuudiyad qoyskoodu ka saa haajiray dalka Ruushka markaana da’deedu ahayd 41 jir. Dukaan yar oo ay haysatay baa la gu dhex dilay. Middi baa la gu gawracay oo iyada oo dhiiggeeda dhex jiifta loo yimid. Waxaana la ga qaatay 100 Gini oo berigaa ahayd lacag badan. Degdeg buu bilayskii u yimid, in yar ka dibna waxaa la shaaciyay in la raadinayo 30 jir Soomaali ah. Xogta ah in nin Soomaali ahi dilka geystay waxaa bixiyay nin Jamaykaan ah oo la yidhaahdo Harold Cover. Naag la yidhaahdo May Gray oo dukaan kale haysatay iyaduna wax ay sheegtay in ay Maxamuud ku aragtay xidhmo lacag ah oo aan caadi ahayn, sida ay tidhi, in Soomaaligaa danyarta ahi heli karo. Gabadha la dilay walaasheed baa iyaduna sheegtay daqiiqada ka hor dilka in ay dukaanka ku aragtay nin madow. Gabadh yar oo 12 jir ahi iyaduna wax ay sheegtay saacaddii dilku dhacay dukaanka in ay ku aragtay nin madow oo shaarubo leh, waxaa se la xaqiijiyay Maxameed in uu joogto u xiiran jiray. Kolkii ay saldhigga tagtay ee la tusay Maxamuud oo ahaa qofka keliya ee eedaysan yartii wax ay qirtay ninka ay aragtay in aanu kan ahayn.

Boolisku bilowgiiba markii ay tageen guriga Maxamuud ee baadheen wax tuhun galiya ka ma ay helin. Sidoo kale Maxamuud wax uu haystay markhaatiyaal badan oo ay ka mid yihiin qoyska carruurtiisa dhalay, goortii dilku dhacayna shineemo ayuuba ku jiray. Waxaas oo dhan oo jira bilaysku wax ay iska dhaadhiciyeen dilaagu in uu isaga yahay. 17 bisha Maarso 1952 ayaa la bixiyay amar ah in la soo qabto Maxamuud. “Qareen ku difaaca ma qabsanaysaa? kolkii la wayddiiyay, “maxaan iska difaacaa? Dembi aanan galin u gu heli maysaan”, ayuu ku warceliyay.

Saddex maalmood oo dacwaddiisu maxkamadda ka socotay waxaa muuqatay cunsuriyad xoog leh oo garsoorka ku jirta. Xitaa qareenkii Maxamuud difaacay oo la odhan jiray E. R. Rhys-Roberts maxkamadda ma uu keenin dadkii eedaysanaha u marag furi lahaa in uu eedla yahay. Taa iskaba daa ee wax uu yidhi “ninkani waa cawaan aan ilbaxnimo lahayn oo caqli-carruur ah – semi-civilised savage and half-child of nature”. Hadalkaasi wax uu xoojiyay in maxkamaddu isku qanciso in “cawaannimadiisa” iyo “caqli-carruurnimadiisu” dilka u geyn karto. Intaa waxaa dheer Maxamuud oo aan wax aqoon iyo waaya’aragnimo ah u lahayn sharrciga dalka, sidaa darteed aan heli karayn jawaabaha habboon.

Isaga oo sidaa u eedla, oo aan haba yaraato ee wax caddayn ah loo hayn, ayaa loo xukumay dilkii Lily Volpert. 24 bisha Julaay 1952 ayuu xukunku ka dhacay Swansea Assizes, waxaana la gu xukumay dil deldelaad ah. Sharci ahaan ilaa 2 Sebtembar rafcaan baa u furnaa, laakiin waa loo diiday. Aroortii hore 3-dii Sebtembar Maxamuud Xuseen Mataan wadaad gunaanada ayaa xabsiga loo gu keenay, dabadeed waa la deldelay isaga oo 30 jir ah. Wax uu ahaa qofkii u dambeeyay ee dil la gu xukumo dalka Ingiriiska.

Badhtamihii 1960-aadkii Laura oo ah marwadii uu ninkaasi ka dhintay iyo qoyskeedu wax ay bilaabeen halgan ah in xaqu daalaco oo ninkaa dulmiga la gu dilay la eed tiro. Sannadkii 1996 wax ay ku guulaysteen in loo oggolaado maydka in ay ka soo saaraan qabuuraha xabsiga oo ay meel kale ku aasaan. Sannadkii 1998 maxkamaddu wax ay qirtay in dacwaddii ninkaa la gu dilay jabnayd.

Sannadkii 2001, ayaa xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan UK (Home Office), waxa uu 700,000 oo Gini oo magdhaw ah guddoonsiiyey Qoyska Marxuumka caddaalad-darrada loo dilay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories