HomeMaxaad Ka Taqaanaa Maareynta Toolmoon Ee Beeralayda – W/Q: Siciid Maxamed

Maxaad Ka Taqaanaa Maareynta Toolmoon Ee Beeralayda – W/Q: Siciid Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankNin baan ka hayay waar ma aqoontaas aanu lasoo noolayn kuna nimcaysnayn bay nagaga qaadeen lacag ciidaas iyo camaarkaas ka badan oo ay 16-sanno nagu daaliyeen. Wuxuu la yaabay lana tacajabay sida cilmiyeysan ee ay beeralaydu u habayso una hormeyso hawlaheeda. Kuye, waar bal cilmigan kuududa ee kambadhuudha eega! Ana waxaan idhi iiga dhac ujeedada hawraartaada?

Waar ma taqaanaa kelmadahan? Kelmadahee? Kuwan aan tuu tixi doono. Ina ma maqashay:

Qindi, Harqood, Minaaq, Indhal, Kootar, Nugi, Irfi, Marashi, Suun-madax, Digirin, Dhex-meerad, Jiqirti iyo Gooshi? Ma taqaanaa in Kanaafku wuxuu tamariyaba isu beddelo Xaraash oo uu malinoo dhan bilaa gac-wadeen iyo dule shaqeeyo? Mase ka warqabtaa in mararka qaarkii la guuso beeraha oo ilaa 10 Qindi mar la wada galiyo beerta? Hadda bal qabsoo mararka qaarkii way dhacdaa in la arko Kanaaf iyo Xaraash isu da’ ah. Bismillaahi cawdu bilooy ballooy baydh, inaan garto iska daaye waxaad moodaa in odayga saaxiibkay xataa luuqad kale ku hadlayo. Waxaan ugu jawaabay waxan aad tirisey eed tiraabtey garan maayo! Isagoo kaftamaya kuye, ka waran haddii aynu keeno Harqood, Minaaq, Indhalo, Kootaro, Nugi iyo Jiqirti miidhan, ma la inaga iibsan lahaa? Maxaa la inaga iibsan waxaasi waa qalab jin iyo jaane! Insiga haddii aynu dee rabno inaynu wax ka iibino malaha waxani ma aha wax ka iibsamaya!

Inta uu qosol uu ka muuqdo u qaadan waa ku dhuftey ayuu yidhi waar waa cilmi beereedkaynu hidaha u lahayn ee aynu kusoo caano maalnay. Inta uu qalin aad moodaysay inuu qarsanayay qoorta jeebad u dhawayd ka baadh-baadhay ayuu warqad duuduuban oo qardhaas u eegna kala fidiyey. Kuye, aan kuu sharaxee bal dhugo oo dhagayso. Wuxuu yidhi, dibiga kaliya Qar baa la yidhaa, labadana Qindibaa la yidhaa. Dibida aan laylsanayn een wali tabobaran waxaa la yidhaa Kanaaf. Haddiise dibidu laylsanto oo khubaro ku noqoto qodida baaraha, Xaraashbaa la yidhaahdaayoo loogama warwar qabo in karti daro ku timaado. Wuu qodaa oo wuu qabtaa hawsha beer falida iyadoon cidi gadh-wadin cidina duleyn ayuu maalinoo dhan dhibtoodaa, dhabna hawl u qabtaa oo ilaa dhawr qoodibuu qodaa! Kanaafkuna intuu durduriyuu Faagii lagu taamayay in la qodo inuu wada gaadho daayoo, aanu inyarna kaga dhicin.

Haddii aad dhawr Shubad oo dhul beerad ah leedahay hadda carabkaad cirka la gaadhaysaayoo nina ma taqaanid! Oo waa maxad shubadku marka hore? Marka xiga se intee wax-soo-saar ahbaad kasoo saari kartaa dhawrkaas Shubad? Kuye, waar Shubadku waa dhul balaciisu le’eg yahay ilaa 1km. Ta kale, halkii Shubad haddii si fiican loo maareeyo, ta Allena tabantaabiso oo roob la helo waxaa laga soo saari karaa wax reer iyo raas weynba deeqa.

Guusku isna waa arrin kale oo xiise leh. Waxa uu ku tusayaa wadajir, iskaashi iyo wax-wada-qabsi. Kaasuunbay ahayd ee inaynu xoojino oo kobcino kuna dabaqno dhinacyada kale ee nolosha. Maxaynu xoojinaa, waxaabad arkaysaa xafiis kaliya oo inay iskaashadaan daayoo is xanakadaynaya oo xafiiltanka aad moodo duul aan is-bixinoo waxba isugu jirin. Hadda waa xafiis kaliya. Maxaad u malayn bulsho-weyntana. Walee waa runtaayoo ilaa quluubtu dawawdo oo danta guud samato-bixinteeda loo midoobo guuli waa wali.

Maareyntu waa mawhibo inagu jirta. Maamulkuna waa hibo ayna cidina inaga lahayn oo ku dhex muquursan macnaha nolosheenii iyo hidaheenii aynu hantida u lahayn. Waxaan ugu dambeyntii saaxiibkaygii sheekada iyo casharka isugu kay shiiley isku af-garanay in dhalintu dhugato oo wax ka qorto dhaqankeena beeralayda, reer-guuraaga iyo xoolo-dhaqatadaba isugu jira. Sidoo kale, waa in dhalintu ku dhiirato, lafo-gurto oo falanqayso suugaanteena dahabka ah. Qof nooloo nafi ku jirto dookh iyo wax uu xiiseeyo laga waayi maayee, dhallinyaradu sidoo kale waa inay Suugaanteena dhadhamiso oo dhuunta mariso si ay u fahamto halka laga soo guurey, kobta la marayo iyo goobta geedigu u socdo oo la beegsanayo.

WQ:  Siciid Maxamed Axmed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories