HomeMAXAAD KALA SOCOTAA MASHRUUCA 'BAAQA SHACABKA' IYO SHIRQOOLLADA KA DHANKA AH SOMALILAND?

MAXAAD KALA SOCOTAA MASHRUUCA ‘BAAQA SHACABKA’ IYO SHIRQOOLLADA KA DHANKA AH SOMALILAND?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

“Cashadii gashaba waagu waa, caynad gooniya’e,
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede ,
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye,
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara’e,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo’e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaaf.”

Abwaan Ismaaciil Diiriye (Qaasim) (AHU)

 

cabdikariim muxumed cadde qaamuusNina daah kama saarna duufaanada siyaasadeed ee ka socda geeska iyo qorshaha dahsoon ee maraykanku dabada ka wado ee itoobiyana gadhwadeenka ka tahay ee ah;sidii loo duduuci lahaa Qadiyada Somaliland.

Sida la inoo sheegay waxaa jirey dalab dhawr jeer xafiiska raysal wasaaraha itoobiya uga yimi madaxweynaha Somaliland oo ku sahabsan wadahadalka Somaliland iyo soomaaliya marna waa tii la yidhi ba farmaajo ayaa hargeysa imanaya.

Codsigaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Wuu ka cudurdaartay waxaanu yidhi; qadiyada Somaliland waa go,aan shacab oo cidna waxba kama badali karto.

Hadaba Wadahadaladii soomaaliya iyo Somaliland ee mudada soo socday wallow ayna midho dhal ahayn hadana waxaa laga fahmay mawqifyada labada dhinac iyo gol jilicda laga abaari karo mid kastaba.

Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta Somaliland had iyo jeer waxay ku doodaan in Qadiyada Somaliland tahay go,aan shacab Oo Marnaba ayna iyagu waxba ka badali karayn.

Daraasado dheer kadib waxaa la is dareen siiyay in la helo daw lagu jabiyo doodaa madaxweynaha iyo siyaasiinta Somaliland

Hadaba iyadoo taa laga duulayo oo la kaashanayo khubarada ku xeel dheer sida bulshooyinka maskaxdooda looga shubo waxii lagu shubay ayaa la bilaabay qorshayaal dahsoon

Wajiga koowaad ee mashruucu waa hadal galinta qadiyada Somaliland iyo alooska hugun dadweyne oo wax iska weydiiya qadiyada Somaliland si ay saamayn ugu yeelato caqliyada shacabka reer Somaliland.

Ma sahlana qorsheyasha siyaasadu si aan iskula jaan qaadno Tusaale yar aan idin siiyo: bari aan fogeyn bulshada carabtu waxay masaajidada ka habaari jireen yuhuuda oo ay u arkayeen cadawga koowaad hasayeeshii jiilka carabta ee maanta kacay fikir ka duwan kaas ayay aaminsan yihiin waxayna u arkaan yuhuudu inay tahay bulsho xaq u leh dhulkooda oo aanay jirin sabab loo colaadiyaa . fikirkaasi iskama uu dhalan ee waa laga shaqeeyey oo waxaa mido dhalay afkaartii ay gudbinayeen musalsalada ka baxa tiifiiyada carbeed bisha ramadaan.

Hada ma ila socotaan? Hadaba imika Markii xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaarudkuba Ay meel kasta isla soo taageen qadiyada Somaliland waa Go,aan Shacab Ee laga waayay lana iman waayeen qaab ka duwan taas oo ay qayb uga noqon karaan qorshayaasha siyaasadeed ee la wado waxaa la isla gartay in laga dul guuro oo la sameeyo jilayaaal aan dawli ahayn oo dalka iyo dibadiisaba jooga oo ku hadla dareenka shacabka Somaliland oo muran galiya qadiyada Somaliland markay doodaasi soo noqnoqoto ee ay ku badato dhegaha shacabka waa ay iskala qabsanayaan. taa waxaa garab socota maalgalin la siinayo dawlada soomaaliya oo ay gargaar ugu fidinayso shacabka Somaliland si ay ugu fahmaan inay midnimadu uga dheef badan tahay oo ay go,doon ku jireen sodon sano. Taasi oo marka ay diidaan madaxda somalilandna ka hor keenaysa shacabka.

Tusaale imika Somaliland waxay diiday diyaaradihii ayaxa buufinayay marka ay maqlaan dadka gobolka sanaag ee uu ayaxu aafeeyey Somaliland ayaa idinka horjoogta miyayna u arkayn xukuumada Somaliland mid diidan horumarkooda?

Dhalinyarada Maanta hargeysa ka soo saaray Baaqa shacabka iyo ururka Mar kale iyo midnimo Ee lagaga dhawaaqay Ingiriiska ma odhan karo toos ayay ugu xidhan yihiin Dawlada faderaalka soomaaliya balse ugu yaraan waxaa u baxay oo ay maqlayaan dhawaaqa dawanka siyaasiga ah ee laga tumayo miiska safiirka maraykanka u fadhiya soomaaliya ee yamamooto.

U fiirso dhalinyarada maanta baaqa soo saartay may durin siyaasada madaxweynaha iyo xukuumadiisa ee waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen qarankii Somaliland waxay ku leeyihiin sharci iyo dastuur ma jiro oo goor maa la laalay?

U fiirso xiliga lagu soo beegay xuskii maalintii qaranimada Somaliland. U fiirso magaca la siiyey BAAQ SHACAB Oo xagay joogan shacabka ay Metalaan miyaanay shacabka Somaliland Metelin Madaxda dhaqanka Iyo Masuuliyiinta Dawladu haday daacad ka tahay miyayna ahayn inay yidhaahdaan Baaq Muwaadin?

Arintan waa inay ku baraarugaan bulshada iyo qaranka Somaliland waxaa la doonayaa in beesha caalamka loogu sawiro Somaliland inuu ka socdo dhaqdhaqaaqyo shacab oo dal iyo dibadba isku xidhan tusaalena waxaa u ah Mar kale Midnimo Iyo Baaq Shacab.

Geesta kale waxaad maanta arkayseen Madaxweyne Biixi Oo Xabeebsaday siduu u lahaa deeq lana soo mariyo soomaaliya qaadan mayno halkan waxaa madaxwenaha kaga abuurmaysa dood ah maxaad deeqda noogu diidaysaa oo dadka ayaa is waydiinaya waxaana si dadban madaxweyne loo siinayaa jawaab ah sow markii hore maad odhan waa go,aan shacab dee imikana tixgali dareenka shacabka.

Si kastaba ha ahaatee waa in xukuumada Somaliland La Timaad Siyaasad Daah Furan oo lagu dabaali karo daadkan siyaasadeed ee la inagu soo faruuray. Baaqa shacabka Ee dhalinyarada maantanu waa caaro ka hoorkii Cir-Weyne siyaasadeed oo Cisha dhaw ku Daroori doona cariga Somaliland.

Qalinkii :C/Kariim Muxumed Cadde(Qaamuus)
HARGEYSA, SOMALILAND
qaamuuskaqarniga01@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories