HomeMaxaa Muuse Biixi u sahlay inuu ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada? - WARBIXIN...

Maxaa Muuse Biixi u sahlay inuu ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada? – WARBIXIN ay Diyaarisay BBC

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, haddana saadaal badan ayaa dhankaas u janjeedhay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin.

Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?

muuse biixi ramadaan (1)

Siyaasad iyo dhaqan

Midda ugu horraysa, murankana uusan ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay 305,909 cod, kuwaa oo u dhigma 55.19%.

Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee C/raxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaariga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa).

Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aysan labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la’aan lagu dhagaxyeeyey.

Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yiri “waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya” waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka.

Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo.

Dagaalkii SNM

Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday.

Go’aan adeyg

Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go’aan adag oo aan ka laaban waxa u go’aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.

XIGASHO: BBCSOMALI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories