HomeMaxaa Dr Maxamed Cismaan Fadal ku kallifay inuu Iska Casilo Xisbiga WADDANI?

Maxaa Dr Maxamed Cismaan Fadal ku kallifay inuu Iska Casilo Xisbiga WADDANI?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland, ayaa ka hadlay sababta uu uga baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu ka soo qabtay xilka xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbigaas oo uu muddo kooban hayay.

blankDr Maxamed Cismaan Fadal oo u warramay Telefishanka Horyaal, waxa uu faahfaahiyey sababta uu isaga casilay xubinimada iyo xilkii uu ka hayey Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu sheega inuu xilligan xoogga saarayo hawlihiisa gaarka ah, siyaasaddana faraha ka qaadayo si uu bulshada dhex-dhexaad ugu noqdo hawlaha uu Qaranka u hayo ee u gaarka ah.

“Xilkii Xisbiga ee Xoghayaha Arrimaha dibedda si rasmi ah ayaan u wareejiyey, Faadumo Siciid baa loo Magacaabay, muddadii ay Faadumo qabatay ayaa iigu dambaysay xilkaa, Xisbiga kamaan bixin ee waan ku jiray, waxaan ka mid ahaa Goleyaashiisa oo dhan, Golaha dhexe ayaan ka mid ahaa, guddiga fulinta ayaan ka mid ahaa, hoggaanka Xisbiga ayaan ka mid ahaa,”Sidaas ayuu yidhi Dr Fadal.

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Markaa imika waxaan doonayaa inaan la wadaago Xisbigii iyo Ummaddaba aan u sheego si aan ugu Madax-bannaanaado taa imika aan ku jiro, inaan si buuxda iskaga casilay Xubinnimadii Xisbiga iyo Goleyaashiiba, oo aniga oo aan Dalka wixii aan u qaban jiray aan dhimayn aan qaybtaa aan ku jiray ee dhexdhexaadka ah aan xoogo saaro, tii cilmiga ha ahaato, tii Cilmi-baadhista ha ahaato iyo shaqooyinkii arrimaha bulshada ha ahaato, ama tii dimuqraadiyadda Riixisteeda ha ahaato oo aan malaha kagama manfac badnaa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

“Dimuqraadiyadda aynu dhisaynay curdin bay ahayd, rukunadeeduna waa doorashada, rukunka doorashadu ku fadhidaana waa Komiishanka. Komiishanku waa maxkamad, Komiishanku waa Cadaaladdii, waa kalsoonidii, markaa Taladii berigii dhawayd la soo wada fadhiistay ee la wada saxeexday ee Caalamku inoogu yimid wax ceeb ahi kuma jiraane ee Madaxweynaha iyo Xisbiyadu ku wada saxeexdeen, waajibka innaga saarani waa inaynu taas uun kaga dhabayno, talo ka wanaagsan oo la heli kari lahaa ma jirto”, ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories