HomeMaxaa ka taqanaa xanuun-keenaha virus-ka loo yaqaano? W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Maxaa ka taqanaa xanuun-keenaha virus-ka loo yaqaano? W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

RIDWAANXanuun keenaha ama virus-ku waa noole qaro yar oo keena xanuuno badan oo uu ka mid yahay durayga iyo xanuun uu ka mid yahay HIV/AIDS. Taaso xanuunkeenahani uu yahay mid sameeya nolosha adamaha, dhirta iyo xayawaankaba.

Virus ku waa nool 100 jeer ka yar bakteeriyada, halka ay bakteeriyaduna ay ka yar tahay 10 jeer unugyada caadiga ah ee jidhkeenu ka kooban yahay, dhinaca kalena unuga adaamuhuna waa mid 10 jeer qarro ahaan ka yar tinta timaheena.

Virus ku waa noole aan keligii nolan karin. Mana aha noole iskiis u tarmi kara ama wuxuu rabo u sameysan karo si uu u dheefto,  ilaa uu dhex galo jidhkeena ama jidhka xayawaanka ma helo wuxuu ku tarmo.

Noolaha virus waa mid ku lamaanada unugyada caadiga ah halkaas oo u kala wareego unuga wax soo saarkiisa , taasina ay noqoto mid khasab ku noqoto unugaas inuu soo saaaro unug virus ah halkii u kasoo saari lahaa shaqadiisii caadiga ahayd.

Hadaba virus ku wuxuu leeyahay sedex dahaadh oo caawiya;

Waxa jira sedex qeybood oo loo qeybiyo qaabka virus ka oo ugu muhiimsan;

  • Nucleic acid- waa dahaadh adag oo uu leeyahay virus kaaso ku lamaan laba hide side oo kala ah; DNA<deoxyribonucleic acid > iyo RNA<ribonucleic acid>. Labadan hide-side waa kuwo qaada fariinta inta ugu badan ee uu leeyahay virus ku waana ta ka dhigtay mid astaamihiisu yihiin mid u gaar ah, taasina ay tahay mid ka caawisa inuu tarmo.
  • Protein coat <capsid>- waa dahaadh dhamaan ku dadan nucleic acid uu leeyahay virus ku  taaso ilaalo u ah dhamaan qaybihiisa muuhim ka ah.
  • Lipid membrane <envelope<gal>- waa dahaadh ka daboola capsid. Virus yada intooda badan malaha galkan, waana mid can ay ku yihiin virus yada qaarkood.

 

Sidee buu virus ku wax u sameeyaa?

Virus ku malaha mashiin u soo saara kimikooyinka uu ubaahan yahay inuu ku noolaado. Sidaas daradeed wuxu raadiyaa unug uu ku dhex noolaado si uu ugu dhex tarmo. Virus ku wuxu  wuxu jidhka ka soo galaa degaanka ama meelo kale oo gaar ah sida inuu uga imaado ciida ilaa biyaha ilaa hawada halkaas oo ugu danbeyntii ka galo sanka , afka isagoo isagoo xanuun qaadsiya unugad goobaha laga helo.

Tusaale ahaan duraygu waxa keena virus kaasoo abaara dhuumo haweedka halkaas oo laga helo unugyo, isagoo u sii gudba sanbabada, hab dhiska dheef shiidka <calosha>. Virus ka keena HIV ga oo ah xanuun wareera unugyada hab dhiska difaaca ee u sameysan qaabka t-da oo kale, oo ka mid unugyada dhiiga cad ee la dagaalama xanuunada jidhka soo weerara.

 

Waa sidee meerto noleedka virus ku?

Waxaa jira nidaamyo kooban oo uu soo marto mareegta nolosha virus ku oo layidhaahdo lytic cycle, waxaan ka mid ah;

  1. Virus ku waa mid walax ahaan wuxuu ka kooban yahay ay gudaha u gala unuga  isla markaana ku dhaga , nidaam kaasna waxa la yidhaahdaa adsorption
  2. Walaxaha uu ka kooban yahay virusku  waa  DNA/RNA waxaanu ku mudaa gudaha unuga nidaamkanina waa mid lagu magacaabo gelid<entry>
  3. DNA/RNA  waxay qabsadaan dhamaan unuga, waxaanu noqda xubin cusub oo ku soo biirtay dheecanada unugaa
  4. Unugu waxa uu isku dayaa inuu sameeyo virus yo cusub isagoo laban –laabaya una haysta unugyo ka mid ah isaga.
  5. Intaa kadib waxa uu virus ku noqdaa mid la sameeyo oo hormara, lana midooba unuga si uu u noqdo virus cusub. Nidaamkana waxaa la yidhaahda assembly oo ah inuu virus kii noqdo isku duwaha shaqa unuga.
  6. Ugu danbeynta virus kii cusbaa waa mid dila unugii weliba  si badheedh ah isagoo daydayaya unug kale oo uu gudaha u galo. Habkana waxa layidhaahda release oo marka uu virus kii danihiisi ka dhameysto unugii isla mar kaana uu dilo isagoo is muujinaya.

Afeef: waxaan ka afeef dhiganayaa in haddii ay jiraan erayo bixino khaldan oo ku jira qoraaladeydan aad igu soo hagaajin karto email kan hoos ku xusan.

Tallo: waxaan dhamaan dhalinyarada soomaliyeed u soo jeedinayaa in loo tafa xayto sidii loo ururin lahaa eray bixinaha af-keena ee dhinac walba leh ee ku taxaluuqa dhinacayada cilmiga maadiga ah iyo diiniba.

Email:ridwaan_99@hotmail.com

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi <Dalxa>

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories