HomeMaxamed A. Jaamac (Calooley) oo Ururka DALSAN isaga Sharraxay Doorashada Golaha Deegaanka...

Maxamed A. Jaamac (Calooley) oo Ururka DALSAN isaga Sharraxay Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Urur-siyaasadeedka DALSAN, ayaa soo bandhigay murrashaxiintii ugu tirade badnayd ee u tartami doonta doorashada golayaasha degaanka oo tiradoodu ugu yaraan tahay 16 murrashax oo ka tartami doona Gobollada Hargeysa, Salal iyo Sanaag iyo xubno ka soo baxay ururradii hadhay oo ku soo biiray ururkan.

blankXafladda soo dhawaynta murrashaxiinta cusub iyo xubnaha ku soo biiray oo lagu qabtay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururka, taageerayaal tiro badan, dhalliyaro, fannaaniin, salaadiin, cuqaal iyo haween tiro badan.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka DALSAN Mr. Ismaaciil Aadan Cismaan oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubna ku soo biiray ee ka kala socday ururrada hadhay ee UDHIS, JAMHUURIGA, NUUR IYO DAMAL, isagoo aad u bogaadiyey murrashaxiinta cusub ee u tartami doonta golayaasha degaanka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dhallinyaro wax qaban karto oo uu soo xulay.

“Odhan maayo ururradii nagu soo biiray ee waa ururradii wax nala yeelanaayey, waxaanay xaq u leeyihiin bay qaadanayaan rag iyo dumarba  waanannu wada leenahay ururka, cid ka horreysayna kama laha ururka, ururrada nagu soo biiray ma odhanaayo way dhaceen, laakiin nasiibkaa reebay, waana wax Ilaahay qadaray inaanay ka mid noqon lixdan urur ee soo baxay,” ayuu yidhi Md. Ismaaciil Aadan Cismaan.

blankMr. Ismaaciil Yare waxa kale ee uu ka sheekeeyey marxaladihii uu ururkoodu u soo maray inuu soo baxo, isagoo sheegay in Ilaahay u qadaray inay soo baxaan oo dadka Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka qaateen inay soo baxaan.

“Waxaan ka yara baqaayey Ceerigaabo, balse waxay noqotay meeshii kaliya ee tiradeedu cajiibka noqotay oo gobollada kale sare la iima qaadine, saraa iyada la ii qaaday. mucaaribaannu nahay, mucaaridada DALSAN maaha mid wax burburisa ee waa mid wax toosisa oo tilmaanta wixii qalooca iyo wixii dawladda ka xun inay u tilmaanto, waxanaan jecel nahay inay wanaagsanaato dawladdu oo caddaaladda ogaato, ummadeedana ka u sareeya ilaa ka u hooseeya la socoto.”

Xoghayaha Guud ee DALSAN Maxamed Sheekh Cali Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu aad u soo dhawaynaayo xubnaha ururrada hadhay ka socday ee taageeradooda ku soo biiriyey ururka DALSAN, isagoo ku boorriyey shacabkana inay ururkan u huraan taageeradooda siduu u noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee doorashada golayaasha degaanka ku guulaysta.

Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo isagu ka mid ah dhallinyarada ururka DALSAN uga sharaxan Hargeysa, ayaa isagu daboolka ka qaaday inuu taageerada ka sugaayo dhallinyarada Hargeysa, isaga oo ballanqaaday inuu ururka DALSAN hiil iyo hooba la garab istaagi doono, waxaannu yidhi;“Waxaan kaloo u taaganahay Maayir magaalada Hargeysa haddii Ilaahay yidhaahdo, waayo waa hamigayga siyaasiga ah ee dhallinyaranimo ee inanka iga dambeeyaana ku noqon karo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo 25 jir ah, sidii aan carqalada uga jebin lahaa dhallinyarada ayaan ugu taaganahay dhallinyarada, toban sannadood kadibna waxaan doonayaa dhallinyaradu waxay leedahay inay furato oo Ismaaciil hadduu helo iyo hadduu waayaba uu ka tanaasulo oo dhallinyarada u bannaayo.”

Mr. Siciid Cabdi Guuleed oo isaguna u sharaxan xildhibaannada u tartami doona doorashada golayaasha degaanka, ayaa iftiimiyey inay da’ yarta ka sugayaan taageerada ugu weyn.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubnaha ku soo biiray ururkan oo dhammaantood sheegay inuu yahay ururka buuxin kara hankooda siyaasadeed, ummaddana wax u qaban kara.

Fannaaniin aad u da’ yar, ayaa iyaguna waxay halkaas ku boo bandhigeen heeso lagu ammaanaayo siyaasada ururka DALSAN oo taageerayaasha ururkuna si weyn ula dhaceen hab suugaaneedka ku ladhnayd heesahaas iyo luuqda macaan ee wiilasha iyo gabdhaha fannaaniinta ah ku soo bandhigeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories