HomeMaxaa ka jira in Ethiopia Saamigeedii Dekedda Berbera Ku Doonayso Marsada Saylac?

Maxaa ka jira in Ethiopia Saamigeedii Dekedda Berbera Ku Doonayso Marsada Saylac?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo baxayay warar sheegayay in dowladda Ethiopia si weyn u danaynayso Dekedda Saylac ee Galbeedka Somaliland. Balse waxa la ogyahay in mashruuca Dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Dekedda Berbera muhiimad gaar ah ugu fadhiyo dalka Ethiopia waxa soo if-baxay in Addis Ababa inay danaynayso Dekedda Zaylac.

Sida lagu sheegay war-bixin lagu daabacay warbaahin lagu falan-qeeyo aragtiyaha siyaasadeed ee ku lammaan dhacdooyinka qaaradda Africa, Ethiopia waxa ay xiiso gaar ah u qabtaa inay maalgeshato dekedda Saylac.

blankEthiopia oo si weyn ugu tiirsan dekedda Jabuuti oo dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaheedu ku xidhan yahay, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd helitaanka dekedo dheeraad sababo la xidhiidha kor-u-kaca dhaqaalaheeda oo la aamisan yahay inuu si xawli ah ku socdo 20-kii sanno ee u dambeeyey.

Laba sanno kaddib markii ay Somaliland heshiiska kula gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta inay maalgeshi gaadhayaa $442Milyan ku samayso dekedda Berbera dowladda Ethiopia ayaa 2018-kii qayb ka noqotay saamiga maalgeshi ee dekedda Berbera iyadoo qaadatay saami dhan boqolkii 19 halka Somaliland iyo DP World kala qaateen saami dhan boqolkiiba 31 iyo boqolkiiba 51.

Dowladda Ethiopia ayaa xilligan u muuqata inay saamigeedii Dekedda Berbera u beddelato kuna horumariso dekedda Saylac, waxaana suurto-galnimada arrintan iyo xogta la xidhiidha lagu jaan-gooyey gorweynta dhacdooyin toddobaaddadii u dambeyey soo bandhigay jiritaanka arritan, kuwaas oo ay ka mid yihiin safarkii madaxweynaha Somaliland ee dalka Ethiopia, hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka horumarinta Maaliyadda, tallaabo dublomaasiyeed oo dowladda Ethiopia qaadday iyo socdaal aan hore loo sii shaacin oo raysal-wasaaraha dalka Ethiopia dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Warbixintan oo lagu daabacay warbaabinta MyViewsOnNews, ayaa lagu sheegay inay wax weyn iska beddeleen heshiiskii dowladda Ethiopia saamiga ku lahayd Dekedda Berbera, kaddib markii uu Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland sheegay in maalgeshiga dekedda Berbera ay wada-leeyihin Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo kala leh boqokiiba 35 iyo Boqolkiiba 65.

Warbixintan oo soo xiganaysa xogo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa lagu sheegay in dowladda Ethiopia doonayso inay Saamigeedii dekedda Berbera u wareejisay dekedda Saylac, waxaana warbixinta oo arrintan sababaynaysa lagu yidhi, “Marka koowaad, Dekadda Saylac way u dhowdahay Itoobiya. Marka labaad, waxa deegaanka Soomaalida ee Ethiopia laga helay Kayd Gaasta dabiici ah oo aad u badan. Shirkada British New Age iyo Shirkada GCL ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku hawlan baadhitaanka gaasta dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Soomaalida. Itoobiya oo kaashanaysa Shiinaha waxay hadda doonaysa inay dekedda Saylac ka dhoofiso gaaskan dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Soomaalida.”

Warbixinta oo sii wadda qodobbada lagu jaan-gooyey xaqiijinta xogtan, waxa lagu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhawaan socdaal ku tagay Ethiopia. Maalmo kaddib booqashada, Ethiopia waxa ay kor u qaadday xidhiidhka dibloomasiyeed ee ka dhexeeya Somaliland, waxayna safiir buuxa u dallacsiisay qunsulkoodii Hargeysa. Taasina waxay Ethiopia ka dhigtay dalkii u horreeyey ee Somaliland u magacowday Safiir Buuxa.”

Warbixinta MyView on News ayaa xaqiijinta damaca Ethiopia ee maalgeshiga Dekedda Saylac u daliishatay socdaal qarsoodi ah oo Raysal-wasaaraha Ethiopia ku tagay dalka Imaaraadka Carabta laba maalmood ka hor, waxaana lagu sheegay in raysal-wasaaraha Ethiopia uu Somaliland iyo Imaaraadka Carabta kala hadlay sidii Saamiga Ethiopia ee Dekedda Berbera loogu wareejin lahaa Dekedda Saylac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories