HomeMaxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaashaa Kham-khama?

Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaashaa Kham-khama?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankMarkii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay’adood oo ka mid ah hay’adaha dawladda. Runtii aad ayaan ugu farxay muuqaalka guud oo ka kooban dhawr dabaq, bilicsan iyo farshaxanka naqshaddaba. Waxaan u malaynaya dhismahan in ay ku baxday lacag dhan hal malyuun ilaa hal malyuun iyo badh oo dollar. Kharashka waxa bixiyay dawladda Ingiriiska oo ku caawisay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee dareenkaygii iyo xiisihii aan u qaybay in aan dhismaha hore ugu sii socdo waxa bedelay markii aan cagta saaray jaran-jarada, waxaan arkay xabado marmar ah oo meeshoodii ka fuqay iyo kuwo dhinacyada ka jabay. Waxaan gaadhay dabaqa sare iyo xafiisyo si casri ah u qalabaysan iyo dhallinyaro rag iyo haween ba leh oo ay ka muuqato haybad, aqoon iyo in si fiican loogu tababaray hawsha ay bulshada u hayaan; waxaanse ka naxay markii ishaydu qabatay khaladaad farsamo oo la sameeyay wakhtigii la dhisayay oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban ku soo dumi kara wakhti aan fogayn, waana khalad aan laga aqbali Karin nin injineer sheeganaya. farsamo xumadani waxay shaki gelinaysa kalsoonida lagu qabi karo aqoonta injineerada dalkeena.

Dhismaha labaad oo isna kharash badani ku baxay ayaa waxaan galay qol weyn oo ka mid ah dhismaha; markii aan foodda geliyay ba waxa iga horyimid dillaac weyn oo si dadab ah gidaarka ugu dhereran kor ilaa xagga hoose, waxaan la sii yaabay dhismaha waxa loogu talo galay in dabaq la saaro mustaqbalka, hindisahaa oo aan farsamo ahaan suurto gal ahayn.

Haddaba sida kharashka dhismeyaashaa loo maamulay xukumadda waxay ku tahay sumcad darro waxaanay saamayn ku yeelan kartaa deeqaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Beesha Caalamka; dhibaataduna waa isla xisaabtan la’aan iyo hay’adaha iyo masuuliyiinta ku shaqada leh oo aan lagu dabagelin laguna qiimayn sida ay u gudanayaan xilalkii loo igmaday.

Talo Bixin:

  • In Wasaaradda hawlaha guud hubiso shahaadada injineerada dhismaha sida dhakhtarrada oo kale
  • In Qandaraaslaha lagu kormeero dhismeyaasha hay’adaha dawladda iyo in lagu ilaaliyo fulinta tilmaamaha heshiiska ku qoran (specifications)
  • In Guddiga Qandaraasyada Qaranka la siiyo awoodo dheeraad ah iyo ‘mandate’ ka badan qabashada codsiyada iyo kala xulista shirkadaha danaynaya qandaraasyada
  • In la xoojiyo sharciyadda hay’adda iyo aqoonta xubnaha Guddiga Qandaraasyada
  • In la ganaaxo shirkadaha jabiya qodobada heshiisyada
  • In madaxweynaha JSL wasiirkiisa Hawlaha Guud ku amro in uu ka soo warbixiyo tayada iyo raandhiiska dhismeyaasha dawladda ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay la dhisay.

 

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories