HomeMaxaa dhalinyaradii qalinkoodii ka dhigay mid aan waxtar u lahayn bulshada -...

Maxaa dhalinyaradii qalinkoodii ka dhigay mid aan waxtar u lahayn bulshada – W/Q: Maxamed Cali (Salafi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

salafiWaxa aan doonayaa inaan maanta ka hadlo arin aan in badan daraasadeeyay,oo ah mushkilad aan ku arkay  in badan oo ka mid ah da’yarta wax qorta ee ku hawlan qorista maqaalada wargaysyada dalka ka jira.

Hadaba, hadaan su’aal is waydiino”maxaa dhalinyartii qalinkoodii ka dhigay mid aan wax tar u lahayn bulshada ”

Anigu markaan arintaa in badan gorfeeyey  waxa aan ogaaday in bulshadeenu  gaar ahaan dhalinta wax qortaa  uu qalinkii ka qabsaday Dhaliil oo ayna kaba hadal dhinaca wanaagsan..

Hadaba waxa uu caqliga fayoobi uu garanayaa in ay wax sixidu ka haboon tahay dhaliisha hadaynu hadaba arinkaa gudagalno waxaan dhalinyarada wax qorta kula talin lahaa inay iskadaayaan qoraalkoodan mucaarad nimada ah oo ay raadiyaan bal sidii looga bixilahaa oo loola talin lahaa dawladan ay marwalba caayayaan iskuna dayaan inay bal keenaan arin ay ku wanaajinayaan dawladooda ama aad isku daydaan inaad bal qalinkiina kula talisaan oo aad raadisaan sidii loo hagaajin lahaa dawladan aynu dooranay ee hadana aynu marwalba caayayno  ama aynu aflagaadaynayno  maxaa yeelay nacaybshaha aynu nacayno dawlada ama aad soo qoraysaan maqaalo lagu dhaleecaynayo iyaga waxa ay keenayaan nacayb xoog ah mooyee mar naba makeenayso wax fiican oo ay isku qabtaan.  .

Waxaan hadaba usheegayaa dhalinta wax qorta ee isku daya in qoraalkoodu hore maro saaxiibayaaal ama walaaloyaal  hamoodina in aad ku soo baxaysaan cayda aad caayaysaan dawladiina sababta oo ah dawlada waxa doortay waa inaga markaa haday xumaato iyo haday samaatoba waa dawladeenii markaa inaga waxa la inooga baahan yahay inaynu saxno oo aynu waxa ay ku khaldan tahay u sheegno mooyee naguma laha hadalada deelqaafka ah ee wax u dhimaya qaranamideena . maxaa yeelay xadiis laga soo wariyay rasuulka ( csw ) ayaa lahaa war madaxdiina ixtiraama oo ka danbeeya walawkaana ha ahaado xabashi  timihiisu ay adag .   Markaa waxaynu keliya  ku leenahay inaan wax uun u sheegno lakin kuma lihin wax cay  ah  waxa aan hadaba odhan lahaa hadaynu kabadino dawlada wax u sheega iyo amaanta inay iyaguna iska daynlahaayeen wax yaabahan ay shacabku ku caayayaan oo ay  isku dayi lahaayeen sidii ay u soo ceshan lahaayeen kalsoonidii ay shacabka dhexdiisa  ku lahaayeen .

hadaba waxaan da’yarta waxa qorta ka codsanayaa dal iyo dibadba idikuu wadanku idin sugayaa laydinkana baahanyey sidii aynu dawlada ula xisaabtami lahayn ee ma ay ahayn inaynu isku noqono isma dhaantiyo dhasheed ,hadda laga bilaabilano ay abuurno qoraalo khaladku halkuu ka bidhaamayo aynu ku iftiiminayno.

Horayna waxa loo yidhi, “qalinkaa wax sureeya oo kugu sima halkaad doonto “ markaa qalinkiinu wax ha suureeyo si dadka uu ugu simo halkay doonaan .

Maxamed Cali Cabdilaahi (Salafi)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories