HomeMaxaad Kala Socotaa Hagar-daamooyinka Musuqmaasuq ee Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Somaliland?

Maxaad Kala Socotaa Hagar-daamooyinka Musuqmaasuq ee Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dawladnimadu waa howl wadareed bulsho kala duwan ay si wada jir ah u qabtaan, iyadoo halka laga unko dawladnnimadu ee dhidibada looga taagaa hay’adaha dowliga ah ay tahay Agaasinka maamulaya shaqada hay’addaas oo ah booska Agaasimaha guud ee hay’ad kasta.

Balse nasiib-darro dhibaatada Wasaaradda Warfaafinta & dhaqanka wacyi galinta Somaliland haysata ayaa ah in marba masuul aan khibrad iyo aqoon waayo aragnimo u lahayn arrimaha warbaahinta loo soo magacaabo , taasina waata ka dhigtay in markasta uu yimaado khilaaf lunsi hanti ummadeed uu sabobay ka dhex dhaca, iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo ugu dambayn sameeya kooxaysi iyo iska horkeen Caqabad ku noqda hannaanka xil gudasho ee shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta .

blankInta la ogyahay Masuuliyiintii ugu horeeyey ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa xilalkooda ku waayey qaarna xabsi ku galeen kadib markii ay ku kaceen falal musuqmaasuq oo baahsan iyo lunsiga cashuurta laga qaado shacabka .

Inkastoo ay hore xilalkoodii ugu waayeen masuuliyiintii ugu sareeyay Wasaaradda Warfaafintu howl gal baadhiseed oo Hantidhowrku  ka sameeyey Wasaaradda Warfaafinta .

Xaaladda imika taagan ee Wasaaradda Warfaafinta waxaa sal u ah Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ah shaqsi xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadii hore Madaxweyne siilaanyo, iyadoo uu kamid ahaa Shaqasiyaadkii ugu horeeyey ee Maareeyahii hore Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda ee Somaliland Capitan Cabdi Maxamed Rodol uu ka qaaday xilkii maamulaha Madaarka Cigaal .

Arrinta looga qaaday ayaa ahayd ficilo Musuqmaasuq iyo kala xulasho uu kula kacay shaqaalihii iyo saraakiishii madaarka Cigaal International airport, taas oo sababtay in qaar kamid ah Shaqaalihii madaarka Shaqada iska casilaan markii ay u dul qaadan waayeen tacadiyada uu kula kacay Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo lunsiga dhaqaalihii madaarka soo marayey oo talaabooyinka uu ku kacay ay kamid ahaayeen in dad kala soo dega xamuul kala duwan uu isagu ku amri jiray shaqaalaha in aan wax cashuur ah laga qaadin si tuugo ahna loogu soo dhaafiyo taa bedelkeedana ay sifo sharci darro ah kooxo isagu uu ka dhex sameystay shaqaaluhu usoo dhaafiyaan wakhtiyo gaar ah.

Halka maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isaga ahaana lacago kala duwan uu ka qaadan jiray shaqsiyaadkaa uu sifaha sharciga xaaraanta ku ah ugu fuliyo agabka iyo xamuulka uga soo dega madaarka, una sameystay accounts u gaar ah iyo telefoono lacagta ugu yar ee loogu shubi jiray ay ahayd $500 ilaa $1000 oo aan ku dhicin qasnada dawlada.

Falalka noocaas ah iyo kuwo lamid ah oo sannado badan si hoose uu uga dhex waday madaarka hargeisa waxay sababeen inay soo dadajiyeen in si foolxun looga qaado mansabkii lagu aaminay, banaankana laga dhigo guud ahaan inuu wax shaqo ah ka qabto hay’ada madaarada jsl.

Shaqsiyada Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ah noocaas ayaa muddo kooban oo uu hayey xilka agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta somaliland  durba ka dhex bilaabay dhaqamadaa foosha xun ee hore looga suuliyey wasaarada, waxaana durba wax badani iska bedeleen shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo masuuliyiintii isaga ka horeeyey ay si kalfuran ula macaamili jireen, uguna dhex ahaayeen qaybinta hawlaha shaqo iyo in si cadaalladi ku jirto loogu maamulo dhaqaale tiro badan oo dawladu ku bixiso soosaarka barnaamijayada kala duwan oo ugu jira dakhliga telefishanka qaranka somaliland, kana gaar ahaa ka wasaarada.

Dhanka kale, waxuu isku dayey in uu si badheedh ah jeebadda ugu shubto Lacago kala duwan oo kasoo baxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo loogu talo galay in maalmaha xuska qaranka si cadaallad ah loo gaadhsiiyo shaqaalaha Warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwa dawlada  ee u soo jeedaa habeenkaasi baahinta wararka iyo xafladaha xusaska qaranka, inagoo tusaale usoo qaadan karna, xuskii qaran ee maalinta Madax banaanida qaran ee 26 june oo guud ahaan Warbaahinta somaliland si masuuliyad iyo milgo leh uga hawlgashay tabintiisa iyo gudbintiisa wararka iyo barnaamijyadii sida tooska ah uga socoday xuska maalinta qaran qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Isagoo Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil ka badheedhay inuu jeebadda ku shubto dhaqaale kooban oo Madaxtooyada Somaliland u soo marisay Wasaarada Warfaafinta, balse markii hore ay Madaxtooyada Somaliland si wadajir ah u gaadhsiin jirtay wariyayaasha ku howlan tabinta xafladaha lagu xusayo habeenka Qaran ee 26 June ama 18 May .

Waxaanu si ka baxsan milgaha masuul xil haya uu isku dayey inuu iska horkeeno warbaahinta madaxa banaan ee  onlineka ah ama Websiteyada, isagoo si badheedha hadalo deelqaaf ah ugula kacay sheegayna inaaney dawladu u baahnayey guud ahaanba warbaahinta onlineka ah wax ay qaranka u qabtaana aaney jirin.

Sidoo kale iyana ma jirto dhaqaalahaa loogu talo galay xuska maalinta qaran ee 26june habayaraatee wax uu ka gaadhsiiyey shaqaalaha warbaahinta qaranka oo uu dulmi cad kula kacay.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane muuse biixi cabdi isagoo guud ahaan u mahadcelinaya Shacabka jamhuuriyada somaliland doorashadii sida nabad galyada ah u dhacday  uu si gaara ugu mahadnaqay dadaalkii ay ka qaateen hawlihii doorashada somaliland warbaahinta online-ka ah oo habeen iyo maalinba u taagan hawlaha qaranka Somaliland.

Isku soo wada duuboo, waxaa hubaala in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamad Yuusuf uu masuuliyadeedda yeelan doono khilaafka uu ka dhex abuurayo Warbaahinta Madaxa Bannnaan iyo dawladda Somaliland, hadii aanu Madaxwayne Madaxwayne Muuse Biixi tallaabada ku baboon ka qaadin .

Qalinkii Cabdilaahi Siciid Yuusuf (Rodol)

Hargeysa, SomalilandTop of Form

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories