HomeMaxaa Madaxweyne Saylici ku Kallifay inuu ka tanaasulo Loolanka Hoggaanka Xisbiga Kulmiye?

Maxaa Madaxweyne Saylici ku Kallifay inuu ka tanaasulo Loolanka Hoggaanka Xisbiga Kulmiye?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah uga tanaasulay inuu ku tartamo Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu muddo 12 sanno ah ku soo fadhiyey.

Go’aanka Madaxweyne ku-xigeenku maanta shaaciyey ayaa ka dambeeyey kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha oo ay ka soo wada-jeedaan Gobolka Awdal uu shaaciyey inuu kula tartamayo Kursigaas, arrintaas oo sababtay guux siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo horaanta bishan ka furamaya magaalada Hargeysa iyo Beelaha Bariga iyo Galbeedka gobolka Awdal oo labada masuul ka soo kala jeedaan.

Shir-saxaafadeed uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland maanta ku qabtay qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Kulmiye, ayuu Md Saylici ku shaaciyey go’aankiisa oo uu ku sababeeyey mid ka shidaal qaadanaya danaha Xisbiga iyo Beelaha reer Awdal.

Waxa uu Md Saylici ka sheekeeyey jarran-jarradii siyaasadeed ee uu ku soo gaadhay xilka madaxweynaha ee uu maanta hayo oo uu laba jeer ku tartamay, kuna guulaystay iyo waayihii ay isla soo mareen xisbiga bilowgii hankiisa siyaasadeed.

Muuqaalka Hoose kaga bogo hadallada Md Saylici oo isugu jira Gar-naqsi, Duur-xul siyaasadeed iyo Dardaaran uu u jeediyey Masuulka uu xilka uga tanaasulay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories