HomeMaxamed Siciid Atam oo Hoggaamiyaha Al-Shabaab ku eedeeyey inuu Xalaaleystay Dhiigga Muslimiinta,...

Maxamed Siciid Atam oo Hoggaamiyaha Al-Shabaab ku eedeeyey inuu Xalaaleystay Dhiigga Muslimiinta, kana hadlay sababaha uu uga diga-rogtay Kooxdiisii hore

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ee ku sugan buuralayda Galgala ee maamul-goboleedka Puntland, Maxamed Saciid Atam, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay ka mid ahaanshiyaha Kooxda Shabaab oo uu ku eedeeyey inay xalaashadeen dhiigga muslimiinta, isla markaana uu ka shakisan yahay inay fikrado shisheeyey ka dambeeyaan.

Maxamed-Sacid-AtamMaxamed Siciid Atam oo maanta Saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ka dib markii uu ka goostay kooxda Al-Shabaab isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho, ayaa sheegay inaanu ka tirsanaan jirin kooxda Al-Shabaab xilligii uu ka dagaalamayey buuraha Gal-gala, balse uu khilaaf u dhexeeyey maamul-goboleedka Puntland.

“In muddo ah ayaan u dulqaadanayay horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee Axmed Godane, laakiin maanta waxaan go’aansaday inaan ka tanaasulo sababo jira awgeed. Waxay baneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, waxa ay baneysteen dhiigga Culimada ay isku khilaafaan ka run-sheegidda shareecada Islaamka. Ina Godane iyo shabakadiisa shareecadu ma qabato, umana hogaansamaan,” ayuu yidhi Maxamed Siciid Atam oo ka hadlayey sababaha uu uga baxay kooxdaas.

Maxamed Siciid Atam, waxa uu iftiimiyey khilaaf soo-kala-dhex-galay hoggaanka sare ee Kooxda Al-Shabaab oo uu ku soo dhaweeyey isla markaana deegaamo ay ka hawl-galaan uga sameeyey Buuraha Galgala oo malleeshiyaad uu hoggaamiye u yahay dhowr jeer kula dagaalameen ciidamada maamul-goboleedka Puntland.

“Buuraha Galgala ka dagaalamayey waxuu khilaaf noo dhexeeyey maamulkii Puntland, kamanaan tirsanayn Shabaab, laakiin, intay ii yimaadeen ayey meeshii iga saareen,” ayuu yidhi hoggaamiyihii hore ee malleeshiyaadka Gal-gala oo gacan-saar la lahaa kooxda Al-Shabab.

Maxamed Siciid Atam waxa uu baaq u jeediyey dhalinyarada Soomalida ah ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaan yidhi, “Qofka ka tegay Al-shabaab macnaheedu maaha in uu ka baxay Shareecada Islaamka. qofka Shabaabka ka horyimaadda maaha in uu noqonayo qof gaaloobay, markaa dhalinyarada waxaan leeyahay haka waan toobeen dhibka ay shacabka ku hayaan kooxdaasi hana ka soo tageen,” ayuu yidhi Atam.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland, ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu hoggaamiyihii hore ee xoogagga Gal-gala kaga baxay kooxda Al-Shabaab. “Maxamed Atam waxuu kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu aanu aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku shaqeystaan oo dhexdooda isku diraan,” sidaa waxa yidhi wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka mid ahaa masuuliyiintii Soo dhaweeyey sheekha.

“Puntland muddaba way la socotay in Atam doonayo inuu is-dhiibo, waxbana kama qabno hadii xukuumada federaalku ka gudanayso waajibaadka looga baahan yahay,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Amniga ee maamul-goboleedka Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Aloore.

Maxamed Siciid Atam oo wakhtigii uu hoggaamiyaha u ahaa maleeshiyaadka Gal-gala oo dhowr jeer dagaallo isaga horyimaaddeen ciidamada Puntland, ayaa hore u taageeray isla markaana wada-shaqayn la lahaa kooxda Al-Shabaab oo xilligii dagaalada xooggan kaga socdeen Muqdisho uu ku soo dhaweeyey isla markaana fadhiisimo ay gabbood ka dhigtaan ugu soo dhaweeyey Buuraha Gal-gala ee Maamul-goboleedka Puntland.

Ninkan oo aan ku jirin magacyada hogaamiyeyaal ka tirsan Shabaab oo dawladda Maraykanku baadi-goobayso isla markaana qabashadooda abaalmarino ku bixinaysa, ayaa sababaha uu kooxda uga tagay loo aanaynaa khilaaf soo kala dhex-galay hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo u arkay in aanu fulinayn ujeeddooyinkooda iyo hawl-gala ay ka fuliyaan Puntland, isla markaana ay kala wareegeen hoggaamintii malleeshiyaadka ku sugan Buuraha Gal-gala oo uu madax u ahaa muddo badan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories