HomeMAXAMED CABDIRAXMAN GADHYARE - QALBIGII AAN XUDUUDDA LAHEYN

MAXAMED CABDIRAXMAN GADHYARE – QALBIGII AAN XUDUUDDA LAHEYN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Iminka ayaan heley warka sheegaya in Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare Ilaahii lahaa qaatey. Ilaahow u naxariiso.Maxamed Cabdiraxman Gadhyare – Qalbigii aan Xuduudda Laheyn.

Bishii December ee ina dhaaftey ayaan inta an gurigeyga ka baxay duhur tegey guri ku yaala madaarka agtiisa aniga oo doonayey inaan la fadhiisto oon la soo sheekeysto nin an saaxiib nahay oo Ibrahim Haashim la yidhaa iyo marxuumka. Markaan gurigii tegey een aniga iyo Ibraahim cabbaar fadhiney ayaan ku idhi Maxamed Cabdirahmaan mee. Wuxu igu yidhi meel ayuu gaadhay maanta ee kolley hadhow ayuu inoo iman. Tilifoonkii ayaan u direy oon ku idhi xageed maanta ka dhacdey. Wuxu iguyidhi, ABTI meel sheedaha u dhow ayaan maanta asxaab la joogaa. Waxan ku idhi, waa xagee meeshaasi. Wuxu igu yidhi Jaamacadda ADMAS agteeda. Maxamed Cabdiraxmaan wuxu ahaa nin aan xuduud laheyn oo dadka da’ kasta iyo reer kasta raaca oo la saaxiib ah. Maaha oo keli ah inu ahaa nin aan xuduud laheyn, balse waxa uu ahaa nin qalbigiisuna bilaa xuduud yahay.

Saaxiibtinamada ka sakow, wuxu ahaa nin ehel jecel. Inta an aqaaney weligey magaceyga iigumuu yeedhin. Wuxu igu odhanjirey ABTI iyada oo ad arkeyso inu kalgacalku niyad ka yahay.

Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ahaa nin da’diisa ka weyn. Xiliyaddii dagaalka sokeeye ka socdey magaalada Hargeisa 1994 kii, waxa uu ka mid ahaa dad xabbadda dhex socdey oo nabadda ka shaqeynayey. Isaga iyo Maxamed Baaruud iyo Laangadhe Libaax (AHUN) ayaan ka xasuusta oo kolna Hargeisa soo gelayey, kolna hawdka tegayey si ay nabad u dhaliyaan. Xiligaa an ka hadlayo marxuumku nin dhalinyaro ah ayuu ahaa oo qeyrkii gidaarada ayey taagnaayeen oo waxba looma diraneyn oska daa iney nabad dhaliyaanee.

Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ahaa nin curin badan oo markasta waxa uu soo bandhigi jirey barnaamijyo ama dalka hore loogu marinayo ama ganacsi lagu abuurayo. Wuxu ahaa nin haddii ad in yar wada fadhidaan ay wax badani kaaga kordhayaan.

Maxamed haddii uu ahaan lahaa sida dadka qaarkii, maanta waxa uu heysan lahaa dhaqaale aad u badan. Balse marka hore ayaanu u dhalan lexejeclo oo waxa gacantiisa soo gala umadda oo dhan ayaan la laheyd. Agtiisa laguma diiqadood jirin hadduu wax hayana lagama qadi jirin. Wuxu ahaa nin cid kasta iyo koox kastaa tirsato oo ay u heysato inu iyaga ka mid yahay. Wuxu ahaa ibnu adam dun wanaagsan.

Marxuumku ehlu jano ayuu ahaa. Dadka Ilaahey jecelyahay ayuu ahaa, waayo dadkaa isaga jeclaa.ILAAHEY HA U NAXARIISTO MAXAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE. INAGANA HA INOOGA DABA NAXARIISTO. Aamiin.

Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories