HomeMaxaa Keenay In Wasiirka Isgaadhsiinta Qayb Ka Noqdo Khilaafka Golaha Degaanka Gabiley,...

Maxaa Keenay In Wasiirka Isgaadhsiinta Qayb Ka Noqdo Khilaafka Golaha Degaanka Gabiley, Kana Horyimaado Siyaasada Xisbiga Kulmiye?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Khilaafka U dhexeeye Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo U kala Fadhiya Laba Garab Ayaa wajiyo Badan Yeeshay Kaasi Xildhibaanada Maayarka Gabiley Kazoo Horjeedaan ay ku Doodayaan in uu ku kacay Musuq Maasuq Sida ay warbaahinta ka Sheegeen, Wallow ay diideen Wasaarada arimaha gudaha oo doonaysay in ay isa soo hor fadhiisiso maayarka iyo xildhibaan uu hogaaminayo Iyo garabka mucaaridka oo iyagu ka kooban 7 xildhibaan.

Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta oo gobolka gabiley umatala xukuumada madaxwayne bixi iyo shanta xildhibaan ee golaha wakiilada uga soo baxay gobolka gabiley ayaa mudo sedex maalmood ah ku jiray dhexdhexaadinta labadan iyagoo go,aankii ay kazoo saareen khilaafkoodka ay ku gacan saydheen garabka xildhibaanada mucaaridka taasi oo sobobtay gudidani isku xilsaartay xal uhelida khilaafka golaha deegaanka gabiley ay go,aankii ay ka gadheen ku celiyeen madaxwaynaha iyo wasaarada arimaha gudaha oo iyadu ku shaqale golayaasha deegaanka dalka.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa iyadoo Tixraacaysa go,anka gudidan iyo diidmadii ay diideen wasaarada waxay kazoo saartay wareegto ay gabi ahaanba ku joojisay fadhiyada Aan Caadiga ahayn ee golayaasha deegaanka dalka oo ay sobobtay dalabka xildhibaanada gabiley oo iyagu uhogaansami waayay amarkii wasaarada, Hadaba khilaafka golaha deegaanka gabiley Iyo ismarin waaga Ka Taagan door intee leeg Ayuu ku leeyahay Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada jsl Dr Cabdiwali Sh, Cabdilaahi Suufi jibriil? Maxaase daliil u ah in wasiirku khilaafka golaha Qayb ka yahay?

Sida Aynu wada ognahay Wasiirka Isgaadhsiinta waxaa khilaafka golaha deegaanka gabiley Safta hore kaga jira labo xildhibaan Ee kasoo baxay xisbiga kulmiye islamarkaana ay wasiirka isku jufo hoose yihiin kuwaasi oo si cad uga horyimid siyaasadii xisbiga kulmiye ee gacan ku haynta maayarada dalka oo gabiley Ay kamid tahay iyagoo u ololaynaya in maayarka hada xilka haya lagu badalo xildhibaan kasoo baxay xisbiyada mucaaridka taasi oo ka hor imanaysa siyaasada xisbiga kulmiye, Sidoo kale xoghayaha xisbiga kulmiye Ee gobolka Gabiley oo uu xilka xoghayaha keenay wasiirka isgaadhsiintu oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa isna si cad utaageeray xildhibaanada mucaaridka ee doonayay in ay qabsadaan fadhi mooshinka xilka lagaga qaadayo maayarka, masuulkan ayaa isna ay wasiirka isgaaadhsiinta isku jufo hoose yihiin.

Dhanka kale wasiirka wasaarada igaadhsiinta ayaa wakhtigii ay ku jireen xalinta khilaafka xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley isaga iyo xildhibaanada golaha wakiilada si cad usheegay mawqifkiisa ah In uu taageersan yahay xildhibaanada mucaaridka ah ee Doonayay in maayarka xilka laga qaado isagoo ku dooday in xildhibaanada mucaaridka ku ah maayarka ay uwataan in maayar uu noqdo xubin xisbiyada mucaaridka ka tirsan Iskuna jufo yihiin maayarka, aragti Ahaana uu taageersan yahay garabka xildhibaanada mucaaridka oo damacooda ay dabada ka xiirayaan xisbiga wadani oo masuul ka socdaan dhawaan gabiley kula kulmay xildhibaanada isku bahaystay xilka qaadista maayarka wallow ay aragtida wasiirka kazoo horjeesteen xildhibaanadii golaha wakiilada ee kula jiray dhex dhexaadinta golaha oo iyagu badi kazoo baxay Xisbi xaakimka kulmiye, islamarkaana fulinayay siyaasada Madaxwaynaha ee ku Aadan maayarada dalka.

Dadka sida dhow ula socda siyaasada iyo qaybo kamid ah bulshada gobolka gabiley ayaa iyagu aragti ahaan qaba in khilaafka golaha deegaanka gabiley uu qayb wayn ka yahay wasiir cabdiwali, islamarkaana ay qorshe ku wada socdaan isaga iyo laba xildhibaan ee xisbiga kulmiye katirsan iyo xoghayaha xisbiga ee isna warbaahinta ka taageeray aragtida mucaaridka, waana waxyaabaha cadaynaya in wasiir cabdiwali safka hore kaga jiro khilaafka golaha maadama uu xataa tahli kari waayay xildhibaanadii uu xisbiga kazoo saaray in ay Uhogaansamaan siyaasada xisbiga, Dhanka kale wasiirka wasaarada isgaadhiinta oo bulshada reer Gabiley ku tilmaamaan masuul aan wax saamaynta ku lahayn Siyaasada gobolka islamarkaana aan dhaafsiisnayn jufada hoose ee uu kazoo jeeda ayaa wakhti xadirkan ka horyimid siyaasada xukuumada madaxwayne biixi ee uu wasiirka yahay isagoo u ololaynaya in maayarka gabiley uu ku wareejiyo xisbiyada mucaaridka, xili ay doorashadii madaxtooyadu fooda inagu soo hayso madaxwayne bixi markale sharaxan yahay, halka gobolka gabileyna xisbiga kulmiye uyahay budhigiisa guusha, wallow xiligan uu wasiirkii madaxwaynuhu uxushay matalada siyaasada gobolku uu umuuqdo mid gacan saar dhow la yeeshay xisbiyada mucaaridka, taasi oo dhabar jab iyo dhaawac ku ah xisbiga kulmiye ee uu wasiirnimada ku helay. Sikastaba ha ahaatee wasiirka wasaarada isgaadhsiinta jsl Dr cabdiwali ayaa lala xidhiidhinayaa sobobta uu siyaasada xisbiga kulmiye ee gabiley Uga Horyimid iyo doorka uu ku leeyahay khilaafka golaha deegaanka gabiley in ay sobobta utahay qorshe hoosta ka xidhiidhsan oo ay wasiirka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories