HomeMaxadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed lagaga Hadlay Dhibaatada Tahriibta u Qabtay Dhalinyarada...

Maxadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed lagaga Hadlay Dhibaatada Tahriibta u Qabtay Dhalinyarada Gobolka Togdheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco,(SLpost)- Maxadka Faafinta Islaamka, qaybtiisa Somaliland, ayaa shalay kulan ballaadhan oo dhalinyarada lagaga wacyi-gelinayo dhibaatada tahriibtu leedahay ku qabtay hotel Deero ee magaalada Burco.

Kulankan oo qayb ka ah wacyi-gelin iyo muxaadarooyin Maxadku dhalinyarada kaga waaniyo aafooyinka Tahriibta iyo Is-qarxinta, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Maxadka faafinta Islaamka, bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu Horayn, waxa halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Maxadka Faafinta Islaamka Somaliland Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo faahfaahiyey ujeeddadakulankaas oo khuseeyey sidii dhalinyarada looga wacyi-galin lahaa dhibatada ba’an ee ay leedahay tahriibta iyo is-qarxintu, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Runtii Tahriibtu Maalinba Maalinta ka danbaysa way ku sii Badanaysaa wadanka.Hadaba waxa is-waydiin leh waa maxay tahrribtu. Tahriibtu waa Risiq-doon. Waa Qof Risiq Meel Fog ka Doonaya oo u tahriibay. Qofkana Illaahay waxa uu u qoray arsaaqdiisa Markuu Uurka ku jiro Afar-Bilood. Waxaan Walalayaal idinkula talinaynaa Tahribtu waxba tari-mayso. Nafta layskama jaro Badna layskuma rido, ha Tahriibina oo dadkan gawaadhida idin hoos dhigaya ee idin leh anagaa ilaa Liibiya lacagta idinka bixinayna ee dabadeed Libya idinku xidhanaya iska ilaaliya oo Tahriibta iska ilaaliya, “ayuu yidhi Guuddomiyaha Maxadka Faafinta islaamka Somaliland.

Maamulaha Dugsiga Geeska Africa Maxamed Xandule Xuseen oo isna ka hadlay kulankaas, ayaa guud ahaanba bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer uga digay khataraha ka iman kara Tahriibta iyo is-qarxinta.

Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Gobolka Saaxil Sheekh Saleban Siciid Cali isla markaasna ah Masuul Maxadkaasi u qabilsan Gobalkaasi iyo Sheekh Bashiir Beddel oo halkaas ka hadlay, ayaa soo jeediyay muxadarooyin Diini ah oo ay kaga hadleen khataraha Ba’an ee ay leeyihiin aafooyinka Tahriibta iyo Is-qarxinta,  waxaana ka mid ahaa Hadaladoodii, “Muslimiintu waxay tilmamaan inay Muxarrim tahay in la tago dhul Gaalo ilaa Saddex sababood Mooyane; Waa inuu Qofku Cilmi u tagaa Wadamadaas, Cilmiga Uu ka soo Baranayaana uu ka waayaa dhulka Muslimiinta. Qodobka Labaad Cafimaad Waa loo Tagi-karaa. Qodobka Sadexaad Waa Hadaad u Tagayso inaad Faafiso Diinta Illaahay.”

Maxadka Faafinta Islaaamka ayaa sanadihii u dambeeyay dhalinyarada kala duwan ee gobollada Somaliland u qabanayey kulamo loogu gudbiyo sida ay diinta Islaamku u aragto isqarxinta, tahriibta iyo balwadaha dib u dhigay dhalinyarada.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories