HomeMaxaa Shacabka Somaliland kala gudboon inay kaga Fal-celiyaan Gulufka Colaadeed ee Soomaaliya?

Maxaa Shacabka Somaliland kala gudboon inay kaga Fal-celiyaan Gulufka Colaadeed ee Soomaaliya?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

FAALLO: By SCC Kalshaale

Qaranka Somaliland mugdi kagama jiro wadciga iyo waayaha siyaasiga ah ee ku gedaaman xilligan dalkooda oo ah duruuf qof kasta oo garaad qabaa uu garan karo sababteeda,suurayna karo sida lagaga gudbi karo, balse ay sugtadu tahay kalsoonida Hay’addaha dawliga ah loo siiyey gudashada waajibaadka masuuliyaddeed ee u qaabaysan dheeli-tirnaanta iyo kala-dambeynta maamul.

 

Somaliland people banaanbax

 

Sidaasoo ay tahay, gulufka xadhkaha goostay ee ay Dawladda taagta daran ee caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya ku haysaa, waxay shacbiga Somaliland iyo Dawladdooda si cad ugu bidhaaminayaan heerka cadaawaddeed ee ay u hayaan Qaranka isku-tashay iyo in hantidiisa loo soo dhintay, ee loo dhaawacmay ee ay dhibaatada badan u soo mareen Dadku ay doonayaan in ay si’ dhayal ah u daadiyaan ama ugu yaraan laf-dhabarta uga jebiyaan si aanay u sii tamarin, waxaana taasi ka markhaati ah talaabooyinka is-daba joogga ah ee uu qaaday Maamulkaasi bilihii u dambeeyey, kuwaasoo ay ugu halis iyo hagar-daamo xuntahay cunno-qabateynta dhoofka xoollaha ee todobaadkan u dambeeyey dibada u soo baxday.

Talaabada cunno-qabateynta dhoofka Xoollaha Somaliland waa dhirbaaxo damaqeedu in uu gaadhsiisan yahay-ba uu si’ badheedha ugu handiday Dawladda Somaliland iyo shacbigeeda Maamulka Xamar, isagoo ka talaabsaday Shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha iyo Heshiisyadii lagu unkay wadahadalladii bilaabmay sanadkii 2012-kii oo ay gun-dhig u ahaayeen in aan la siyaasaddeyn waxyaabaha aasaasiga ah, sida mashaariicda horumarka, mucaawimooyinka, Maal-gashiyada iyo wixii la hal maala.

Waxa kale oo uu maamulkaasi hore u jebiyey Heshiisyadii Maamulka Hawada, in la abuuro jawi isku-soo-dhawaanshiyo xal lagu gaadho keeni kara iyo in Dadka reer Somaliland si dhab ah looga dhayo dhibaatooyinkii ay u geysatay Dawladdii Siyaad Barre ka hor intaanay xornimada kala soo noqon 1991-kii.

Saddexdan qodob oo ku jiray Heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Stanbul 19-kii bishii January 2014-kii iyo kuwo kale oo lagu go’aamiyey kulamadii ka horeeyey-ba waxa ka bixitaankooda, ka culus oo jarriimad aan la ilaawi karin ah go’aanka macangagnimada ah ee ay Soomaaliya iminka ku carqaladaysay Xoollaha ay Somaliland u dhoofiso Sucuudiga iyadoo lagu jiro xilligii suuqoodu xaamiga ahaa , arrintaasi oo aanay saameynteedu ahayn mid xifaaltan siyaasaddeed in loogu dheelo mudan, isla markaana taabanaysa Dhuuniga Qoysaska Xoollo dhaqatada ah, kuwa Magaalada ee nacfiga ka hela Iibka Xoolaha, Ganacsatada iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Haddaba, inkasta oo dagaalka siyaasaddeed ee Maamulka Xamar in uu guulaysto aan la filayn, dhaqdhaqaaqyadiisan u dambeeyeyna muujinayaan dagaal heerkiisa lagu tilmaami karo naf-lacaarid ama mitid, waxa Bulshada Somaliland la gudboon in ay hurdada ka toosaan, kana gil-gishaan falalka liciifnimadu ka muuqato ee ay ku curyaaminayaan Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo qorsheyaasha diblomaasiyaddeed ee Dalka, kuwaasoo aan ku koobnayn, kuna eekaan doonin go’doominta siyaasadda dibada iyo gujo-gujaynta Ilaha dhaqaalaha, balse sida la dareensan yahay uu qayb ka yahay qorsheyaal ay xasarado kaga abuurayaan gudaha dalka.

Sidoo kale, Dawladda Somaliland, gaar ahaan Xukuumadda iyo Goleyaasha Baarlamanka, ayaa looga baahan yahay inay go’aamo shacbiga si waafiya u deeqa ka soo saaraan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah masiirka Umadda ee ay Xukuumadda Farmaajo u xusul-duubatay, waxaana talaabooyinka lagama maarmaanka ah kamida:-
Inay Hay’adda Dawladdu si deg deg ah kulan uga yeeshaan dhacdooyinka ay u dambeysay Xoollaha lagu xayiray Dalka Sucuudiga, kulankaasoo haddii ay suurto-gal tahay laga qayb geliyo hogaamiyeyaasha Ururrada Bulshada rayidka ah, Aqoonyahanka iyo hormuudka kale ee Dalka.

In kulamadaasi laga soo saaro qaraarro lagula hadlayo wadamada Gobolka iyo qaramada Caalamka oo uu Sucuuddigu kamid yahay, kuwaasoo ay tahay in loo beyaamiyo in aanay Maamulka Muqdisho ku gacan-siin colaada uu ku hayo Somaliland iyo in haddii aan dhakhso loo soo faro-gelin xiisadda sii xumaanaysa xaaladdu faraha ka bixi doonto oo ay wajiyo kale yeellan karo xifaaltanka Siyaasaddeed.

Ugu dambeyn, iyadoo arrimahan oo dhami ay yihiin kuwa lagama maarmaan ah, Magaallooyinka waaweyn ee Somaliland waxa ka jira guux isa soo taraya oo qarka u saaran in uu keeno gadood shacbi oo baaxad leh, kaasoo lagaga soo horjeedo shuruuda ay Boqortooyada Sucuudigu ku xidhay Xoolaha Somaliland ee ah inay Warqada Caafimaadka ka soo qaataan Soomaaliya, taasoo ay u arkaan Bulshada Somaliland in ay tahay qorshe ay Riyaadh taageero diblomaasiyaddeed ku siinayso Maamulka Muqdisho.

Shacbiga Somaliland iyagoo arrintaasi si weyn uga cadhaysan, waxa suurto-gal ah inay Mudaharaadyo ka dhigaan maalmaha soo socda magaallooyinka waaweyn ee dalka, arrintaasoo loo baahan yahay hadii ay dhacdo inay dawladdu u maarayso si degen, iyada oo aan ka hor-istaagayn muwaadiniinteeda inay caalamka gaadhsiiyaan dareenkooda.

 

W/Q: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/Somaliland
Email: curad1986@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories