HomeMaxaa Looga baahan yahay Commissionka Doorashooyinka iyo Police-ka Somaliland si aanay rabshado...

Maxaa Looga baahan yahay Commissionka Doorashooyinka iyo Police-ka Somaliland si aanay rabshado iyo khiyaamo u dhicin? – W/Q: Ali Dhimbil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Ali Abdi Dhimbil

Commission-ku doorashada Somaliland wakhti badan buu haystey, haday dadka register garayn lahaayeen amaba aay dadka foodaya ID ugu samayn lahaayeen, ilaa intii xukuumadani jirtey.

Wadan aanay dadkiisa doorashada gelayaa aanay register garaysnayn siduu uga badbaadayo khiyaamo iyo rabshado dhaca caqli gal maaha.  Mana garanayo sida commisionku uga ilaalinayo dadku inay laba jeer foodaan, amaba laga soo daad gureeyo magaalooyin kale.

Hadaba madaama aay commisionka doorashooyink Somaliland ku guul daraysteen arintaas register garaynta dadka foodaya, waa inay ku dadalaan, labada sano ee soo socota in la register gareeyo wadankoo dhan.  Horta sideedaba waxa haboon in dadku aay lahaadaan ID sheegaya waxa qof lagu aqoonsan karo.  Meelaha aay commissionku kala kaashan doonaan in dadka la register gareeyo waxaa ka mid ah, wasaarada waxbarashada, wakaalada biyaha iyo laydhka, wasaarada caafimaadka iyo wasaarada telecommunication ka, madaama aay iyagu hayaan information farabadan oo la xidhiidha dadka customers ama macmiishooda ah.

Hadaba iminka maxaa xal ah sidii looga taxadiri lahaa in khiyaamo amaba rabshado dhacaan?

–          Waa mida u horeysee waxa loo baahan yahay in nabad sugida iyo commisionku ay hagaajiyaan isla xidhiidhkooda iyo wax wada qabadkooda, oo aan filayo inay priority ka dhigaan.

–          In xadadka magaalo kasta aay sugaan policeka iyo militarigu, si loo ogaado dadka u kala soconaya magaalooyink iyo waxa ujeedadooda socdaalkoodu maalinta doorashada yahay

–          In la sameeyo xeryo dadka rebshadaha sameeya lagu xidhi xidho, ama xeryo military ha ahaato, amaba camps loo sii diyaariyey ha ahaatee, madaama jeelalku aanay qaadayn

–          In sideedaba la ilaaliyo nabadgelyada magaalooyink iyo xuduudaha si aanay dadka cadawga u ah Somaliland aanay la beegsan qaraxyo xiliga doorashooyinka, oo markaa gawaadhidana laga fogeeyo meelaha dadka badan isugu imanayaan ee doorashadu ka dhacayso

–          In qof kasta oo codaynayaa lagu dhaariyo Kitaabka quraanka, uu ku dhaaranayo inaanu wax denbi iyo khiyaamo ku saabsan aanu samaynayn, oo markaa sanduuq walba qof dhaariya la ag fadhiisiyo

–          Waxa kaloo muhiim ah in dadka codaynaya, khaasatan dumarka loo dedejiyo wakhtiga aay aay sugayaan codbixinta,  oo markaa sanaaduuqda la badiyo xaafad kasta si sugitaanka wakhtiga dheer uu u yaraado.   Hadii kale nidaamka la dedejiyo, oo intay queuega ku jiraan waraaqaha loo sii qaybiyo, si aay u buuxiyaan, dabadeedna isla markiiba ugu ridaan sanduuqa markay galaan meesha

–          Waxa kaloo dumarku u baahan yihiin cid caruurta ugu sii haysa guri u dhow meesha laga codaynayo, oo markaa commissionku ka bixiyo kharshiyada dadka u ilaalinaya caruurta

–          Commissionka doorashooyinku waa inuu dadka biyo siiyaa bilaasha, madaama aay in badan queue ku jirayaan kulaylahaas, loona qoondeeyo musqulo aay galaan oo u dhow meesha laga vote garaynayo

–          Hadii markaa xiligii doorashada loogu talagalay aanay weli dad foodin, markaa waa in wakhti dheeraad ah loogu daro, si qofkastaaba chance u helo inuu foodo

–          Meel kasta oo wax lagu dooranayana waa in qof ka tirsan xisbi kasta aay joogaan si aay u indha indheeyaan waxa meesha ka soconaya, dabadeedna iyagoo arkaya la seal gareeyo sanduuq kasta, dabadeedna lagu wareejiyo militariga iyo dadka sanduuqyada uruurinya.

–          In xoog loo ilaaliyo meesha sanaaduuqda lagu uruuriyey ee aay u hoyanayaan ilaa inta laga tirinayo.

–          Marka la tirinayo waa in xisbi kasta qof uga joogaa meesha lagu tirinayo, si aanu shaki u iman tiristooda

Hadaba koleyba xisbiyada aan soo bixin inaay cawdaan shaki kuma jiro, markaa waxaa la gudboon xisbiyada hadhay in marka u horeysa waxay ka cabanayan qoraal ahaan ugu gudbiyaan commissionka doorashooyinka oo ka war sugaan.  Haday isla markaa aay doonayaan inay mudaharaad sameeyaan aay ku cabanayaan waa in policeku u ogolaadaan.  Sideedaba policeka, ama dawlada hoose waa inay u ogolaataa cidii doonaysaa inay mudaharaadaan.  Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa malaa policeka wadanku weli ma fahansana in wadanku democracy isu bedelay, ee aan lagu jirin xiligii taliskii Siyaad Barre.

Waxaa sideedaba muhiim ah in dadka la siiyaa xoriyatul qawl ama free speech aay kaga hadlayaan waxay ka cabanayaan.  Iyaguna waa inaanay wax dhibaato ah samayn inta aay mudaharaadayaan, lana socodsiiyaan policeka inta aanay mudaharadkooda bilaabin ka hor, si loo siiyo ogolaansho.  Laakiin waa in policeku u ogolaadaa inay mudaharaadaan, ama ku mudaharaadaan xukuumada wadanka haysa.  Waxaa kaloo muhiim ah in policeka laftiisu sharciga wadanka u hogaansamaan oo aay xuquuqul insaanka xaq dhawraan.  Sidoodaba policeka Somaliland waa out of order and lawless.  Policeku waa inuu ogadaa hadaanay iyagu sharciga dhowrin, in dadkuna aanay dhowri doonin sharciga policeka iyo kuwa kale ee amaanka wadanka u qaabilsani waa inaanay ku dhaqmin ‘’the law of the jungle’’

Dadka reer Somalilandna waxaa muhiim ah inay naabdgelyada aay ku caanamaaleen ilaaliyaan, oo danta guud ee wadanka ka wada shaqeeyaan, wixii fidno keeni karana aay iska ilaaliyaan.  Hadii dadka qaarkii aanay dawlada happy ku ahayna, ha ogaadeen in dawladu is bedeli doonto soon or later,  oo markaa looga baahan yahay inay la yimaadaan samir iyo dulqaad.

Ali Abdi Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories