HomeMaxaa ka jira in Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska tabobarka Ilaalada Sahaminta Shidaalku...

Maxaa ka jira in Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska tabobarka Ilaalada Sahaminta Shidaalku ay kaalin ku leedahay maamula Ciidanka?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

gudoomiyha gudida qandaarsayda qaranka somaliland(1)Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo iska fogeysay Eedaymo Musuq-maasuq oo loogu jeediyey nidaamkii loo maamulay Qandaraaska Tabobarka Ciidanka Ilaalada Sahaminta Shidaalka dalka 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Adan Axmed Nugaal, ayaa sheegay inay sharciyadda dalka waafaqsanayd habkii loo bixiyey qandaraaskii tababarka ciidanka ilaalada sahaminta shidaalka isla markaana hawsha doorashada iyo qiimaynta shirkadaha ay qayb ka ahaayeen wasiirro ah, khubaro ka socotay shirkadii diyaarisay shuruudaha qandaraaska iyo guddigooda Qandaraasyada.

Gudoomiye Adan Nugaal oo daba-socday eedo loogu jeediyey qaabka loo maamulay qandaraaskaas, waxa uu sheegay inay guddi ahaan iska fogeeyeen sharciyadda lagu xulanayo qandaraaska isla markaana ay u xilsaareen shirkad laga leeyahay waddanka Ingiriiska, taas oo dejisay shuruucda iyo shuruudaha qandaraaska lagu bixinayey.

“Shirkad la yidhaahdo Asaye Risk oo Ingiriis ah ayaanu ka codsanayn inay diyaariso shuruudaha qandaraaska lagu heli karo oo dhinacyo badan ka koobnaa, ilaa sida tababarka loo siinayo iyo casharada uu maalin walba qaadanayo askarigu ku qoran yihiin, markii shirkadii buuxisay shuruudaha ayey guddi saddex geesood ah oo maamulaysay isla qaateen, balse ma ahayn Afganistaan ayaan ka soo shaqeeyey iyo Hindiya in wax lagu bixinayey,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Nugaal oo isaga iyo xubno ka tirsan guddiga Qandaraasyada Qaranka maanta shir-jaraa’id kaga hadlay arrintan.

Gudoomiyaha oo ka jawaabayey dhaliilo musuq-maasuq oo nin sheegtay inuu wakiil u yahay shirkad Maraykanak laga leeyahay oo lagu magacaabo R4, waxa uu yidhi, “Maaha R4 inay iyagu is-qiimeeyaan, laakiin hadii ay cabasho qabaan ha u soo maraan dariiqa sharciga, annagaa diyaar u ah inaan u bayaamino sababahii ay keenay guuldaradoodii qandaraaska tababarka.”

Mar la weydiiyey cidda yeelanaysa maamulka ciidamada iyo inay jirto kaalin ay ku leedahay shirkada qandaraaska tababarka ku guulaysatay waxa uu ku jawaabay, “Ciidankaa oo ka tirsan Booliiska Somaliland maamulkiisa waxa leh wasaarada Arrimaha gudaha iyo booliiska, wax maamul ah oo shirkada tababaraysa ku leedahay ma jiro, keliya hawshoodu waa tababarka iyo eegid.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories