HomeMaxaa Sababay Is-casilaaddii Ay Marwo Faadumo Siciid Iska Casishay Xisbiga WADDANI ?

Maxaa Sababay Is-casilaaddii Ay Marwo Faadumo Siciid Iska Casishay Xisbiga WADDANI ?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

blankMarwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ahayd Xoghayihii Arrimaha debada ee Xisbiga WADDANI , ayaa shaaca ka qaaday 14ka Bisha October 2019ka inay gebi ahaanba iska casishay xilkii iyo xubinimaddii xisbiga WADDANI ay ka haysay, ka dib markii uu xisbigu ka gaabiyey kalintii mucaaradnimo ee dalka iyo khilaaf soo kale dhex-galay iyadda iyo masuuliyiinta xisbiga qaarkood.

Faadumo Siciid ayaa horre usoo noqotay la taliyaha gaarka ah ee Guddoomiye Cirro ,iyadoo uu Guddoomiye Jirde sanadkii 2018-kii u magacaabay xilka xoghayaha Arrimaha debada ee Xisbiga ,kaasi oo ay iska casishay, isla markaana ay ka baxday guud ahaanba xisbiga WADDANI 14-kii October 2019-ka  “ Xisbigii geedi socodkii aanu ka sugaynay himiladdii aanu ka doonaynay maan ku arkin waanu ka gaabiyey, Xisbigii WADDANI waan isku garan waayey siyaasadda siddii aanu doonaynay iyo geedi socodkii aanu ka rabnay waan ka arki waayey, Markaa waxaan go’aansaday in aan xilkii aan hayey ee aanu u hayey WADDANI in aan iska casilo oo guud ahaan-ba aan iska casilo Xisbiga WADDANI.”Ayeyey tidhi Faadumo Siciid Ibaarim

Maxaa Sababay Is-casilaadda Marwo Faadumo Siciid ?

Faadumo Siciid Ibraahin ayaa isku casishay khilaaf riiq dheeraad oo soo kale dhex-galay iyadda iyo masuuliyiin kele oo uu horkacayo Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, kaasi oo uu xisbiga WADDANI ku fashilmay inuu xaliyo “ Waxa weeye laba qof oo meel wada jooga khasbiyan marka ay shaqo socoto dee waa la isku khilaafayaa ” Ayey tidhi

Xubno ka tirsan WADDANI oo magac-yadooda ka gaabsaday in la xuso ayaa sheegay in Marwo faadumo Siciid iyo Xoghayaha guud ee WADDANI uu jiray khilaaf cakiran oo u dhexeeyey, kaasi oo sabay inay gebi ahaanba iska casisho Faadumo Siciid xisbiga WADDANI, waxaanay sheegeen inay Faadumo Siciid kamid ahayd xubnihii gollaha dhexe ee WADDANI, kuwaas oo diiday inay u codeeyaan Khadar Cabdi Xuseen inuu noqdo xoghayaha guud ee WADDANI.

Xisbiga WADDANI Iyo Tageerayaashiisu Siday U Arkeen Is-casilaada Faadumo Siciid ?

Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa qaarkood qoraalo ay kaga haddlayaan is-casilaadii ay Faadumo Siciid ay iska casishay xisbigaas waxay muujiyeen inay ka xun yihiin, iyagoo sheegay inay qiimo weyn ku lahayd xisbiga dhexdiisa  “Waaxa aan si milgo iyo maamuus leh u sii sagootinayaa Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI oo aan muddaddii ugu dambeysay ee ay xilkaa haysay aan si dhow u wada shaqeynay, runtiina xisbi ahaan naga mudan ixtiraam iyo qaddarin go’aanka shakhsiga ah ee  qofnimo in aan dhammaanteen ku wada ixtiraamno, noloshuna waaba geeddi iyo geeri u joog “ Ayuu yidhi Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiyuhu Cabdiqaadir Iidle oo qaraalkan ku faafiyey degalka uu facbuuga ku leeyahay,

Xubno kale oo ay ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa iyana sifiican uga haddlay , is casilaadii Marwo Faadumo Siciid, waxaanay muujiyeen inay ka xun yihiin xubintaas inay iska casisho WADDANI, iyagoo tilmaamay inay qiimo badan ku lahayd xisbiga dhex-diisa

Qaar kamid ah taageerayaasha WADDANI ayaa iyana ka xumaaday is casilaadii Marwo Faadumo Siciid sidda ay ku baahiyeen baraha bulshada , halka qaar kamid ah taageerayaashu xisbiga WADDANI ay kula kaceen aflagadoodo qaawan iyagoo ku tilmaamay inay adeegto u ahayd xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE

Bulshadda reer Somaliland Siday u Arkeen ?

Marfash-yadda lagu kulmo iyo goobaha fadhi ku dagaalanka siyaasadda iyo weliba baraha bulshada ay ku kullanto ayaa ahaa kuwo arrinta aad loogu haddal hayey,isla markaana ay badi bulshadu isla waafaqsanayd inuu xisbiga WADDANI lumiyey xubin aad u mihiim ahayd oo aan loo baahnay inuu iska lumiyo, taasi oo ay ku timaameen inay ahayd haweenaydii laf –dhabarta u ahayd haweenka ku jira xisbiga WADDANI.

 

Dr Hoodo Muuse Yuusuf

 

Somalilandpost.net Marnaba masuul kama aha Fekerka uu xambaarsan yahay Qoraalkani, wuxuuna gaar u yahay aragtida Qoraaga ku saxeexan
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories