HomeMaxaa ka jira in Xukuumadda Somaliland Sannadkii hore $70 Kun ku Bixisay...

Maxaa ka jira in Xukuumadda Somaliland Sannadkii hore $70 Kun ku Bixisay in laga difaaco Baraha Bulshada iyo Mareegaha Internetka?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho ‘Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshada’, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda.

blankWarbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada’.

Warbaahinta Somalilandchronicle waxay xustay laba ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka oo ay sheegtay in la siiyey Lacagta ugu badan, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad aan badnayn.

War-bixintan oo biyo-dhaceedu yahay in Xukuumaddu ku dedaalayso inay Gacanta ku dhigto Warbaahinta Madax-banaan si aan wax looga qorin Xukuumadda ayaa sheegtay “Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada..” ayuu sheegay Somalilandchronicle oo soo xiganaya Ilo-wareedyo.

Somalilandchronicle waxay sheegtay inay la xidhiidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, si ay arrintan wax uga waydiiso, balse aanay suurto-gelin inay helaan.

@Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories