HomeMaxaa ka jira in Madaxweyne Biixi Isku-shaandheyn Sal-ballaadhan ku samaynayo Xukuumaddiisa?

Maxaa ka jira in Madaxweyne Biixi Isku-shaandheyn Sal-ballaadhan ku samaynayo Xukuumaddiisa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaandhayn ku samaynayo Golaha Xukuumaddiisa.

Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay arrintaasi, laakiin ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhaynayo Xukuumaddiisa isla-markaana uu ku soo darayo Wejiyo cusub.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ku soo darayo Weji cusub, kuwaasi oo qaarkood buuxin doonaan Jagooyin ay banneeyeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahaa, balse Toddobaadkii hore isku casilay inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021.

blankWaxa la sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale eryi doono qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaarkood u beddeli doono Wasaarado kale, halka uu Wasiirro cusubna soo Magacaabi doono.

Xilligan, waxa bannaan Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii wasaaraddaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo bannaan Afhayeenka Madaxweynaha, ka dib markii uu iscasilay Afhayeenkii hore Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo Xilal dhowr ahi ka bannaan yihiin Hay’adda Waddooyinka Qaranka, ka dib markii Masuuliyiinta Hay’addaasi badankoodu isku Casileen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories