HomeMaxaa ka Dhexeeya Hoggaanka iyo Siyaasadda? – W/Q: Mohamed Rashid Hussein

Maxaa ka Dhexeeya Hoggaanka iyo Siyaasadda? – W/Q: Mohamed Rashid Hussein

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

hoggaanka iyo siyaasaddaWaxa hubaal ah in 90% dadku marka ay maqlaan siyaasad waxa kusoo dhacda madax sare ha noqdaan guddoomiyayaal xisbi amma qaar kale oo xilal ka haya dawladda. Sidaa si lamid ah marka aynu ka hadlayno hogaan sida badanaaba dhacda waxaan xasuusanaa sawir lamid ah markii aan ka hadlaynay siyaasad. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inaan ogaano inay siyaasadda iyo hogaanku ay aad u kala duwan yihiin. Siyaasadu waa aragti waajahaysa socodsiinta waaxyaha kala duwan iyo himilada dalka halka aynu ku qeexi karno hogaan nidaam horseed ah oo lagu hogaaminaayo dadka kartida shaqsiyeed.

Haddaba wada shaqayntooda iyo isku keenidoodu waxay horseedi kartaa horumar balaadhan oo dhaqaajinaaya nidaamka waxqabad ee xaalada wadanku taagan yahay.Hogaamiyayaasha addunku iyaga oo istcmalaya kartidooda shaqsiyadeed ha noqoto awoodooda hal-abuurnimo, waaya-aragnimo iyo aqooneed iyo waliba hibooyinkooda hadana waxa lagama maarmaan ah inay adeegsadaan siyaasadda si ay u gaadhaan hiigsiga fog ee wadanka iyo kooda shaqsiyeed labadaba. Maadama oo la rabo in guul laga gaadho rayiga iyo hanka guud ee wadanka waxa runtii dhaxal gal ah in la dhuuxo oo la fahmo is- dhexgalkooda iyo wada socodkooda.

Haddii aynu garanay maxsuulka wanaagsan ee kasoo bixi kara midayntooda, waxa iyana aan lagama maaraman ahayn in aan garano waa maxay astaamaha siyaasadda wanaagsan? Waa maxay dabeecadaha laga rabo inuu yeesho qof hogaanka hayaa? Sidee ayay midayntoodu horumar u keeni kartaa? Suaalahani waa kuwo aasaas u noqon doonaa in aynu fahano xidhiidhka ka dhexeeya hogaanka iyo siyaasada.

Ugu horayn hanka ugu wayn ee ay bulsho yeelan kartaa waa horumarka tiirarka kala duwan ee waxtarka u ah nolosha dadka sida waxbarashadda, caafimaadka, dhaqaalaha iyo ka faaiidaysiga is-gaadhsiinta casriga ah. Si haddaba horumar loo gaadho, siyaasiga aan rabnaa waa inuu noqdaa mid:

  • Daacad ah: waa inuu awood u leeyahay inuu ka run sheego ficilada kala duwan ee laga rajaynaayo inuu qabto xiliyada ololaha.
  • Ixtiraam leh:halkan waxaan ixtiraam uga jeednaa, in ay dhinacyadda kala duwan ee isku haya hogaanka dalku inay is-ixtiraamaan iyo inay qadarin siiyaan shuruucda u taala wadanka iyo natiijooyinka kasoo baxa heshiisyada. Waxa sidoo kale aad u xusid mudan in la ixtiraamo kala fogaanshaha fikirada kala duwan iyada oo aan wax loo dhimmayn sumcada iyo jiritaanka wadanka.
  • Masuul ah:masuuliyada siyaasigu waxay ka timaadaa in uu garto inay qaali tahay inuu baahida naftiisa ka horeysiiyo ta u taala dalka. Baahiyaha kala duwan ee dalka waxaa ku jirta ugu yaraan ilaalinta nabadda.

Dabeecadahan siyaasadeed waxay u baahan yihiin in lagu labeeyo hogaan. Waxa laysla ogyahay in la baran karro siyaasad laakiin marnaba aan lala iman karin astaamo hogaan. Si guul looga gaadho himilada dalka waa in hogaamiyuhu noqdaa mid:

  • Aragti- fog:hogaamiyuhu isaga oo adeegsanaaya kartidiisa waa inuu ka war hayo oo uu saadaalin karo xaalada uu dalku ku sugnaan karo muddo kadib tusaale ahaan muddo 5 sanno kadib.
  • Qancin leh:tani waxay u sahlaysaa hogaamiyaha inuu yeesho hab macquul ah oo uu ku cabiri karo fikirkiisa si uu u qanciyo baahida soo wajaha dalka.
  • Saamayn leh:midaynta aragtida fog iyo qancinta fikirada fog fog waxay kor u qaadaysaa in laga dhex dheehdo hogaamiyaha saaxadaha siyaasada laguna wada qanco go’aanadiisa rag, dumar iyo dhallinyaro intaba.

Ugu danbayn, siyaasadu maaha xalka kaliya ee lagu gaadhi karo horusocodka iyo horumarka dalka haddii ay maqan tahay in lagu xidhiidhiyo hogaan iyaga oo dhinacyo kala duwan wax laga eegaayo.

By: Mohamed Rashid Hussein

Development Analyst

Mohamedrashid402@gmail.com

063-4002027

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories