HomeMaxsuulka Kullankii Maanta ee Garabka Isbahaysiga Kulmiye Iyo Hadaladii ay Jeediyeen

Maxsuulka Kullankii Maanta ee Garabka Isbahaysiga Kulmiye Iyo Hadaladii ay Jeediyeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLpost)-Kulan ay iskugu yimaadeen isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye ku qabsadeen magaalada Hargaysa ayay kaga hadleen xaalada xisbiga Kulmiye,guddigii uu madaxwayne Axmed Siilaanyo magacaabay iyo hankooda musharaxnimo.

Kulankan oo lagu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargaysa oo ay ka soo qayb galeen qaybo ka mid ah golayaasha qaranka,xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taageersana kooxdan is bahaysiga Kulmiye
Ugu horeyn kulankaasi waxa furey guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye Waabeeye oo ka hadlay arimaha xisbiga dhexdiisa iyo khilaafka ,isagoo sheegay inaanay aqbalay guddiga uu madaxwyanaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo u magacaabay xal u helida khilaafka xisbiga Kulmuye.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Musharax Xildhibaan Kijaandhe oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxwaynenimo ee xisbiga Kulmiye,isla markaan caddaalad daro ay ka jirto madaxtooyada Somaliland isagoo madaxwyane Axmed Siilaanyo ku eedeeyay inaanu dhex ka ahayn musharaxniinta xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sharaxay sababtay ay u diidanyihiin guddiga madaxwaynaha Somaliland u magacabay xal u helida khilaafka Kulmiye,isagoo mar kale ku celiyay inaanu madaxwayne Axmed Siilaanyo dhex u ahayn musharaxiinta xisbiga Kulmiye ka dhex loolamaya isla markaana uu garabka saaray guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

“Ragga musharaxiinta ah waxaa laga qaadaa Lacag, ilaa hadda ragayaga musharaxiinta ah nalama waydiin lacag, waayo waxaa la diidan yahay musharaxnimadayada. Haddii shirka sida 10-ka bisha loogu qoondeeyay laga bedeli waayo horta intayadaas midna ma tagayo ee ogaada. Siday hadda ku socoto, hadday tahay afduubkaas anagu tagi mayno. Haddaanu tagi wayno waxa dhacaya ayaan idiin sheegayaa, saddex xubnood oo gole ka fuul ah ayaa la keeni doonaa oo bedela saddexdayadan si tartanka loo qurxiyo ee bal taas meel ku sii qorta, waayo ragga tartanku dhab ka yahay marka la diido waan in wax u eeg tartan uun la sameeyo,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu mar kale ku celiyay inuu yahay musharax madaxwayne.

“ Maanta waxay taagan tahay musharaxii madaxweyne iyo madaxweyne xigeen yaan lagu tartamin oo aan sare loo qaadayne si hoose loo leeyahay. Malaha waxa qurux badnaan lahayd in madaxweynuhu musharaxiinta u yeedho uu yidhaa shalayba Muuse in guddoomiyenimada lagula tartamo waan u diidaye maantana musharaxnimada yaan lagula tartamin. Dhibkan iyo buuqanba ma dhaceen. Ololaha intaas oo sanno socday xoog iyo xoolo laguma waayeen. Waa xaqiiqo aanu imika arkayno oo hawsha ay wadaan madaxweynaha, madaxweyne xigeenka iyo xukumaddu waa yaan lagu tartamin xisbiga oo aanu u aragno inay xisbiga waxyeelayso, dawladda wax yeelayso oo ay waxyeelayso doorashooyinka,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Kulankan ayaa waxa isaguna ka hadlay Wasiirkii hore ee arimaha dibada Md Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay inuu ka soo qayb qaatay nabadayntii dalkan ,isagoo kharashkii shirkii Borama ka dhacay qayb uu ku lahaa taageeridiisa.

Waxaanu soo jeediyay inuu madaxwaynuhu dhex ka noqdo musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhexdiisa,waxaanu sheegay haddii sidan uu ku sii socdo xisbiga Kulmiye uu burbur soo waajihi doono isla markaana shirka golaha dhexe baaqan doono.
Waxa isaguna madasha ka hadlay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan oo sheegay inaanu madaxwayne Axmed Siilaanyo cidlo kaga dhaqaaqine ay fikirka isku diideen.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland ayaa shacabka Somaliland kula dardaarmay inay nabad galyada meel uga soo wada jeedsadaa.

Kulankan ayaa waxa sidoo waxa ka hadlay dadwayne tiro badan iyo masuuliyiin ka soo qayb galay oo taageersan kooxda isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye.

Halkan Ka Daalaco Khudbaddihii Garabka Isbahaysiga:

 

Khudbaddii Musharax Maxamed Biixi Yoonis:

https://www.youtube.com/watch?v=BKKcY7jk8fc

 

Khudbaddii Musharax Cabdicasiis Samaale:

https://www.youtube.com/watch?v=b03xUiJ8i8k

 

Khudbaddii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada:

https://www.youtube.com/watch?v=jm4mCXipTeo

 

 

Khudbaddii Musharax Kijaandhe:

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories