HomeMaxaa Sababay Inay Berberi Kaalmaha Dambe Ka Gasho Xuskii 18...

Maxaa Sababay Inay Berberi Kaalmaha Dambe Ka Gasho Xuskii 18 May Tartankii Gobolada Ka Dhexsocday – W/Q: Siciid Jaamac Axmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maalintii shalay ayaa guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka si weyn looga xusay sanadguuradii 22aad ee ee ka soo wareegtay gooni isutaaga jamhuuriyada s/land. Sida  Shaashadaha Tv-yada iyo qeybaha kale ee warbaahintu soo tabinaysay.  waxa si weyn looga arkayay kumanaan shucuubta s/land ah oo ku labisan astaanta calanka tawxiidka leh oo dhoolatusyo waawayn ku maray shaaracyada magaalooyinkaas aakhirkiina isugu soo biyo shubtay fagaraayasha,ayna halkaas kala hadleen masuuliyiintii loogu talo galay, waxa xusid mudan in magaalooyinka  sanadkan wacdaraha dhigay ay ka mid ahaayeen, Hargeisa , Burco, Boorame, Gabiley, Ceerigaabo, Baligubadle, Oodweyne Iyo Oog. Waxaana magaalooyinka qaar lagu arkayay,qalabka hidaha iyo dhaqanka ,fardo bilicasan iyo Ciidamada Qalabka sida oo gaardis ku maray jidadka waawayn ee magaalooyinkaas.

Akhriste Magaalada Berbera oo ah Xudunta dhaqaale s/land,ayaa sanadkan u muuqatay mid qayrkeed kaga hadhay baratankii iyo xafiilatankii ka dhexeeyey gobolada iyo degmooyinka dalka.waxa meesha ka maqnaa gud ahaaba isku xidhaan laan laamaha dawlada ah,waax kasta oo dawlada ka mid ahi gaarkeeda ayay u socotay mana jirin wax xidhiidha oo ka dhaxeeyey aan ka ahayn inay fagaaraha kheyriyada isugu tagaan ,hadalo aan habaysnayn oo habaqle ah oo ka aradan priticolka dawladnimo ayaa fagaarahay ay uga hadleen maamulka gobolka iyo ka degamada oo ku sugnaa madasha.

Sidaad la wada socotaan badhasaabka gobolka saaxil oo ah masuulka ugu sareeya gobolka ayaa isagu magcaabay horaantii bishan guddi qabanqaabo oo 11 xubnood gudidan u magacaabay Gudoomiyuhu  wax wargalin ah kamuu siin masuuliyiinta gobolka la maamusha sida duqa degamda. Wuxuuna gudida ku koobay wakiilada dawlada dhexe ama isuduwayaasha wasaaradaha gobolka qaarkood iyo maareye x/geenka dekeda oo uu gudoomiye uga dhigay. Haba magacaabe waxay ceebtii gudida iyo badhasaabkuba debeda u soo baxday markii ay lacag aad u badan ay ka uriyeen ganacsatada gobolka iyo dhamaan laamaha dawlada oo ay mid kasta ka qaadeen lacag xadigeedu uu badanayahy. Haba gureene maxay ku qabteen. Ismay dhibine waxay Acc ka furteen Dahabshiil si ay lacagta ugu uriyaan, wax kale iskadaayo boodh xuska 18 may ah kamay taagin badhtama magaalada ama meelaha indhuhu qabtaan.boodhadhka iyo calamada xuskana haayad kasta oo dawladeed iyagaa soo samaystay, mana jirin wax ay iyagu soo sameeyen. Lacagtii ay umada ka soo gureen aad yar bay qaybsadeen,siiba intooda barnaamijyadan ku mamtay.sida badhasaab cali gadheer iyo cabdalaha qorshaynta iyo isudawaha wasaarada waxbarashada .

Guddi ku sheegan uu cali gadheer umada ku baadhay,waa ta dhaxalsiisay shacabkii u helanaa xuska maalintan iyo inay si ficile ula tartamaan gobolada kale ay ka hadheen. Waxana dadka siyaasada gobolka u dhuun daloolaa ay dib udhaca arintan la xidhiidhinayaan,Habacsanaanta Badhasaabka oo aad moodo mid lagula Qaldamay booskan,waxa taas markhaati kuugu filan iyada oo dabaaldega intaas leeg lagu jira birta calanka ee xafiiskiisa ku dhextaala calanka sudhani uu ku dul madhay birta uuna awood u waayay bal inuu inta munaasibada uun ka bedelo ,maadama oo xafiiskiisu yahay  muraayada gobolka saaxil

Allaa mahad leh

Sead jama ahmed

Berbera

 

hanaqaad896@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories