HomeMAXAA GALAY RUGTA GANACSIGA SOMALILAND?! - Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim

MAXAA GALAY RUGTA GANACSIGA SOMALILAND?! – Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Chamber of Commerce, waxa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 1599 dalka France tan iyo markaa rugaha ganacsiyadu kaalin muuqata ayay ciyaaraan horumarka dhaqaalaha. Hasa yeeeshee, waxa ii muuqatay in guud ahaan shacabka reer Somaliland aanay  si wanaagsan u fahansanayn shaqada iyo ahmiyadda RUGTA GANACSIGA EE SOMALILAND sidaa dartee, ayaan muhiim ugu arkay in marka hore aan saddarro sharrax kooban kaga bixiyo hawl-qabadka Rug Ganacsi ama Chamber of commerce; Waa hay’ad dawli ah ama ba aan dawli ahayn oo ay ku bahoobeen koox isku shaqo ah si ay wada-jir ugu baadidoonaan horumar dhaqaale  dadka iyo dalka markaa ay ka jirto hay’addu.
Shaqooyinka Rugta Ganacsiga waxa ka mid ah;
• Sameynta Deegaan wanaagsan oo ganacsigu ku hano-qaadi karo si sharciga u siman.
• Waxa ay sare u qaadaa fahanka ganacsatada ee ganacsiga si ganacsigu ula jaan-qaado suuqyada baayac-mushtar ee dunida.
• Dhiiri-gelinta ganacsiga warshadaha iyo beeraha.
• Daryeelka iyo barbaarinta ganacsiyada yaryar.
• Waxa ay kaalin ka qaadataa xallinta khilaafaadka Ganacsi. IWL.
Intaa haddaan sharrax kooban ee guud marka ah ku dhaafno hadda ba aan u imaaddo Rugta Ganacsiga Somaliland oo la aas aasay hilaaddii kontomaadkii ahmiyad mug leh na u leh guud ahaan ganacsiga iyo ganacsata reer Somaliland ba ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay hoggaanku ka xumaaday, taasina waxa ay keentay in Rugtu ay saaxiibadii hore ee ay wada shaqaynta wanaagsani uga dhaxaysay lumiso, kuwaas oo haatan aan ka soo qaadan karno;
• Midowga Yurub.
• Ingiriiska.
•  Iyo Maraykanka.
Arrinta ugu weyn ee aan filayo in ay xumaysay xidhiidhkii Rugtu dunida kale la lahayd waa in ay tahay sharciyada Rugta Ganacsiga Somaliland oo burbursan calaamadda ugu horreysa uguna weyn ee burburka sharciyadda rugta farta ku fiiqaysaa waa in aan tan iyo sagaashamaadkii aan wax doorasho ah lugu soo xulin hoggaanka rugta. Sida sharcigu dhigayana waxa ay ahayd in shirweyne xubnaha ganacsatada oo dhan la iskugu yeedho shanti sanno ba hal mar, halkaana lagu soo doorto shan iyo labaatan xubnood, kuwaasina waxa ay iska sii dhex doortanayaan sideed xubnood. Hadda ba muddo dheer oo hoggaanka Rugtu qori isku dhiib iska ahaa oo aan wax doorasho la yidhaa suurto-galin ayaa sababtay in xidhiidhadii rugtu dunida la lahayd ay wada go’aan.
Sida oo kale hoggaan xumada iyo habacsanaanta maamul ee Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay meesha ka saartay doorkii muhiimka ahaa ee Rugta Ganacsiga Somaliland ay ku lahaan lahayd suuqa ganacsiga.
Guddoomiyihii sideeddii sanno ee ugu dambaysay talinayay ayaa toban maalmood ka hor sheegay in uu sababo u gaar ah isku casilay. Hadda ba guddoomiye Maxamed “Shugri” isna u wanaagsanaa rugtana u wanaagsanayd  in uu guddoomiye sharci ah oo xubnuhu soo doorteen oo rabitaanka xubnaha ku yimidday uu xilka ku wareejiyo.

Gabogabadi haddii aan Rugta lagu soo dabbaalin xayn-daabka sharciga oo aanu hoggaankeedu ku iman doorasho iyo rabitaanka xubnaha waxa gud ku dhacaysa rajada laga qabo Rugta.

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
 somaliland_author@yahoo.com
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories