HomeMaxaa ka jira in hinaasuhu waxa u dhimo awoodda aragga indhaha ee...

Maxaa ka jira in hinaasuhu waxa u dhimo awoodda aragga indhaha ee haweenayda?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa aad maqashay in indho-la’aanta ama aragga qofka oo daciifa uu ku yimaaddo marka da’da qofku weynaato ama xannuuno kale oo qofka asiiba, balse waxa kale oo la ogaaday in hinaasaha dumarku uu u horseedo araggooda oo daciifa.

Daraasadda oo ay sameeyeen khubaro cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Delaware, waxa lagu ogaaday marka ay dumarka la soo daristo xaalad hinaase ah ay ku timaaddo in aragga indhahoodu si wanaagsan uga bogan waxyaabaha ay arkaan iyadoo indhoodu ay qabtaan muuqaallo aan shucuurtooda raalli-gelin kuwaas oo ka sokeeya meesha yoolka indhahoodu u jeedo haysto.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay soo sheegeen in natiijada daraasadoodu daaha ka rogayso asbaabo qoto-dheer oo khuseeya xidhiidhada bulshada iyo aragtiyada la aaminsan yahay.

EVA LONGORIA, RICARDO ANTONIO CHAVIRAWaxa in badan la ogaa in dareemada ku taxaluqa xidhiidha bulshadu ay saameeyaan caafimaadka maskaxda iyo jidhka, balse imika waxa ay u muuqataa in dareemada bulsheed ay si caadi ah u saamayn karaan waxyaabaha aynu aragno.

Khubarada cilmi-baadhista samaysay waxa ay tijaabooyin ku samaysay lammaanayaal is-qaba kuwaas oo mid kasta oo ka mid ah la barbar fadhiisiyey kombuyuutar. Dabadeed waxa haweenayda la waydiistay inay indhaheedu eegaan muuqaallo kala duwan, iyaga oo mararka qaar isku dayaya inay is-diidsiiyaan muuqaallada  aan dareenkooda raalli-gelinayn. Halka ninka laga weydiiyey inuu qiimeeyo bilicda muuqaallada ka muuqday shaashadda kombuyuutarka. Dabadeed, qofkii tijaabada samaynayey waxa uu ku dhawaaqay in ninku uu qiimeeyo quruxda haweenay kale oo aan la qabin. Dhammaadkii tijaabada, haweenkii waxa ay la weydiiyey sida uu dareenkoodu yahay marka ay arkaan lammaaneyaashooda oo indhahoodu ku maqan yihiin haweenka kale.

waxa laga ogaaday in kolba sida ay u hinaastay haweenaydu, ay u kordhayso saamaynta muuqaallada aan aragtida raalli-gelinayn ee ka hor imanaya barta indhaheedu ku maqan yihiin. Xidhiidhkan ka dhexeeya hinaasaha iyo daciifka aragtida indhaha ee dareenku sababo ay muuqdeen oo kaliya wakhti ay lammaanayaasha ragga ah indhahoodu ku maqnaayeen haween kale, taas oo muujisay kala-duwanaanshaha dhabta ah ee u dhexeeyey haweenkii goobta joogay.

Khubaradu waxa ay ka dhawaajiyeen inaanay garanayn waxa dhici kara haddii doorka daraasadda lagu wareejiyo dhanka ragga loona kuur-galo astaamaha iyo raadadka ku duugan hinaasaha ragga, balse waxa ay carrabaabeen inay samayn doonaan daraasado kale oo ay ku hubinayaan xaddiga indho-la’aanta ah ee hinaasuhu u gaysto ragga.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories