HomeMaxaad ka ogtahay Badeecado noocooda Somaliland loo Iib-keeno oo Dheecaan Islaamka Xaaraan...

Maxaad ka ogtahay Badeecado noocooda Somaliland loo Iib-keeno oo Dheecaan Islaamka Xaaraan ka ah laga helay iyo Waddamada Isticmaalkeeda joojiyey?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kuala Lumpur (SLpost)- Dalka Malaysiya, ayaa la sheegay inay ka mamnuucday dalkeeda badeecadaha ay soo saarto Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo magaceedu yahay “Cadbury”, ka dib markii khubaro baadhitaan ku sameeyey ogaadeen in Nacnaca nooca loo yaqaanno Shaglaydhka ee Shirkaddaasi farsamayso lagu daro dheecaannada Xawaanka Doofaarka oo Diinta Islaamku xaaraantimaysay, balse ay dadka aan Diinta Islaamka haysani Hilib ahaan u cunaan.

ShoklaytSida ay qoreen maalmahii la soo dhaafay Warbaahinta ka soo baxda dalka Malaysia oo ka mid ah waddamada Islaamka ee dhinaca Cilmiga iyo Tiknoolajiyadda Horumarka ka gaadhday, waxa lagu sheegay in baadhitaan lagu sameeyey qaar ka mid ah noocyada Buskudka Shirkadda Cadbury soo saarto, ee loo yaqaan Diary Milk, kana samaysan lows iyo shaglaydh isku jira, lagu ogaaday inay ku jiraan dheecaanno laga soo qaaday Doofaar.

Waddammo ay ka mid yihiin Indooniisiya iyo Sacuudiga, ayaa sidoo kale bilaabay baadhitaanno ay ku samaynayaan Badeecadaha dalalkooda yimaadda ee shirkadda Cadbury samayso, ka dib soo shaac-baxa fadeexadda ka dhacday dalka Malaysia ee ay kashifeen khabiirrada baadhitaanka sameeyey.

Hay’adda cuntada iyo dawooyinka Sacuudiga, ayaa sheegtay inay ka soo ururiyeen muunado badeecadaha Shirkadda Cadbury ee dalkooda yimaadda, si baadhitaan sheybaadh loogu sameeyo, inay ku jiraan dheecaanno Doofaar, sida wakaaladda wararka ee Sacuudigu sheegtay.

Shirkadsa Cadbury, oo ah ta ugu weyn, uguna caansan adduunka ee sameysa Shaglaydhka, ayaa sheegtay inay dib uga soo celinayaan dalka Malaysia laba ka mid ah Badeecadahooda (Cadbury Dairy Milk ‘hazelnut’ iyo Cadbury Dairy Milk ‘roast almond products’), ka dib markii laga helay dheecaannada Doofaarka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda cuntada Sacuudiga Dr. Salah Al-Maiman, ayaa sheegay in Badeecadaha Shirkadda Cadbury ee lagu dejiyo dalka Malaysia aanay iman Suuqyadooda, balse ka yimaaddaan dalka Ingiriiska iyo Masar.

Al-Maiman, ayaa sidoo kale, sheegay in Hay’addoodu tallaabooyinka ku habboon qaadi doonto haddii baadhitaannadooda ay ku ogaadaan in dheecaan Doofaar ku jiro Badeecadaha Shirkadda Cadbury ee suuqyada Sacuudiga yaalla.

Si kastaba ha ahaatee, Noocyada Shaglaydhka ee Nacnaha iyo Buskudka la sheegay in laga helay dheecaanka Xawayaanka Doofaarka ee ay samayso Shirkadda Cadbury, ayaa qaarkood yimaaddaan dalka Somaliland oo aan lahayn awood lagu ogaan karo noocyada ay ka samaysan yihiin iyo heerka tayadooda toona alaabooyinka dibedda looga soo dhoofiyo dalka ee ay Ganacsatadu keensato.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii ay talada dalka la wareegtay sannadkii 2010-kii waxa ay samaysay hay’ad u gaar ah la-socoshada iyo karantiimaynta tayada cuntooyinka dalka dibaddiisa laga keeno, haseyeeshee hay’adda ayaan lahayn habayaraatee awood dhaqaale iyo aqoontii ay kaga hawl-gali lahayd ilaalinta tayada iyo sugnaanta badeecooyinka dalka dibaddiisa laga soo waarido.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories