HomeMaxaa ku Cusbaa Doorashadii maanta ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland?

Maxaa ku Cusbaa Doorashadii maanta ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey, ayaa iska dhex-doortay shir-guddoonka cusub ee golahaas, kaddib markii madasha fadhiga lagu dhaariyey xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada oo la doortay bishii May ee sannadkan.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isbahaysiga mucaaradku u sharraxeen shir-guddoonka, ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada kaddib markii uu codka xildhibaannada kaga adkaaday Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxay, waxaanay kala heleen 42 cod iyo 39 cod oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay.

Siciid Mire Faarax (Giire) oo ka socday isbahaysiga Garabka UCID ee ku biiray Xildhibaanada Kulmiye, ayaa loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada halka Guddooiye ku-xigeenka 2aad loo doortay Cali Xaamud Jibriil oo gobolka Awdal uga soo baxay Xisbiga UCID.

Fadhiga saaka waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyeyaasha iyo madaxda kale ee labada xisbi mucaarad. Sidoo kale, waxa goob-joog ahaa Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Isbar-bardhigga Doorashadii 2005 vs 2021

Shir-guddoonka Cusub ee la doortay ayaa dhammaantood ka soo baxay labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani. Natiijada ka soo baxday fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada ayaa la mid ah Doorashadii Shir-guddoonka Golihii Wakiillada ee la doortay sannadkii 2005-kii, iyadoo dhammaan saddexdii xubnood ee shir-guddoonka ay wada-qaateen isbahaysi dhexmaray Xisbiyada UCID iyo Kulmiye oo xilligaas mucaarad ahaa, iyagoo awood ku muquuniyey xisbigii talada dalka hayay ee UDUB oo xilligaas haystay 33 mudane oo Golaha Wakiillada ah, halka labada xisbi mucaarad haysteen 49 mudane.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa Golaha hortiisa ku dhaariyey Xildhibaannada Cusub ka hor intii aanay gudo-gelin doorashada Shir-guddoonka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa shir-guddoominayey fadhiga saaka ee goluhu shir-guddoonka cusub ku doortay.

Sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland, fadhiga u horreeya ee Golaha Wakiillada la soo doorto, waxa inuu shir-guddoomiyo xaq u leh Xubinta ugu da’da weyn 82-ka xildhibaan ee Golaha. Haseyeeshee, xubinta ugu da’da weyn Golaha ayaa noqday xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo isagu ahaa murashax u tartamaya shir-guddoonka Golaha, taas ayaana sababtay inuu fadhiga shir-guddoomiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka ka qabsoontay 31-kii May 2021, waxa aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada ku guulaystay labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani oo helay 52 mudane, halka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye helay 31 mudane.

Doorashada kaddib, labada xisbi mucaarad ayaa ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed si ay ugu guulaystaan shir-guddoonka Baarlamaanka iyo Maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyagoo ku heshiisay inay qayb-sadaan xilalkaas si ay gacanta ugu shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories