HomeMAXAA DALKA LOOGU TALO GALAY? - Goorama ayey Baarlamaanku wax arkaanse, ma...

MAXAA DALKA LOOGU TALO GALAY? – Goorama ayey Baarlamaanku wax arkaanse, ma markuu jeebkoodu isdhimo mise marka uu buuxsamo?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa aan salaamayaa dhamaan Saxaafada Dalka gudo iyo dibedba aniga oo maanta ka hadli doona xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka iyo doorka Golaha baarlamaanku ka qaatay.

Marka hore waxa aan is waydiiyey Su’aal aniga oo jawaabteeda hadana Su’aal kale ka door biday taasi oo odhanaysa xildhibaanada ku tiraabay xeerkani waa xeer xaaraan ah, waa xeer lagu baabinayo dadka danyarta ah, waa xeer xirsi uu wato oo isaga u danaynaaya, iyo hadalo kale oo badan.

Hadaba aniga oo cabiraaya garaadka maskaxdayda waxa aan is waydiiyey xeerkani muxuu yahay ma mid xirsi uu isagu ku dhisanaayo wadooyin u gaar ah oo tegaaya meelo isagu uu bustaano ka samaystaa mise waa xeer dhisaaya somaliland mid miiga jooga iyo mid magaalo joogaba, ma mid u adeegaya cadawga dalkaa mise waa mid u adeegaya dadkiisa danyarta ahbaa.

Intaas oo dhan hadaan ka soo gudbo waxa hubaal ah oo aan caad inaga saarnayn in xeerkani uu yahay mid qiimihiisa u leh bulshada waa mid mustaqbalka dhaw iyo ka fogba dalkeena anfici doona waa mid habarta miiga ku dhaqanaysa xoolahan la saaray $1.5 marka somaliland shilin laga dhigana noqonaysa 9000 oo somaliland shilin ah ay dani ugu jirto hooyada ama danyarta aad dadka ku beer la xawsanaysaan idinka oo ka deyaaya buuq iyo rabshad inaad ku abuurtaan dalkan qiimaha iyo qadarinta inaga mudan.

Hadaba aniga oo si toosa ula hadlaaya kuwa caadaystay inay yidhaahdaan waxa aanu ku baaqaynaa mudaharaad oo waxa aanu diidanahay xeerkan waxaan leeyahay dib isugu noqda oo lafihiina iyo kuwa masaakiinta aad ku duulaysaan eed leedihiin aanu hotel lada idiin sii fadhino oo aanu iska sii sharaabnee kaalay caruurihiina nagu caawiya dhiigooda ha noo mudaharaadaane waxaan idin leeyahay ha lugoynina oo ha ku cadaab mudanina dhiiga walaalihiina muslinka ah, dalkana khal-khal ha gelinina.

Midna waxaan leeyahay bulshada qiimaha badan ee dalkeen ku dhaqan waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin waanad ogtihiin dal walba waxa uu wax ku noqdaa waa horumarka bulshadiisu ku talaabsato waa cashuurta iyo dhididkiina ood u hurtaan inaad heshaan dal qurux badan oo dunidu ku dayato oo ay yidhaahdaan dalkaasi waa dal aan la aqoonsan waa dal nabadgelyo iyo horumar ku talaabsaday waxaana u sabab ah dadkiisa balse ha ku bedelanina hadal nin meel waayey oo kursi u dirir ah oo aan cidna dan ka lahayni uu idiinku kacsado awrkiisa hadii berina xil loo dhiibo aamusaya oo odhanaya mucaaradku dadka dhibta ha ka daayaan,

Taasi waxa ay ku tusaysaa in siyaasigu yahay danayste jecel inuu jaqo dhiiga wiilasha iyo gabdhaha qiimaha iyo aqoonta igu fadhiya dalkeenan somaliland waa siyaasi ku duulaya ubaxa dalka ama siyaasiga beri oo aan doonayn in dalkan uu yeesho wejiyo cusub oo saaxada siyaasada u soo kaca, balse jecel in uu madax kaga taagnaado oo uu raqiisiyo himilada iyo horumarka uu hiigsanaayo dalku.

Ugu danbayn waxa aan leeyahay kuwa leh lacag ayaa la qaatay oo waa la iibsaday Xildhibaanada maanta codeeyey wax noo sheega oo idinka ma lacagtaa laydiin diiday mise way idinku yarayd mise waa laydin ilaaway ilayn hadii aad dalkan iyo dadkan ka naxaysaan waxa aad diidi lahayd oo aad ka qaylin lahayd markaad mushaharkaaga laban-laabaysay ee aanad eegayn askari habeen iyo maalin aad ku seexato kuna soo toosto adiga oo qoslaya oo faraxsan iyo shaqaalaha masaakiinta ah eed maalin iyo habeen ku amartaaglaynayso eed dhididkii iyo dhigiii ay ku soo xareeyeen lacagta yar ee dalka wax loogu qaban lahaa aad adiga oo soo toosa maalin oodhana qayila aad iska buur-buuratay, mee damiirkaasi xagee ayuu maalintaasi kaa jiray intaad maanta hooyada umusha ah, aabbaha tabcaanka ah iyo kumanaanka bukaan jiifka ah ee inta loola soo socdo meel dhakhtar ugu dhaw wado xumada awgeed ugu dhimanaayey wadooyinka aad qaylada iyo jibaadka la hortaagan tahay ku darsoo weliba waa kuwii ku soo doortay ee wax ku bidaayey ee ku soo eegayey ayaad maanta abaal uga dhigtay xeerkani waa xaaraan hadii uu wadooyinka dhisaayo.

Qalinkii Suhayb Maxamed Suudi 

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories