HomeMaxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale,...

Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa Dad weynaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu Deegaan ahaa Kasoo jeeday Riyaale.

blank
Cabdicasiis Samaale iyo Madaxweyne Muuse Biixi

 

Waxa uu soo noqday Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiiladda Isagoo ku matalayay Xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn uga dhex muuqan jiray Golaha isagoo ay caawisay Culimanimadda iyo goobaha diiniga ah ee uu kusoo hanaqaaday. Waxa uu door weyn ku lahaa duufsigii Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay wakhtigaasi u shirabnaayeen Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa shaqsi uu Siilaanyo wakhtigaasi oo uu kursiga madaxtinimadda u ordayay oo uu mucaarid ahaa  uu aad ugu kalsoonaa, Isna (Samaale) dhinaciisa waxa uu daacad u ahaa Kulmiye iyo inuu Siilaanyo Kursiga ku guulaysto. Markii Siilaanyo Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Siilaanyo u magacaabay Xil Wasiir, waxaanu u dhiibay Wasaaraddii ugu miisaanka Cuslayd ee Maaliyadda isagoo markii uu shan sanno ku dhawaad hayay Xilkaasi iskii iskaga casilay, isalmarkaana  banaanka uga Baxay Xukuumaddii Siilaanyo.

 

 Waxa Samaale ku abuurmay wakhtigaasi Han Musharax Madaxweyne waxaanu dagaal culus u galay sidii uu u banaysan lahaa Musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, iyagoo Geesaha isgaliyay Muuse Biixi Cabdi oo isna hanka Madaxweynenimadu mar kuwad abuurantay. Iyadoo ay halkasi marayso ayaa waxa uu Muuse Hiil ka helay Qoyskii madaxweyne Siilaanyo sidaasi ayaanu ku hantay inuu noqdo Musharax aan lagula tartamin Booska kal  dambe ee Musharaxnimadda Madaxweynenimada ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa Siilaanyo dabadii. Samaale waxa uu isku dayay inuu dibadda kala dagaalamo Muuse balse Waxa u laqimay oo cagta u dhigay Kooxo jibo Qabiil olole ugu jiray oo ka koobnayd ganacsato kuwaasi oo la sheego inay woxogaa lacag u duuduubeen Samaale. Wixii intaasi ka dambaysay waxa uu muxaafid u noqday Muuse balse dareen gaar ah ayay kuwada socdeen.

 

Muddo ayuu Samaale saaxadda kabaxay markii uu Muuse Talada dalka ku guulaystay balse haddana dhawaan ayuu ku soo noqday Xayndaabka. Waxaana lagu dhex ararkayay Kulamada Xisbiga Kulmiye yeelanayo ama Xisbiyadda kale la yeelanayo.

Arinta layaabka ku noqotay Taageerayaashii Sheekh Samaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxay tahay, waxa uu maalin dhawayd kasoo muuqday Shaashada isagoo uu barbar taagan yahay  Ku xigeenka Xoghayaha Xisbiga UCID, Arintaasi oo ay saluugeen taageerayaashiisu islamarkaana la iswaydiiyay Xilka uu Samaale ka hayo Xisbiga Kulmiye ee aan muuqan iyo bahdilaada muuqaalkaasi iyo halka uu taagnaa oo aad loola yaabay?.

 

Haddaba Waxay Iswadiintu Tahay Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

Dad badan ayaa aaminsan inuu Samaale Lacag jecel yahay oo uu hoosta ugaga jiro Muuse islamarkaana waxa bahdilay ee meeqaamkiisii hoos u celiyay ay tahay Danno Dhaqaale, walaw warar hoose sheegayaan inuu bil walba masaariif ahaan u qoray shan kun oo dollar.

 

Dad kale ayaa aaminsan inuu dano qabiil u gardadaduuban yahay balse arintani waxay ku tiirsanayd wakhtigii ololaha oo waa laga soo gudbay, waxaanay wax waliba iskugu aroorayaan Dano Dhaqaale. Sidoo kale danihii siyaasiga ahaa hadda ma shaqaynayo oo majoogto wax shax siyaasadeed ah oo la ciyaarayaa. Sheekh Samaale waxaa gardaduub u xidhay dano dhaqaale waxaanu ka mid yahay dadka lacagta jecel ee mar walba ka agdhawaada dhariga, sida hadda ka muuqata, waana dadka  sharaftooda iyo kartidooda waydaarsada haddii ay meesha taalo lacagi waana tii uu Wasaaradda maalliyadda diiday in laga badelo ee uu iskaga casilay Wasaaradda Waxbarashada.

W/Q: Diblomaasi Khadar Muxumed Karaash.

 

Qormadani waxay xambaarsan tahay Fekerka gaarka ah ee Qoraaga Magaciisu ku xusan yahay, kamana tarjumayso Aragtida Warbaahinta Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories