HomeMaxaa ka jira In Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Uu dhul Aad u...

Maxaa ka jira In Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Uu dhul Aad u weyn Ka Iibsaday Magaalada Hargeysa (Xaafadda Badda cas)?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Maamulaha Haamaha Shidaalka BerberaWarar hoose oo aan ka helnay mid kamid ah dadkii Notaayadda heshiiska ahaa iyo dilaaliintii dhulkaasi ……..

Musuqa iyo mugdi gelinta hantida lagu aaminay maamulkeeda

Bismillaahi Waa kow, Qur’aankay Bir-lab u tahay, bariido san dabadeed hor iyo horraanba aan salaam gobeed u diro akhyaarta qormadan aan jecelahay inay ila wadaagaan, inta aragtidayda igu waafaqsan iyo inta laga yaabo inaanay jeclaysan nuxurka farriintaydan.
Bishii May 15, 2014 |ayuun bay ahayd markii Isuduwihii hore ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil , waqtigaasi  Loo Magacaabay Maareeyaha Haamaha Shidaalka Barbera taas oo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, uu  digreeto Wasiir uu xilkii kaga qaaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera  Prof , Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Waxaanu magacaabay maareeye cusub. Mudane Saleebaan Siciid Cali.inuu noqdo Maareeyaha cusub Haamaha Shidaalka Berbera.isla-markaana waxaa lagu wareejiyey xafladdii xilwareejinta lacag kor u dhaaftay 1milyan iyo 270,000 Dolar.
Warar Hoose oo aanu helnay dad heshiisyada markhaatiyada iyo dillaalintii guryo iyo dhul hargeysa ka ahaa goobjoog oo diiday inay magcyadooda soo bandhigaan , ayaa Xaqiijinaya mareeyaha cusub waqti Kusiman 3bilood  uu hayey Xilka Mareeyaha haamaha , ay sheegeen  in uu hargeysa ka iibsaday 2 Guri Caan Ka ah Magaalada hargeysa oo mid ku yaallo Isgoyska xero Awr ,(halka ay ka soo gasho waddada 150-ka) iyo guri kale oo ku yaalla xaafada Goljano (Labada Guriba sawirkooda waxaan idiinku soo bandhigi doonaa sawiradooda , maqaal danbe.
Guryaha kale uu iibsaday mareeyuhu waxaa ka midda guri weyn oo ku yaalla Koonfurta berbera xaafada loo yaqaan Booli-Qaran Gurigani ayaana kuyaal kasoo Horjeedka Guriga Maayarkii Hore berbera Cabdale Maxamed carab , gurigan ayaa lasheegay in uu dhawaantan iibsaday.
sidaa daraadeed meyd maxaa u danbeeyey kii la sii siday bal aynu eegno Hadaba waxaa ugu danbeeyey iminka ayaa dhawaan dhul weyn oo uu ka iibsaday xaafada  Badda Cas magaalada hargeysa , Dhulkan ayaa mareeyuhu ku iibsaday boqol iyo sagaashan  kun oo Dolar mareykanka ah (190.000$) . Dhul oo deyran waxuu ku yaalaa Xaafadda Badda Cas gaar ahaan agagaarka Dhaamka Jigjiga-yar ee Magaalada Hargeysa, Dhulkan oo Cabirkiisu yahay 90x48mitir ama 1 Block  ayaa waxa uu leeyahay afar jiho oo ay mid walba ka marto Waddo.
Waxaana aanu gacanta ku haynaa oo aanu diyaarinaynaa , Notaanyaddii sharciga ahayd ee heshiiska dhulka iyo jihooyinkiisa iyo markhaatiyada heshiiska , mulkiilihii hore ku qornaa iyo kala-wareejinta dhulkaasi iyo sameynta mulkiyadda cusub warqaddii lagu dalbaday lacagta lagu kala iibsaday hadana laga notaanyo kale 35,000 dolar si cashuurta kal wareejintu u yaraato . (La soco waqtiyadda Dhow).

Booqashadii ugu danbeysay Haamaha Madxweynaha Somaliland uu mareeyuhu u sheegay , ilaahow hana ka shifin … lacagta uu hayey ee 1milyan iyo 270,000 Dolar ku sheegay inay ku baxday hawlo uu ka qabtay haamaha sidda , rinjiyeynta 5haamood 475,000 dolar , machino dhaaminaya booyaddaha oo ku sheegay 320,000 dolar  iyo hawlo kale oo lacago aan macquul ahayn , waxaan idiin soo bandhigaynaa xaqiiqada arimahaasi shirkadaha gudaha ee hawshaa qabanaya oo aanu ka helnay inta lagula heshiiyey oo aad yaabaysaan iyo shirkaddihii total iyo kuwa caalamka oo aanu ka helnay hawlaha haamaha laga qabto oo aad dhawaan helaysaan.

Hadaba akhristayaalow aan Su’aal idin weydiiyee Halkuu Mareeyaha Haamuhu, uu  Lacagta xadigaasi leh ka keenay?
Dhaca hantida Qaranka
Ee bilwalba Guri Joogta
Wanaag Ninkii Ayaamo Kala Kulmow
Waayo kuu hadho’e
Waqtigu Waa Wareegtee saleebanow
Weelka Buuxso Maanta
waxaanan leeyahay qofku markuu Alle kabaqo ayuu ilaalin karaa umadda waxeedana, qofkuna hadduu alle khiyaameeyo umaddana waa uu khiyaamaynayaa, qofku hadduu xil hayo intaan umadaba la eegin Alle ayaa arkaaya, intaanu dadka ka baqina inuu Alle ka baqo ayaa muhiim ah, markaasuuna hantida  umadda ilaalin karaa.” sidaas awgeed waxan jeclaan lahaa madaxweynuha waa qof naciim ah oo neceb musuq maasuq in uu Mareeyahan nusqaanta ku ah xukumadda uu dadka hore u dhaafiyo

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Ciise Daahir Shide

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories