HomeMaxaa Sabab u ah Fashilka iyo Fool-xumada ka Muuqda Guddiga Qaban-qaababada Xuska...

Maxaa Sabab u ah Fashilka iyo Fool-xumada ka Muuqda Guddiga Qaban-qaababada Xuska sannad-guurada 28aad ee 18-ka May?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Qaban-qaabada Xuska 28-guurada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannad kasta loo dabbaal-dego 18-ka bisha May, ayaa u muuqata sannadkan 2019-ka mid ka liidata sidii sannadihii hore loo abaabuli jiray ee la isugu xidhi jiray qaybaha Bulshada, Warbaahinta iyo Dowladda-ba.

 

Inkasta oo loo magacaabay sidii horeba caadada u ahayd Guddi qaban-qaabo oo badi Masuuliyiinta dowladda ah, haddana guddiga, ayaa u muuqata mid kooxo ah oo aan isugu xidhnayn sidii ay awalkii hore isugu xidhnaan jirtay, taasina waxay keentay maamul-xumo iyo wax kala jiidasho sababtay habacsanaanta ka muuqata amma laga dareemayo diyaarintii xuska Qaran ee 18-ka bishan May.

18 May 2019
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta

 

Xuska 18 ka May oo Somaliland aad looga wayneeyo, isla markaana ku suntan maalintii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18-kii May 1991-kii,xuska maalintan waxa doorka ugu mudan ka qaadan jiray amma ka qaata Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha ee Website-yada (Shabakadaha wararka), TV-yada, Wargeysyada iyo Idaacadaha dalka dibeddiisa laga leeyahay.

 

Hase-yeeshee, doorka ugu muhiimsan waxa qaata Shabakadaha Online-ka ee Website-yada loo yaqaanno oo isku xidha dal iyo dibed, baahiyana Qoraal, Sawirro, Muuqaallo live iyo Fiidyawyo, kuwaas  oo, ah isha ugu fiican ee gudo iyo dibedba si toos ah wararka iyo waxa jiraba kala socoto Bulshada gudaha iyo dibeddaba ku nool ee Somaliand iyo dadyowgaa kale ee Af-soomaaliga ku hadla iyo ajaanibkaba, iyagoo qaarkood Luqadaha kale ku baahiya dhacdooyinka iyo wararka Somaliland,munaasibadan iyo kuwa kaleba.

Balse, nasiib-darro, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa dafirtay doorka shariifka ah ee Warbaahinta online-ku ugu jirto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kala saartay warbaahinta oo kharashkii loogu talo-galay hawlgalka maalintaas u gaar yeeshay TV-yada iyo Wargeysada, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali oo iska indha tiray doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin warbaahinta Online-ka ee ka hawlgala Somaliland.

 

Agaasime Mukhtaar, wuxuu sheegay inaanay kharash ugu talo-gelin Website-yada, halka ay Madaxtooyadu Guddiga Ururka Website-yada ee (Somaliland Media Online) oo loo soo gaabiyo SOMA,  iyo Mulkiileyaasha Shabakadaha wararka qaarkood la kulantay, una sheegtay in qorshaha lagu halgalayo iyo wixii kharash ah loogu weeciyey Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiirka wasaaraddaas Maxamed Muuse Diirye yahay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaban-qaabada 18 May, balse Masuuliyiinta Wasaaraddu dafirtay arrintaa.

 

Haddaba, tani waxay u muuqataa, caaglaysi iyo musuqmaasuq ay ku kacday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ay masuuliyiinta hadda hoggaamisaa muddo kooban oo bilo ah joogeen amma xilkeeda hayeen, iyagoo u muuqda inay gabeen amma ku fashilmeen kaalintii maamul-wanaag, hufnaan iyo musuqmaasuq la’aan ee laga filayey, maaddaama oo madaxdii iyaga Wasaaradda uga horreeyey intii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi jirtay xilka looga qaaday eedo musuqmaasuq iyo maamul-xumo.

 

Shabakadaha online-ka ee Somaliland ka shaqeeya oo Tiradoodu boqollaal Website ah, ayaa ah kuwa wararka iyo warbixinnada qoraalka, codadka, muuqaallada iyo sawirrada ah maalmaha qaranka iyo guud ahaan horumarka iyo hawlaha hadba dalka ka socda si waddaniyad leh dunida u gaadhsiiya, iyaga oo aan kab, taakulo iyo mahad-naq midna kaga helin dawladda, balse iyagu inta awooddooda ah muujiya karti iyo xilkasnimo ay waajibaadkooda si mutaddawacnimo ah ula garab-taagan yihiin Qarankooda. Hase-yeeshee, iyaga oo doorkaas leh may mudnayn, manay filayn in dowladdooda, weliba Wasaaraddii Warfaafinta qaabbilsanayd oo ay ahayd in ay isku ururiyaan ay sidaa u kala faquuqdo amma u kala saarto Saxaafadda dalka oo waaxdii ugu mudnayd ay doorkeeda iska indha-tiraan Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu.

 

Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, ayaa waajibiyey inay Warbaahintu u sinnaato Wararka, Xogaha iyo Manfacba wixii dowladda ka soo baxaya. Hase-yeeshee, iyadoo marka horeba warbaahintu ka cabanaysay nidaamka war-helista Xukuumadda, ayey tanina muujinaysaa faquuq Warfaafintu kula kacday Saxaafadda isku-duubnida Qaranka ugu adeegi jirtay iyo inay jebisay shuruucda waajibisay inay dowladdu Warbaahinta u sinnaato.

 

Sida ra’yul-caamka badi bulshadu qabto, warbaahintuna xog-ogaalka u tahay, waxay arrintan warbaahinta lagu kala saaray sii murginaysaa natiijada ka dhalan karta, habacsanaanta iyo maamul-xumada hadhaysay Guddiga Xukuumaddu u saartay qaban-qaabada 18-ka May ee sannadkan 2019-ka.

 

Waxa kale oo maamul-xumada iyo wax-kala-jiidashada Guddiga qaban-qaabada iyo hay’adaha Xukuumaddu u xil-saartay Xuskani sababeen inay meesha ka baxdo isku duubnidii bulshadu ku qaabbili jirtay waynaynta Maalintan Qaran, iyada oo aan magaalooyinka waawayn ee dalka sidii looga dareemi jiray iyo diyaar-garawgii bulshada midna si wacan uga muuuqan, iyadoo ay hal maalin oo keliyi innaga xigto 18-ka May, isla markaana taa beddelkeeda maalmihii ugu dambeeyey caasimadda Hargeysa lagu xidh-xidhay dhalinyaro si badheedh ah ugu labbistay Dhar ka samaysan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, halkii Calanka Somaliland ay kaga labbisan lahaayeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, ayaa ku dhalliilan wax kasta oo iska beddela Xuska Maalinta Qaranka ee 18-ka May iyo isku-duubnimada Bulshada iyo Saxaafadda, isla markaana waxa looga fadhiyaa in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta uu dirsaday saxaan nidaam-xumada muuqata, si Qarankani isugu sii duubnaado.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories