HomeMaxaad Ka Ogtahay Xaaladda Xabsiyada Somaliland, Yaa furan doona la-haysteyaasha!‏

Maxaad Ka Ogtahay Xaaladda Xabsiyada Somaliland, Yaa furan doona la-haysteyaasha!‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Saldhigga Dhexe ee Hargeysa waxa ku xidhnaa qaar ka mid ah odayaashii la safnaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi xilligii uu muranka siyaasadeed ka aloosnaa cidda noqonaysa murashaxa Xisbiga ugu loollamaysa doorashada qorshaysan sannadka dambe haddii Alle idmo oo aan weli xorriyaddooda helin. Gaar ahaanna waxa aan arkay kuwo loo taxaabay tuhunno ku aroora kala-daadintii shir ay abaabulayeen madax-dhaqameed ka tirsan beelaha Gobollada Gebiley, Maroodijeex, Hawd iyo Saaxil oo lagu taageerayay Madaxweyne Siilaanyo, balse ay kala caydhiyeen dhallinyaro iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Galbeedka Hargeysa.

Xaaladda nadaafadeed ee Xabsigu waxa ay ahayd mid aad u liidata. Waxa la gelayay musqulo bilaa albaab ah oo urtoodu ay sanka didinayso, xilliyada qaarna waxa go’a biyaha.! Werwerka ugu weyni waa sidii loo heli lahaa biyo loo isticmaalo weyso, qubeysi, dhuuni iyo nadaafad. Hal mar ayaa 24kii saacadoodba la xaadhaa qashinka goobta yaalla. Waxa ayaan-darro kale ah in xaddiga maxaabiistu uu gaadhayo ku-dhawaad konton qof, sidaas awgeedna waxa la waayaaa meel la kala seexdo habeenkii.

Saldhigga dhexe ee Hargeysa waxa ka buuxa dulinno nafta u diidaya jiif iyo joogba! Haddii aad ka fekerto hurdo, waxa aad misana xasuusanayaa qaniinyada nooleyaal ay ka mid yihiin dukhaanka (kutaan), takfi, injir IKK. Ma jiro xeyndaab lagu kala sooco dembiileyaasha iyo dadka ay ka mid yihiin ardayda, siyaasiyiinta iyo maxaabiista loo taxaabo kiisaska fududi. Ayaan-darro kale waxa ah in laba habeen oo aan halkaas seexday misana ay askartu soo qabteen kooxo cabsan oo ka tirsan ciidammada asluubta iyo dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo saqdhexe loo soo gudbiyay halkii aanu hurudnay. Waa yaab in markiiba la sii daayo ragga dawladda u shaqeeya ee ku jira dhagaraha uu khamrigu kowga u yahay.

Waxa aad arkaysaa qof xidhan muddo gaadhaysa bil iyo dheeraad oo aan maxkamad la horgeynnin. Waa ku tumasho badheedh ah oo lagu mijaxaabinayo xuquuqda muwaaddiniinta Somaliland. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee laga cabanayo waxa ka mid ah
1. Caddaalad-darro
2. Eex
3. Qabyaalad
4. Wanjalaad
5. Laaluush
6. Meermeerin
7. Jidhdil
8. Isku dirka iyo kooxaynta maxaabiista iyo
9. Carruuro lala xidhayo tuug iyo budhcad.

Waxa meesha ka maqan kormeerkii Wasaaradda Caddaaladda, arrimaga gudaha, saxaafadda iyo haayadaha u dooda xuquuqda Aadamaha. Hadba kii lacag leh ayaa loo adeegaa, kii ku tiirsan wasiir ayaa la xushmeeyaa! Kii tabar iyo taagyarna waa lagu durduriyaa. Saska ugu weyn waxa laga qabaa warbaahinta iyo xog-tebinta. Ma meesha sidaas ah ayaa Somaliland ku taallaa? Ma sidaas ayay Xukuumaddu ku sheeganaysaa hoggaamin suubban oo sacab loogu tumayaa?..

 

Waxa ku jiray dulmaneyaal kala duwan oo ay ku tacaddiyeen ganacsato laaluush bixisa, boolis shaqadiisa gudan waayay, wasiirro shacabkooda xidha oo aan cidina waxba ka weydiin, askar ka tirsan ciidanka booliska oo uu xadhig, xannibaad iyo xayiraad isugu daray ninka ku magacaaban Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland, carruur aan qaadhin, muwaaddiniin u dhalatay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay xukuumaddu tun-jileecsatay. Ma sidaas ayaynu ku rabnaa in la furo xuduudaha Wajaale iyo Lawyacaddo…….. Alleylehe waxa aan barasho wanaagsan leeyahay bahda qaabbilsan nabadgelyada Somaliland

 

La Soco haddii Alle idmo

 

Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook Imaam UDUBSOOR KABADHEERE DIBAD

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories