HomeMaxaa Laga Mudaharaadi haddii…?! – W/Q: Faarax Maxamed

Maxaa Laga Mudaharaadi haddii…?! – W/Q: Faarax Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Markaan damcay in aan wax ka idhaahdo xaaladaha la xidhiidha banaanbaxyda iyo mudaharaadada ka dhaca dalka waxa igu adkaatay halkaan ka bilaabi lahaa sidaa aawadeed ciwaankii waa dhamystiri kari waayey ! waxan dhawr goor is weydiiyey maxa loo soo baxaa? Dadka soo baxaa ma dad cadhaysan oo keliyaa? Mise ujeedo kale ayey leeyihiin Maxa mar kasta oo banaanabax dhaco dhimashona u dhacdaa ? Maxa si fudud loogu takri falaa waxa ugu qaalisan ee ibnu aadamku haysto naftiisa? !.

Soomaliland waa dal yar oo in badan dadkiisu ku soo wada noolaa is afgard, isu dulqaadasho, iyo xooogaa kale oo xeer jabajab la isu minguuriyey ah si loo helo deganaanshiyo iyo xasilooni, kuwaasoo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada. Iyada oo ay sidaa la isla wada qirsnayahay ayaa hadana mararka qaarkood waxa dhacda in xaalku dhabqo oo uu ku dhowaado ama uu gaadhoba gacan ka hadal iyo in  xabad la isula baxo oo dhiig daato.

Waxa ay madaxda dalku in badan tilmaamaan kuna celceliyaan in ay ku dhaqmayaan nidaam dimuqraadi ah kaas oo ay balan qaadeen oo weliba ku dhaarteen in ay dadka iyo dalka ku hagayaan, hadana waxa in badan dhacda in shayga ugu yar ee dumuqraadiyada lagu asteeyo cidhiidhi la geliyo – sida laga dhadhansan karo xeerkan cusub ee dhakhsaha loo ansixiyey kaasoo dadka qaar durba u arkaan jid cusub oo ay dawladu jeexatay meel uu u jeedona aan aad loo wada garan. Fiicnaan lahayda in qodob walba oo dalka iyo dadka dani ugu jirto inta aan la sharciyeyn in marka hore laga doodo oo baarlamankii la soo doortayaragtiyohooda ka dhiibtaan sida badiyaa ka dhacda baarlamaanaada la soo doorto. Laakiin baarlamanka Somaliland waxa uu ku caanbaxay in albaabada loo furo marka xeer diyaarsan loo codaynayo ama wasiiro mudo shaqaynayey iyana loo codeeyo oo si aqlabiyad ah lagu mariyo !

Su ‘aashii hore ayaan weli jawaab u la’ahay.  Aan mar labaad ku noqdee maxaa loo mudaaharaadaa? Dee waxa aynu nahay dal dimuqraadi ah ! oo hadaa maxaa loo maqli waaya dadka mudaaharaadaya waxay sheeganayan ama tabanayaa? Mise qadiyad ma laha ee waa iska soo baxeen oo waa qas wadayaal ? miyaaney jirin cid matasha dhinaca siyaasada ? Baarlamaanku muxuu uga doodi waaayey xuquuqda mudaaharayasha waxay leeyihiin iyo waxa lagu leeyahay?! Ma xisbiy oiyo ururaa ka danbeeya? Su’aalahaa midna jawaab sugan uma hayo. Waxan se ogahay ama la wada ogyahay in dhibaatada ka dhalata Mudaaharyada aan hab dimuqraadi ah iyo wax dhow toona lagu xalin. Ee xeer jajab loo xawilo, wixii intaa dheerna oday dhaqameed loo diro, oo dib loogu noqdo geedkii tobanaan gu’ hortood laga soo guuray. ka dibna iyagu madaxda ugu sareysa dawlada too ula xaajoodaan.  Waa xaalad aan la fahmi karin oo madaxa daalinysa.  sidaa awgeed weli waxa la si weydiin karaa? Maxaa marka horeba, dhalinta iyo dumarka loo lugoynayaa?  Haddii aanay waxba soo kordhinayn ? ama haddii aan waxba lagu qaadanayn Maxaa naf dhan loo khasaarinayaa?! Haddii siyaabo kale la isu afgaran karo. Maaxa dimuqraadiyada loo masibidayaa !!

Faarax X.Maxamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories