HomeMaxaa ka jira in Guddoomiye Cirro oo Golaha Guurtida u gudbiyey Sixitaan...

Maxaa ka jira in Guddoomiye Cirro oo Golaha Guurtida u gudbiyey Sixitaan uu ku sameeyey Khalad ku jiray xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Guurtidu ku soo celisay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Muacaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu caddeeyey in uu khaldanaa Xeerka uu hore ugu gudbiyey Golaha Guuritda ee ku saabsanaa diiwaangelinta Muwaaddinka iyo Cod-bixiyeyaasha, ka dib markii uu sixitaan ku sameeyey qodobbo ku jiray Xeerkii qabyo-qoraalka hore Golaha Guurtidu ugu soo celisay khaladaad ku jira  awgeed, balse  aanu isagu aqbalin, kuna eedeeyey in laga dambeeyo carqaladayntiisa.

Cirro iyo Saleebaan-gaalXeerka Diiwaangelinta Muwaaddinka iyo Cod-bixiyeyaasha doorashada oo hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, balse  la sheegay inaan nuqulkii rasmiga ahaa ee Wakiilladu aqlabiyadda ku ansixiyeen loo gudbin Golaha Guurtida, ayaa sida ila-wareedyo xog-ogaal ahi noo xaqiijiyeen uu Guddoomiyaha Wakiilladu Cabdiraxmaan-Cirro u gudbiyey Guddoomiyaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan qoraal uu ku soo saxay afar qodob oo ka mid ahaa khaladaadkii ku jiray  nuqulka hore  loogu gudbiyey Guurtida.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay in qoraal uu khamiistii toddobaadkii dhammaaday oo ku beegnayd 30-kii October ee 2014-ka u gudbiyey Guddoomiyaha Guuritda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ku soo saxxay qodobbada 7-aad, 25-aad, 26-aad iyo 29-aad, oo hore Golaha Guurtidu uga codsadeen in la soo waafajiyo sidii rasmiga ahayd ee Wakiilladu codka aqlabiyadda ah ugu ansixiyeen, marka laga reebo qodobka 29-aad oo aan ku jirin qoraalka Guurtida.

Sixitaanka Guddoomiyaha Wakiiladdu xilligan ku soo sameeyey qodobbadii khaldanaa ee  ku jiray Xeerka hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, balse aan loo gudbin nuqulkii rasmiga ahaa Golaha Guurtida, ayaa imanaya toddobaad ka dib xilli marar badan Guddoomiye Cirro laf ahaantiisa iyo Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaannada Golahaas ee Mucaaradka ahi-ba ku celcelinayeen inaanu jirin khalad ku jira Xeerkii Guurtidu dib u soo celisay ee diiwaangelinta, balse ujeeddadu tahay mid Xukuumaddu ku doonayso inay ku carqaladayso qabsoomidda doorashooyinka, Guurtiduna gacan ku siinayso.

Qodobbadan Khamiistii Guddoomiye Cirro sixitaanka ku soo sameeyey, ayaa qeyb ka ah qodobbo gaadhayey sagaal oo dhaliyey khilaaf Golaha Wakiilladu ugu kala qeybsamay laba garab oo dhinac weliba ku doodayey in dhinaca kale khaldan yahay, Xildhibaannada taageersan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ee talada haya, ayaa ku doodayey oo inay u gudbiyeen Guddoomiye Cirro inuu jawaab ka soo bixiyo, qaladaadka Xeerka ku jira, iyagoo diiday inay ka qaybgalaan Kal-fadhi aan caadi ahayn oo Guddoomiyuhu isugu yeedhay Mudanayaasha Golahaas si Xildhibaannadu u ansixiyaan Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ee bishii hore Liiska Magacyadooda Maxweynuhu u soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Tallaabada immika Guddoomiyaha Wakiilladda Cabdiraxmaan-Cirro qaaday, ayaa u muuqata mid lagu soo dabbaalayo, laguna asturayo khaladaad sharci-jebin ah oo lagu eedeynayo in Guddoomiye Cirro sameeyey, balse waxa la eegi doonaa sida Xildhibaannada dhinaca KULMIYE iyo Xukuumadda taageersani u arki doonaan iyo inay ku qanci doonaan aqbalaadda khaladaadka ay sheegeen inuu jiray iyo sixitaanka uu haatan ku dhiirraday Guddoomiye Cirro.  Waxaanay Xildhibaannada Muxaafidka ahi ku hanjabeen inay xilka ka qaadi doonaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, halka ay Xildhibaannada Mucaaradka ahina hanjabaaddaas kaga jawaabeen inay iyaguna Maamuus-ka-xayuubin ku samayn doonaan Madaxweynaha.

Qodobka 7-aad ee xilligan Guddoomiye Cirro la sheegay inuu sixitaanka ku soo sameeyey, ayaa ka hadlaya ansixinta Diiwaangelinta, waxaanu u dhignaa sidan:- ‘Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah ansixinta Diiwaangelinta Muwaadinnimada iyadoo Komishankuna u xilsaaran yahay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase-ahaatee, Komiishanku (Guddiga doorashooyinku) waa inuu furo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha muddo aan ka yareyn lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta, si loo diiwaangeliyo Cod-bixiyeyaasha cusub, loona tirtiro Cod-bixiyeyaashii hore loo diiwaangeliyey ee Xeer ka reebay in dib loo diiwaangeliyo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories