Home“Maxamuud Xaashoow, Jamaal Cali Xuseen Uma Baahna Tababarkaaga Qabiil” – Qalinkii Mawliid...

“Maxamuud Xaashoow, Jamaal Cali Xuseen Uma Baahna Tababarkaaga Qabiil” – Qalinkii Mawliid Aadan Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Wasiirka duulista iyo madaarrada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi waxaan leeyahay saaxiib maan jeclayn inuu kaa soo fakadao hanaanka runta ah ee adiga iyo hogaanka xukuumada u qarsoon inaad talo iyo tilmaam uga dhigto musharaxa madaxweynenimo ee Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoon yahan shaadhkiisu nadiif ka yahay qabiil u dirir iyo qaraabo kiil.

Mudane wasiir wax kale ayaad ka gubataye hadalka musharaxa madaxweyne aqoonyahan Jamaal waxa uu ka hadlay tabashada shacabka degan nawaaxiga madaarka Hargeysa oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay warbaahinta dalku ka warbixinaysay cabashadooda cabashadaasina inay jirto waxa ka hadlay suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo madaxweynaha ugu baaqay inuu booqdo eeriyada madaarka Hargeysa six al looga gaadho tabashadaas.

Mudane wasiir madaarka hargeysa iyo goob kasta oo adeeg dadweyne ka shaqaynaysa haddii ay cabasho ka sheegtaan shacabku waa mawduuc u furan inay ka hadlaan mucaarid iyo muxaafidba,balse waxa nusqaan iyo kalsooni daro ah inaad tidhaahdo side wax la iiga sheegaa iyo Dr Gaboose waa ruug cadaa kelmada uu yidhi awgeed iyo Musharax Jamaal Cali-na wuxuu u baahan yahay talo iyo tababar.

Runtii Jamaal Cali, Siilaanyo iyo dhamaanteenba waxaynu u baahanahay waayaha qaranimada Somaliland iyo horumarkeeda sidii looga gudbi lahaa cudurka qabyaalada iyo qaraabo kiilka.

Sidaa daraadeed marka dareenka shacabka Somaliland afartii sanadood ee u dambeeyay la qiimeeyo waxay xukuumadan Siilaanyo soo noolaysay hadal haynta qabyaalada, markaa saaxiib maxamuud Xaashoow adna waad is ogtahay xilka ummada aad u hayso ee ka dhexeeya sidaad ugu cadaalad fashay,balse waxa xaqiiq ah in masuul kasta oo ku takri falay shilinka yare e dakhliga qarankan inaanu mahadin doonin.

Waxaan qofna indhaha caad ka saarnayn in waxqabadka iyo dhismaha Somaliland uu soo socday saddex iyo laabatan sanadood imikana sii socon doona adiguna wasiir ahaan waxaad qabatay iyo xukuumadu waxay qabatayba waxay kamid yihiin dib u dhac iyo horumar waxaad keentaanba wixii laydiin doortay,balse ogow madaxweynihii xilka u tiriyay Siilaanyo ee Daahir rayaale haddii aad taariikhdiisa dib u raacdo lama hayn mucaaridkii berigaa oo ku sheegaya qaraabo kiil iyo qabyaalad,laakiin Tan aad ka mid tahay todobaadkii hore ayuu guddoomiyaha xisbiga Ucid engineer Faysal cali waraabe uu ku eedeenaayay qabyaalad iyo qaraabo kiilnimo. Hadal iyo dhamaantii saaxiib waxaa ku leeyahay bahasha cagta u dhig oo fadeexada ka daa qof shaadhkiisu nadiif yahay ilayn beesha aad ku abtirsataan wax u kordhin maysaan adiga iyo Siilaanyaba.

WABILAAHI TAWFIIQ

Qalinkii: Mawliid Aadan Cumar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories