HomeMaxaa Keenay In Golaha Wakiiladu Dur-duro Ku Ansixiyo Mooshin Aan Laga Doodin?...

Maxaa Keenay In Golaha Wakiiladu Dur-duro Ku Ansixiyo Mooshin Aan Laga Doodin? Faallo: Weriye Khadar Cabdi Muuse

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

khadar-cabdi-muuseIyadoo marka horeba ay sharci darro  ku shaqaynayeen ganacsatadda soo dejisa  baabuurta oo aanu jirin   mid qudha oo wasaaradda Hawlaha guud ka haysta rugsadda ogolaanshaha ee cadaynaysa in ay  ka ganacsadaan  gaadiidka, ayaa haddana  mar labaad si jujuub ah Golaha Wakiiladu u joojiyeen lacagta  adeeg ah ee lagu hubinayo bed-qabka  gaadiidka ay dalka soo gelinayaan.

Mooshinkaasi  ay Golaha Wakiiladu ku laaleen  Sabtidii todobaadkan  lacagta adeega ah ee lagu hubinayo bed-qabka  gaadiidka ayaa u muuqday mid   lagu deg-degay, isla markaana aan la soo marin dariiqii sharciga ahaa, iyada oon  xildhibaanadda Golaha loo qaybinin  mooshinkaasi lagu  joojinayay lacagta adeega ah ee Wasaaradda Hawlaha Guud ku soo rogtay baabuurta lala soo degayo in laga qaado.

Waxa  cod loo qaaday mooshinkaasi iyadoo aan la dhegaysan warbixintii ay dhawaan magaaladda Berbera ka soo diyaariyeen Guddiga dhaqaalaha ee wakiiladdu oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Ganacsatada iyo xafiiska adeegan  bixinaya ee ku yaalla dekadda Berbera.

Sidoo kale, waxay ahayd in Shirgudoonku      la Taliyaha sharciga u dhiibaan si uu wakhti kooban ugu soo darso in mooshinkani waafaqsan xeer hposaadka Golaha iyo in kale. Iyadoo aan dariiqii mooshinkaba la marin ayaa xildhibaanno si gaar ah iskugu il-jabiyay iyo shirgudoonka oo balamay ay markiiba cod geliyeen oo ay yidhaadeen mooshinkaasi waa la ansixiyay oo maalintii la keenayba dur-duro lagu ansixiyay.

Waxa  la sheegay in xildhibaanaddii  mucaaridka ah ee qorshahani dabadda ka riixayay   in ay lacag soo siiyeen macradadda baabuurta soo dejiya,taasi ayaanna ah sababta   keentay in mooshinkaasi maalin gudaheed lagu ansixiyo.  xildhibaanadaasi oo intooda badan ahaa kuwa ku abtirsada xisbiga Waddani, oo uu hormood u  ahaa xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo isagu ku caan-baxay inuu masaariifsado hadba mooshin ama xeer uu lacag ka helayo.

Waxaana  la sheegay in codkii ay golaha wakiiladu ku laaleen lacagta adeega ah ee lagu hubinayay bed-qabka gaadiidka uu ahaa qorshe ay isla ogaayeen Guddoomiye Cirro iyo xildhibaanadda xisbigiisa ka tirsan, isla markaana ay taasi sababtay in la afduubay lana jujuubay mudaneyaashii kale ee dooda ka qabay arrintaasi gaar ahaan gudidda dhaqaalaha golaha wakiiladda oo aan lagu camal falin arragtidii Guddiga dhaqaalaha.

Somalilandpost

Hargeisa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories