HomeMaxaa Ka soo baxay Kulanka maanta Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Haldoorka Laascaanood?

Maxaa Ka soo baxay Kulanka maanta Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Haldoorka Laascaanood?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Waxgaradka magaalada Sool, ayaa maanta ku yeeshay magaalada Laascaanood.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan oo ay weheliyaan maamulka gobolka, waxa ay maanta xaaladda magaalada Laascaanood ka wada-arrinsadeen Madaxda dhaqanka iyo Hal-doorka Magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, ayaa waxaa lagu falanqeeyey sidii looga wada shaqayn lahaa adkaynta Amniga Magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool, iyadoo laga wada shaqaynayo ama la iska kaashanayo Xukuumadda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood ba, sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulankan horuumarka Gobolka Sool,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham, iyadoo la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo wada jirka bulshada. Kulankan waxaa ka qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka JSL, Maayorka Degmada Laascood, Xildhibaano iyo dhammaan Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.” Sidaas ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay xukuumadda ee ku saabsan kulanka maanta ka qabsoomay magaalada Laascaanood.

Xarunta Gobolka Sool, ayaa maalmihii u dambeeyey ku jirtay xaalad kale kaddib markii isku-dhac dhimasho iyo dhaawac sababay dhexmaray Ciidammada Ammaanka iyo Dad shacab ah oo ka gadooday Dil magaaladaas loogu geystay Nin Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa haldoorka gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories