Home'Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar?' - Xasan...

‘Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar?’ – Xasan Cumar Hoori

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xasan-cumar-hooriShalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu sheegay guddoomiyaha barlamaanku, dib u gurtay. Sidaa darteed, waxaa la laalay mooshinka markii uu buuxin waayay shuruudaha tirada soo gudbin karta. Hubaal Madaxweynahuna ma sii riiqeen haddii xukuumaddu dhacdo.

Xildhibaanada weli ku sii taamaya meelmarinta Mooshinka ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah loo dhiciseeyay mooshinka markii si wadajir ah loo dhaqdhaqaajiyay xafiisyada madaxtooyada, Ra’iisal Wasaaraha iyo Khasanadaha siyaasadda.

Run ahaantii, tallaabada lagu xil-tirayay Ra’iisal Wasaaraha oo sida la sheegay markii hore uu Madxweynahu raalli ka ahaa, ayaa dad badan ka digeen inay horseed u noqon karto furfurka iyo kala dirista xukuumadda Xassan Shiikh Maxamuud. Xildhibaano faro badan ayaa aaminsan xil-gudasho-la’aanta xukuumadda inuu sabab u yahay Madaxweynaha oo cunaha iskaga duubay xilkii Ra’iisal Wasaaraha. Waxaa la qabaa Madaxweynahu inuu u taagan yahay xil kasta oo xukuumadda loo igmaday. Isaga ayaa u boqoola safar kasta oo xukuumadda laga sugayo ama lagu marti-qaaday. Xataa Shir jaraa’id oo u qorshaysnaa inay si wadajir ah Muqdisho ugu qabtaan wasiirkiisa arrimaha dibedda Marwo Foosiya Xaaji Aadan iyo dhiggeeda wasiirka arrimaha dibedda ee UK, Mudane William Hague, waxaa muuqatay Madaxweynahu inta uu hoos u sii dhacay, isagoo soo dar-jiidhay wasiirkiisa dibedda iyo Ra’iisal Wasaaraha inuu saxaafadda horteeda isla soo barbar taagay Mudane William Hague.

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa uu ku suntan yahay colaadda maamul goboleedyada jiray sida Puntland, kuwa soo kordhay sida Jubbaland iyo kuwa laga filayo Bay iyo Bakool, Hiiraan iyo Gobolada dhexe. Dhowaanna waxaa uu ku sii daray inuu xanbaarto colaadda iyo naca Somaaliland.

Haddaba, tallaabadan dib loga noqday xil-ka-qaadista Ra’iisal Wasaare Saacid Garaad Faarax ayaa dadka daneeya Geeska iyo xeeldheerayaashu u arkaan fursad uu madaxweynahu ugu faa’iidaysan karo si uu dib uga noqdo, isaguna, qardo-jeexii iyo afduubkii uu ku maamulayay xukuumadiisa. Waxaana laga filayaa inuu ku baraarugo xilkiisa distuuriga ah iyo inuu u fuliyo hawlaha mudnaanta leh sida; –

1. Dhammaystirka maamul loo siman yahay isagoo ka guurayo maamul ku kooban Xamar iyo Badhasaabkeeda Tarsan. Waxaa xil ka saran yahay inuu si degdeg ah u dhiso hay’ado iyo ciidamo loo dhan yahay oo ka yimaada dhammaan gobolada dalka.
2. In si mug leh loo gudo galo dib u heshiisiin iyadoo colaadda beelahu ka sii fogaatay halkii ay taagnayd ka hor doorashada Xassan Shiikh Maxamuud.

3. Inuu u hoggaansamo Distuurka, isla markaana, barlamaanku ka hawl galo saxidda qabyada jirta.
4. In uu aqoonsado waaqica horyaalla si uu u taageero maamulada jira iyo kuwa soo socda isagoo aan ku eegayn il nacab iyo aragti qabiil.

5. In laga hawl galo quudinta hal malyuun oo Somaali ah kuwaasoo macaluul qarka u saran. Warbixin toddobaadkan ka soo baxday xfiiska Odorosidda iyo Ka Digista abaaraha (FEWS Net) ayaa sheegtay dad gaadhaya hal milyan oo qof inay ku sugan yahiin quudin-la’aan taasoo sii socon doonta ilaa bisha September. Xafiisku waxaa uu sheegay ilaa 6,000 hectar of dalagga beeraha ah in ay ku waxyeeloobeen daadadka Koonfurta Somaaliya.

6. Inuu garawsado heshiisyadii ay saxiixeen dawladahii ka horeeyay iyo inuu xurmeeyo kuwa uu galay. Waxaa nuqsaan ah madaxweynahu inuu heshiis ku galo magaca Somaaliland maalmo ka dibna uu ku tiraabo gobolada waqooyiga ee Somaaliya inay ka waantoobaan cadifadda. Mudnaanta Xilka Madaxweyne Xassan Shiikh.

Warbixinta soo socota waxaan si teelteel ah uga soo xigtay Aljazeerah si ay waano iyo tusaalayn ugu noqoto Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

“Ceelasha Biyaha waxay 16Km koonfur-galbeed ka xigaan caasimadda Muqdisho. Wadada keliya ee laamiga ah ee ku taalla waxaa meel kasta ka qodmay godod ay ka sunteen dagaalado. Magaalada waxaa gaaf-wareegayo dameero laga qaxay oo raadinaya biyo iyo baad. Guryahii qurxoonaa (filooyin) ee korkoodu dhalaali jiray, xilligan, waa cidlo. Sida uu tibaaxay Guddomiyaha Degmada Cabdullahi Jaamac Siyaad hadda magaalada waxaa ku sii hadhsan eyda (kilaab), dameero iyo bisado.”

“Degaankaa waxaa ku noolaa dad tiradoodu gaadhayso 500,000 hadda se waxaa ku sii negi dhowr kun oo qof. Waxay ahayd meel dadku uga soo qaxaan dagaaladii cuslaa ee Xamar. Ka dibna waxaa dadka la soo guuray Iskuuladii, Jaamicadahii, Cisbitaaladii iyo Goobahii Ganacsi.”

“Waxaa xidhmay 8 Jaamacadood oo degaanka ka jiray. Sidoo kale, 17 Dugsi Hoose oo ka jiray degaanka waxaa ka sii shaqaynaya hal keliya. Dugsiga Iftin oo keligii ka sii furan, sida uu sheegay maamulaha dugsigu, waxaa wax ka barta 39 arday halka hore ay wax uga baran jireen 650 arday. Waxaa albaabada loo laabay goobaha ganacsi. Haddana waxaa faraha ka baxay adeegyadii Biyaha iyo Laydhka.”

“Halkaas oo hore loogu yaqiinay Janno hawli ka socoto maanta waxaa La moodaa magaalo Jin iyo Jaan looga qaxay.” Aljazeerah 21/05/2013.

Ugu danbayntii Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaan u soo jeedin lahayn inta uu ku hawlan yahay inuu la soo wareego maamulka hawada, badaha iyo telifoonada ka dhexaysa Somaali oo dhan, tasoo aanu ku guulaysan doonin, waxaa ka habboon inuu isku hawlo sugidda nabadgelyada iyo xal u helidda dhibaatada hareerahiisa taalla, ugu yaraan 20ka kilomitir eek u gedaaman. Tilmaam waxaa ugu filan inuu hoos u sii eego warbixintan iyo boqolaalka la mid ah ee shacabkii doortay iyo dunidoba ka sugayso wax-ka-qabadkooda. Mise arrinku waxaa uu yahay “Ninkii adhiga laga la quusto in Geella loo dirsado?”

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories