HomeMaxaa Masaalix ah oo Somaliland uga soo baxay shir-weynihii London lagu soo...

Maxaa Masaalix ah oo Somaliland uga soo baxay shir-weynihii London lagu soo gabo-gabeeyay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxay ahayd fursad nadir ah oo  markii u horeysay ee si ficil ah loo gole geeyay qadiyadda Somaliland fagaare ay ku kulmeen wufuud heerkoodu sareeyo oo ka socday 54 dal oo ka mid ah beesha caalamka, gaar ahaan wadamadda daneyeeyeyaasha gobolka Geeska Afrika ee  sida dhow ula socda dhacdooyinka ka jira mandaqadda.

Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hoggaaminayay wefti qaran oo ka socday xukuumadda, Goleyaasha iyo Axsaabta qaranka, waxa uu wajigii labaad ee shirweynihii London ka jeediyay khudbad qaro-weyn oo uu tafaasiil kaga siiyay waxyaabihii u qaboomay qaran ahaan Somaliland labaatankii Sanadood ee u dambeeyay ee Soomaaliyana ay sabaynaysay mawjado colaadeed oo aan dhammaad lahayn.

 Warbixinta Madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka u bidhaamay in Somaliland ku timid iraadada shacbiga oo aan la bedeli Karin, isagoo ku guubaabiyay inay aduun-weynuhu badhitaaro madax-banaanida qaranimada dalka  oo aanay hore waxba ugu darsan.

Madaxweynuhu wuxuu bedelay  quluubtii wufuudii shirka oo uu qalbigooda saamayn taban ku yeeshay horusocod la’aanta dalka guul-daraystay ee Soomaaliya, waxaanu si faah-faahsan uga sheekeeyay nabad-gelyadda seeska hoose laga soo unkay ee cagaha adag ku taagan ee Somaliland ku naaloonayso, dhismihii Ha’yaha , Goleyaasha qaranka iyo marxaladihii kaacaakufka ahaa ee qarankiisu u soo maray madax-banaanidda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu adduun-weynaha dareen siiyay  doorka iyo kaalinta Somaliland ka qaadan karto suulinta fikradaha xagjirka ah ee kooxaha argigixisaddu ay u soo waarideen mandaqadda iyo la dagaalanka budhcad badeedda oo ay si weyn ugu istaagtay Somaliland  inay la dirirto.

Md. Axmed Siilaanyo  wuxuu  tallo ka geystay xal u helida mashaakilka Soomaaliya, waxaanu ku dooday inaan xalka Somalia ku iman Karin dawlad dibadda loogu soo dhisay oo uu tilmaamay inuu caalamku faro-madhan ka joogo, waxase uu soo jeediyay in wax laga bedelo qorshahaasi oo wax laga barto tubtii Somaliland  martay nabadeyntii beelaha iyo hubka dhigistii maleeshiyaadka.

Natiijadii shir-weynihii London ka soo baxday  habeen hore,  waxa uu Somaliland u ahaa bilowga aqoonsi ku meel-gaadh ah oo beesha caalamku siiyay Somaliland, sababtu waxay ahayd waxa qaraarkii shirka ka soo baxay lagu cadeeyay inaanay Somaliland arrinteedu ahayn  mid aan xiligan ku jirin Soomaaliya, hase yeeshee ay masiirkeeda kala xaajoon doonto  xiliga lagu guulaysto in dawlad loo dhan yahay  loo dhiso Soomaaliya. marka uu dhammaado xiliga kala guurka ah ee dawladda taagta darran ee Sh. Shariif oo cimrigeedu  ku eg yahay bisha August ee sanadkan.

Warbixintii shirka uu ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxay soo dedejisay in Wasiirka Arrimaha dibadda Turkigu  uu marti-qaad rasmi ah u fidiyo madaxweyne Siilaanyo si uu socdaal ugu tago dalkaasi.

Sidoo kale, waxa ka qeyb galka shirkani uu sii adkayn karaa saaxiibtinimadda Somaliland iyo dalka Ingiriiska oo ahaa mustacmaradii  uu xornimadda ka qaatay 26-kii june 1960-kii oo shirkan mart-gelinayay, waxaanay Somaliland aqbashay casuumaddii ay ka heleen Raysal wasaare David Camaron.

Waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisu ay maalmihii la soo dhaafay kulamo kor loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda William Hague  iyo Wasiirka iskaashiga caalamiga ah Andrew Mitchell.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxay Somaliland wax ka bedeshay wadiiqooyinkii natiijo la’aanta ahaa ee ay mari jirtay qadiyadda aqoonsi raadinta, waxaanay go’aansatay inay ka qeyb-gasho madal kasta oo lagaga hadlayo xal u helida mashaqada Soomaaliya  si ay badheedhaheeda iyo madax-banaanideeda ugu bandhigto adduunyadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories