HomeMaxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka iyo Haybta Hoggaamiyaha Cusub ee Kooxda Al-Shabaab...

Maxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka iyo Haybta Hoggaamiyaha Cusub ee Kooxda Al-Shabaab ABU CUBAYD?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hoggaamiyaha cusub ee shalay loo magacaabay Ururka Alshabab Axmed Cumar (Abu cubeyd) waxa uu ku dhashay magaalada Qalaafe oo dhulka is maamulka Soomalida Ethiopia 1970-kii, halkaas oo uu kusoo barbaaray.

Sannadkii 1990-kii ayuu degay magaalada xeebeedka Kismaayo ee dalkaasi Soomaaliya, halkaas oo uu kanoqday macalin dugsi Qur’aanka oo aad caan uga noqday magaalada.

Abu CubaydaMuddo ka dibana waxa uu ka mid noqday ciidamadii Raaskambooni ee uu hoggaamiyaha ka noqday Sheekh Xasan Turki, kuwaas oo markii danbe ku biiray Maxaakiinta Muqdisho sanadkii 2006, waxaana ay dagaalo qadhaadh la galeen Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo ciidamada DFKMG ee xiligii Cabdulaahi Yuusuf.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab Axmed Cumar (Abu Cubeyd) waxa uu noqday Saraakiisha sar-sare ee dagaal galinta, waxaana uu sidoo kale soo noqday Gudoomiyaha gobolada Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, waxaanu markii dambe noqday gacan-yaraha kadib markey si hoose isu fahmeen Axmed Godane bur burkii maxaakiinta kadib.

Abucubeyd ayaa waxaa kale oo ay saaxiib dhaw ahaayeen Axmed Cabdul Khadir (Isku dhuuq) oo Mareykanku duqeyn ku dileen horantii Sanadkan.

Mahad Cumar Cabdi Kariim oo hadda la baxay magaca Axmed Cumar (Abucubeyda) waxay Habro-wadaag yihiin Axmed Cabdi aw Mohamud Godane, waxaana Axmed Godane hooyadii la yidhaahdaa Cibaado Warsame, halka Mahad Cumar hooyadiis lagu magacaabo Fadumo Warsame.

Godane iyo Abu Cubeyd waxa dhalay laba gabdhood oo da’ ahaan isku xiga, waxaana weyn Abu Cubeyda hooyadii.

Cibaado Warsame iyo Fadumo Warsame waxay qabiil ahaan u dhasheen Beelaha Isaaq, gaar ahaan Garxajis, Habaryoonis, Reer Sugulle.

Amiirka cusub ee Ururka Al-Shabaab ku caleemasaarteen Baraawe, wuxuu qabiil ahaan u dhashay beesha Bajamaal oo dadka qaarkiis ay ku sheegaan in ay la dhasheen beesha Biyamaal ee Dir, halka dadka qaarkiisna ay rumeysanyihiin in Beesha Bajamaal ay ka mid yihiin Jareerweyn oo ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ee ku dhaqan dalkaasi Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories