HomeMaxaa ka jira Dowladda QATAR wefti Culus oo ku gaashaan Diyaarad Mucaawimo...

Maxaa ka jira Dowladda QATAR wefti Culus oo ku gaashaan Diyaarad Mucaawimo Sidda u soo dirayso Somaliland?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid-19 ee saamaynta ba’an ku haya caalamka.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya ilo-wareedyo kala duwan, weftiga dowladda Qatar, ayaa la filayaa inay caasimadda Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana u qorshaysan inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

blankSi rasmi ah looma oga in deeqdan ay dawladda Somaliland ka codsatay dawladda Qatar iyo inay dawladda Qatar si iskeed ah isugu xilqaantay inay shacabka reer Somaliland soo gaadhsiiso mucaawimo.

Wasiirka arrimaha dibadda oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan ka waraysto ayaanay u suurtogelin.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dawladda Qatar uga timaada si toos ah ee soo gaadha shacabka reer Somaliland.

Dadka aqoonta u leh diblomaasiyada ayaa tilmaama in mucaawiyoonku yihiin aalad la mid ah amaba ka xoog badan diblomaasiyada, lamana garan karo in arrintu ku koobnaan doonto mucaawino keliya iyo inay bilaabmi doonto diblomaasiyad cusubi.

Sida la ogyahay, Somaliland waxa ay cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah is-bahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sucuudigu, kaas oo siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda Qatar oo xulafo la ah dalalka Turkiga iyo Iiraan, iyadoo labadan xulafo uu ka dhexeeyo xafiiltanka siyaasadeed ee ka aloosan Mandaqadda Bariga Dhexe.

Dhanka kale, halka ay Somaliland cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dalka Imaaraadka iyo Xulafadiisa, dalalalka Qatar iyo Turkiga ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh dalka Soomaaliya, iyadoo tani ka tarjumayso xafiiltanka siyaasadeed ee u dhexeeya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories