HomeMaxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka - Qormadii...

Maxaa Ku Cusub Liiska Guulwadayaasha Ee Xukuumada Siilaanyo Sanadka 2013-ka – Qormadii 3aad

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Cabdicasiis BashiirLiiskan hadaad iska weydo ka danbe iska eeg….

Akhristayaal waxanu qormadii hore kaga soo hadalnayn masuuliyiinta u kala dheereeya guulwadanimada xukuumada iyo madaxda ugu sareysa iyada oo ay jiraan dad badan oo iska caadaysta inay had iyo jeer guulwadayntu ay u noqotay dabeecad, hadaba maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa koox kale oo si weyn ugu caan ah guulwadanimada.

14: Maareeyaha  dekeda berbera Cali Cumar Xoor Xoor ayaa ka mid ah raga sida weyn guulwadanimada ay ku qaaday in uu ku kaco talaabooyin kui cusub siyaasada iyo qaabka guulwadanimada, iyada oo akhristayaal sida la og yahay maareeyaha dekedu uu dhawaan ku dhawaaqay masaajid uu  u bixiyey magaca mujaahid Siilaanyo arintaasi oo ka yaabaisay shacabka reer somaliland waayo masaajidka uu ugu magac darayo mujaahid siilaanyo muu dhisin siilaanyo ee waxaa laga dhisay xoolihii umada, sidaasi daraadeed ay dad badani u arkeen inay ujeedada ugu weyn ee cali xoor xoor ku kaliftay in uu siudaasi yeelo ay tahay guulwadanimadii oo xadkeedii dhaaftay, inkasta oo cali xoor xoor uu caan ku yahay in uu hadba u guulwadeeyo cida talada dalka haysa hadana tan uu kula shaqeynayo xukuumada siilaanyo waa mid xad dhaaf ah oo shacabku kayaaban yahay , waayo marka maanta cid ka qaban weydo guulwadenimada gaadhay in masaajidadii Ilahay uu u bixiyo siilaanyo waxaa laag fili karaa barri sow maaha in uu berberana yidhaahdo waa magaalada siilaanyo ileyn waatan oo masajidkii dekedaba  wuxuu u bixiyey mujaahid siilaanyo, markaa cali xoor xoor waa guulwadayaasha ugu waaweyn xukuumada siilaanyo.

15: Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga C.laahi Cusmaan Geelle Jire oo isagu waagii hore caan ku ahaa qoraaladii DUBE iyo Doolaal, hadana waxaa uu caan ku yahay guulwadanimada xukuumada siilaanyo wasiirkan ayaa isaga dadka ku dhadhawi waxay ku macneeyeen in uu yahay shakhsi had iyo jeer ka fikira xilka uu hayo in aan laga qaadin isla markaana xil jacaylka uu u qabo wasaarada waxay ku kaliftay in uu gabayo iyo heeso amaan ah u tiriyo isaga oo wasiir ah madaxweynaha taasi oo dadka sida dhaw uala saaxiibka ah wasiirka ayaa laga soo xigtay isaga oo leh wasiirku waxaan jeclaan lahaa in siilaanyo weligii uu xilka hayo si aan aniguna aan xil u hayo, erayadaasi ka soo baxay wasiirka ayaa muujinaya sida ay guulwadanimada ay u madax martay wasiirka, waxa kale oo la sheegay in shaqada ugu weyn ee uu had iyo jeer ku mashquulsan yahay wasiirkani ay tahay sidii uu xafladaha iyo goobaha ay iskugu yimadaan siyaasiyiintu uu ula tegi lahaa amaanta madaxweyne siilaanyo.

16: Bashasaabka gobolka Awdal Cabdow Ayar ayaa isna lagu sifeeyey in uu yahay raga sida weyn u ah guulwadanimada iyada oo la sheegay in xitaa madaxweyne siilaanyo ninkaasi kula socdo guulwadeniamda, badhaasbka ayaa waxa lagu soo waramay in uu awood ka haysto dhinaca madaxtooyada taasi oo isana ku kaliftay guulwadenimada, waxa kale oo ninkaasi Cabdow ayar lgu tilmaamay in uu madaxtooyada u yahay ama ugu shaqeeyo sida raga dhegta oo kale taasi oo la sheegay in uu arimahasi kala mashuulo shaqadiisa iyo xilka uu qaranka u yahay waayo arimaaasi rag kale ayuu qaranku ku og yahay.

17: wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse ayaa isana h raga hormuudka ku ah guulwadenimada sida weyn rag badani ay uga dhex muuqdaan, wasiirkan ayaa la sheegay in uusan xafiiskiisa iman balse uu subax kasat uu tago madaxtooyada halkaasi oo hadba wixii lagu naqdiyayo madaxtooyada si uu u difaaco u tago madaxtooyada iyada oo ay ujeedadiisu tahay iska dhaadhicinta madaxtooyada isla amrkaana waxaa la sheegay inay xataa ku kalifto wasiirkan in uu madaxtooyada u sheego warar aan jirin oo lidi ku ah madaxtooyada isla amrkaana waxa uu u sheegaan in uu isaga oo kaliyahi wax ka qab karayo, isaga oo isku arko in uu yahay ninka kaliya ee dhinaca saxaafada wax uga difaaci karaya xukuumada , iyada oo xataa la og yahay in uu mar marka qaarkood la warego shaqada afhayeenimada madaxtooyada oo wax uu xaq u leeyahay afhayeenka madaxtooyadu uu isagu sheego, ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in wasiirkani uusan wax war ah ka hayn sida ay wasaaradisu u shaqaynso waayo had iyo jeer wuxuu ku jiraa madaxtooyada.

18: Wasiirka ciyaaraha oo lagu tilmaamo wasiir ku cusub saaxada siyaasada ayaa la sheegay in uu yahay wasiir si weyn guulwadenimadu ay madaxmartay iyada oo la sheegay hadii aad la joogto wasiirkaasi oo aad xukuumada dhaliilo inaad dagaalamaysaan, dadka ka ag dhaw wasiirkaasi ayaa sheegay in la arkay wasiirkaasi oo xilkiisa u baqaya oo moodaya hadii uusan la soo hadal wasiirka madaxtooyada in la bedelayo ama la eryayo iyada oo inta badan la sheegay in uu iska dhaadhiciyo wasiirka madaxtooyada , wasiirkan ayaa lagu sifeeyey wasiir aan karti badnay balse loogu dhiibay xilka guulwadeniamda oo ku fogaatay.

La soco cadadka danbe ee qormooyinkan.

Cidii liiskan iska weyda ee guulwade ah ka danbe ayaanu ku soo qaadan doonaa.

Qalinka: C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories