HomeMaxaa ka Khaldan Habka la isku Doorto ama Wax loo Doorto Soomaliland...

Maxaa ka Khaldan Habka la isku Doorto ama Wax loo Doorto Soomaliland Gudeheeda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Waxaynu maqalnaa sheekooyin aynaan jeclaysan oo ku dhisan qabyaalad iyo qof jeclaysi. Waxaad la socotaan in hada aynu ku jirno wakhti ay xamaasad doorasho in ahayso, waxaad aragtaan maalin kasta reer hebel ayaa taageero u muujiyey hebel. Waxaan aragnaa kuwo kale oo leh kaa ma taageersanin . hadaba waxaa is waydiin leh doorshada maxaynu u naqaanaa? Malahayga, qaar waxay u yaqaanaan in hebel oo ay isku dhawyihiin la doorto si ay faan iyo maqac ugu noqoto, kuwo kale waxay u yaqaanaan inay badhaadhe iyo barwaaqo qaadhi doonaan haduu hebel meesha u fadhiisto sobobta oo ah inay ka fursad badan yihiin dadka intooda kale.

 

Qaar kale ayaau haysta inay bahdilaad iyo maqac xumo ku tahay inay wax xukumi waayaan. Intaas iyo kuwo kaloo badan ayaa jira oo aan la soo koobi Karin. Mid kalaa iswaydiin leh, horta doorashada maxaynu ka dhaxalnaa? Waxaa laga yaabaa inay dadku kula figrad duwan yihiin, tayda markaan cabiro waxaan ka dhaxalnaa, tafaraaquq iyo kala fogaansho, xintan iyo xaasidnimo, dhaqaale burbur iyo wax la halmaala.

Habka iyo nidaamka aan wax ku dooranaa waa mid aynu dad kale kaga dayano ee maaha mid aynu maskaxdeena iyo maankeena ka keenay. Markaad waddo aanad lahayn marayso waa inaad cidii taqaanay waxwaydiisa si aanad u lumin. Dadkii wadada aynu hada doorasha u marno samaystay waxay garteen in ay u cadaalad sameeyeen kuwa hanka leh ee doonaya inay wax maamulaan. Waxay ka gudbeen reernimo oo waxay ku badasheen  hawlkarnimo iyo hiigsasho. Halka inaga arkayso wax taasi ka gadisan oo ah reernimo  iyo wax ka hooseeya. Malihi qofkasta oo inaga mid ah caqligiisu sidaas ayuu u shaqeeyaa ama u fikiraa mana lihi dad halka ka sareeya inagamay dhalan, laakin dhaqanka caynkan ahi waa mid ku xoog weyn bulshadeena dhexdeeda.

 

Xisbiga talada hayaa waa xisbiga kaliya ee illaa hada leh musharixiin dhowr ah, waa xisbiga looga fadhiyo inuu wax cusub ku soo kordhiyo umada dhexdeeda, waa inuu dadka hada baraa in xisbiga dhexdiisa lagu tartami karo si xalaal ah. Waa inay ka fogaadaan shirarka hoose ee wax u dhimi kara meeqaamkooda.

 

Hadaba, hadaynu rabno in aan guul ka gaadho doorashooyinka waa inaynu halbeeg ka dhiganaa wax umadeena dan u ah, waa in laga gudbaa qof oo loo gudbaa mabda’a. ka aad dooranayso waa inaad ku doorataa karti iyo aqoon. Waa inaad ka fogaato waxyaabaha aynu hada caanka ku nahay ee odhanaya hebel ayaa hebel raacsan iyo heblaayaa hoosta kala shaqaynaysa, iyada oon la gaadhin miiskii lagu kala bixi lahaa.

 

Ugu dambayna waxaynu odhan lahayn waxa ugu wayn eeynu ka halbeeg ka digaynaa waxa weeyi qaybaaladi oo bundhig u noqota doorashooyinkeena, taasi Waxay inagu keeni kartaa khasaare iyo dib u dhac, waxay horseedi kartaa in reer reer lookala fadhiisto. Hadiise laga gudbo taasi oo ilbaxnimo ka keeno, waxaa imankara horumar caqliyeed iyo mid cilmiyeed, han fog iyo hiigsi qorxoon, is aaminaad iyo wada shaqayn iyo sinnaan iyo cadaalad.

 

 

By :osman Ibrahim abdi

TUKAALE_09@HOTMAIL.COM

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories