HomeMAXAA MUDAN IN WAX LAGU XUSHO Q 2AAD

MAXAA MUDAN IN WAX LAGU XUSHO Q 2AAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadeenii hore waxa aynnu ku soo qaadanay cidda mudan ku dayashada iyo saaxiibka sifooyinka loogu xulanayo, Sidaa darteed qormadeennana waxaynu ka sii qaadaynaa cidda saddexaad ee tahay in laga dhimbiil qaato maadaama aynu qormada hore ku soo qaadanay suubanoow rasuulkeenii (N.N.K.H) iyo saaxiibka, qormadana waxaynu si kooban u dhugan doonaa hogaamiyaha.

HOGAAMIYE: – Waa erey macno ahaan balaadhan oo loo adeegsan karo meello badan oo nolosha se waxa aynnu ka eegi doonaa hoomiyaha ummadda iyo waxa ay mudan tahay in lagu xusho. Hogaaminta waaxa bud dhig u ah qorshayn iyo fulin,taas oo uu ku aas’aasayo dhisida shakhsiyadiisa iyo bulshadabba.Hogaamiye waa shakhsi ka soo dhex baxa bulshada uula nool yahay oo uu kaga soo dhex baxo sifooyin u gaara oo aanay bulshada inteed kale la wadaagin ama uu dheer yahay.

Hogaamiyaha la xulanayo waxa muhiima u ah in lagu xusho qodabadan

1. Hal adayg:-Hogaamiyuhu waa in uu noqdaa qof hal adag oon iska badalin hadafkiisa oo aanay saamayn ku yeelan wax yaalaha dibada kaga imanaya.

2. indheer garadwaa in uu ka aragti iyo aqoon ba dheer yahay bulshada inteeda kale ,sida marka uu qaadanayo go’aanada masiiriga ah, isla markaan u sharaxi karaa ahdaaftiisa iyo waxa isaga u muuqda.

3. Isku xidhka bulshada: -Waa in uu noqdaaa mid isku xidha bulshada qof- qof , koox –kooxba iyo guud ahaan ba, isaga oo fahmaaya baahiyahooda midayn kara .

Waa inuu isu soo jiidi karaa inta la shaqaysa marka ay is qabtaan isla markaana mid kastaa noqdaa saaxiibka ugu dhaw ee la shaqeeya.

4. Isbedel:- Waa in uu noqdaa mid keeni kara isbedel la jaan qaadaya wakhtiga iyo bulshada oo hilaadin kara mustqabalkana

5. La Tashi: – Waa in uu yahay mid talada la wadaaga bulshada oo aanu noqon kaligii taliye ama talada ka qaata koox gaara oo ka mida dadka inta la shaqaysa, isla sidoo kalena haadiya oo hufa tashiyada guud ahaan.

6. Hawl kar:- Waa in uu hayay qof hawl kar ah oo shaqada ka horeysiiya hadalka, tusaale marka uu hogaamiyuhu doonayo inuu bulshadiisa wax ku soo kordhiyo waa inuu isagu ugu horayn ficil ahan u sameeyaa si ay bulshadu ugu dayan karto.

7. Dhiiri-galin: – Waa in uu noqdaa mid dhiiri galin kara bulshada xiliyada adag isla markaana soo celin kara yididiiladaiyo rajadda bulshada xiliyada ay quustaan.

8. Geesimo:- Waa in uu noqdaa geesi aan kayr -kayrin xilliga cadawga la is hayo oo qaatadan go’aamo iska hor imanaya.

9. Odoraska Waxa soo socda :- Hogaamiyaha waa in uu leeyahay saadaalin ku dhisan mustaqbalka halka uu u socda iyo sida lagu gaadhayo, isla jeerkaasna waa in uu wixii tagay leeyahay waayo aragnimadii uu ka dhaxlay oo weelaysan si aanay berri ugu noqon wax cusub.

 isku soo wada xooriyoo qodobadan iyo kuwa la hal-maala’a waa kuwo u baahan in loogu hilaad bixiyo cidda la xulanayo iyadoo lagu jaan go’aynayo hirarka mawjadeed ee looga baahan yahay. Balse haddii meelo kale iyo sifooyin kale oo aan ku dhisnayn xulasho dhab ah lagu eego waxa hubanti ah in la hareer maray xulashadii la rabay.

      Dhamaad

Qalinkii :-Axmed Baashe Aadan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories