HomeMaxa Sababay In Muddo 52 sanadood Ah Bushada JSL Ay Ku Jirto...

Maxa Sababay In Muddo 52 sanadood Ah Bushada JSL Ay Ku Jirto Halgan iyo Inay Ka Werwersanaato Madaxdooda Siyaasiga Ah?!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Garyaqaan Salidhige

Muwaadin, anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige), isla markaana ah garyaqaan Tabliiqi-Sharci (Voluntary Lawyer) ah, kana duulaya duruufo adag oo hore ee taariikh ahaaneed iyo dareenkan baqdinta ah ee maanta Bulshada JSL badankeedu ay ka werwersan yihiin arinka Shirka LONDON ee Soomaalida loogu talinayo, si lbal maskaxda looga shaqaysiiyo ayaa halkan waxaan dhammaan dadweynaha JSL aan u soo marinaya Su’aasha Cinwaanka Mawduuca qormadaydan oo ah:-

“Muwaadin Maxaa Sababay in Muddo 52 sanadood ah(1960-kii iyo 2012 = 52 years) Ay Bulshada Somaliland Ku Jirto Halgan iyo Daba Ka Werwer Madaxdooda Siyaasiyiinta Ah,Iyadoo Halgameyaasheeda Ciidan iyo Saxaafadeeda (Gabayaageeda) Aan Weli Ka Werwerin in xagooda looga soo dhaco?!!

Anigoo u arka in isweydiinta su’aashani ay tahay mid waxtar ah ooabuuri karta in la fekero, oo dib la isugu noqdo, oo la eego, la baadho halka sartu ay ka qudhunsan tahay ee sababaysa dhibka kala shakisanaanta ee u dhexeeya Dadweynaha iyo Madaxdoodu, anigoo halkan si kooban u yara taaban doona dhacdooyin xusuus ah.

Waxa Baarlamaanku dhowaan uu cod aqlabiyad ah uu ku meelmariyey Xeer wax ka bedel ay ku sameeyeen oo fasaxayey in madaxda xukuumaddu ay ka qayb geli karaan Shirarka Soomaaliya, talaabadaasina waxa ka dhashay safarkan Madaxweynaha iyo madax badan oo qaranka ahi ay ugu baxeen sidii ay uga qayb geli lahaayeen Shirka LONDON ee 23/02/2012 ee arimaha dadyawga Soomaalida.

Waxa jiray kala duwanaansho xaga afkaarta ah, waxa kale oo jira dareen shaki iyo baqdin leh oo Bulshada ay werwersan tahay Shirkaas waxa ay kala kulmidoonaan iyo baqdin ah saamaynta taban ee Shirkaasi uu ku yeelan karo Xuquuqdooda Dawladnimo iyo Dal ahaaneed ee JSL. Arinkaasi si khayrqabta ahna Illaahay wuu ku soo dhamayn doonaa, waxaanan Illaahay (SWT) aan ka baryayaa in Madaxweynaha iyo madaxda la socotoba uu waafajiyo XAQA iyo HADALKA SUGAN ee ka turjumi karta dareenka bulsho iyo Dawladnimada JSL, Aamiin, Aamiin.

(1) Madaxweynaheenii ugu horeeyey ee geeriyooday ExMadaxweyne marxuun C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaana Tuur)illaahay (SWT) ha u naxariisto oo qabriga ha u nuuree, mudadii yarayd ee isaga iyo madaxdii siyaasiyiinta ahayd ee Xukuumaddiisii ay inoo hayeen xilka madaxtinimo, waxaynu ahayn kuwo didsan oo aad uga shakisanaa talaabooyinkiisii hab-maamul, oo waxaynu ahayn kuwo marka kasta oo dalka uu ka baxo ee dibadaha uu safar ugu baxo iyo inta uu ku jiro Qasrigaas Madaxtinimo aad baynu uga werweri jirnay, inaga oo ka baqi jirnay in XAMAR iyo wax ay ugu yeedhaan Soomali weyn uu xageeda inoola kici doono!!

(2) Ex-Madaxweynemarxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal illaahay (SWT) ha u naxariisto oo qabriga ha u nuuree, mudadii uu isaga iyo madaxdii siyaasiyiinta ahayd ee Xukuumaddiisii ay inoo hayeen xilka madaxtinimo, waxaynu ahayn kuwo didsan oo aad uga shakisanaa talaabooyinkiisii hab-maamul, oo waxaynu ahayn kuwo marka kasta oo dalka uu ka baxo ee dibadaha uu safar ugu baxo iyo inta uu ku jiro Qasrigaas Madaxtinimo aad baynu uga werweri jirnay, inaga oo ka baqi jirnay in XAMAR iyo wax ay ugu yeedhaan Soomali weyn uu xageeda inoola kici doono!!

(3) Ex-MadaxweyneDaahir Rayaale Kaahin illaahay (SWT) isna dembigiisa ha dhaafee, mudadii isaga madaxdii siyaasiyiinta ahayd ee Xukuumaddiisii ay inoo hayeen xilka madaxtinimo, waxaynu ahayn kuwo didsan oo aad uga shakisanaa talaabooyinkiisii hab-maamul, oo waxaynu ahayn kuwo marka kasta oo dalka uu ka baxo ee dibadaha uu safar ugu baxo iyo inta uu ku jiro Qasrigaas Madaxtinimo aad baynu uga werweri jirnay, inaga oo ka baqi jirnay in XAMAR iyo wax ay ugu yeedhaan Soomali weyn uu xageeda inoola kici doono!!

(4) Madaxweynahan maanta ee md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) illaahay (SWT) xilka ha u fududeeyee, mudadan yar ee isaga iyo madaxdan siyaasiyiinta ah ee Xukuumaddiisu ay inoo hayeen xilka madaxtinimo inoo haya ee, waxaynu nahay kuwo weli didsan oo aad uga shakisan talaabooyinkooda hab-maamul, oo waxaynu nahay kuwo marka kasta oo dalka uu ka baxo ee dibadaha uu safar ay ugu baxaan isagu ama wasiiradiisu iyo inta uu ku jiro Qasrigaas Madaxtinimo aad baynu uga werwersanahay, inaga oo ka baqayna in XAMAR iyo wax ay ugu yeedhaan Soomali weyn uu xageeda inoola kici doono!!

Jawaabta saxda ah ee su’aashanina waxa ay tahay mid qoto dheer oo ina gelaysa dib u raaca taariikheed ee bulshadeena (our Socio-Historical Background), oo waxay gudo gelaysaa farqiga u dhexeeya Hab-maamulkii dhaqankeena iyo sida uu ahaan jiray xidhiidhka kalsoonideed ee u dhexeeya bulshada iyo Madax-dhaqameedkoodii. Waxay gelaysaa taariikhda waxbarashadeena, iyo farqiga u dhexeeyn kara Dadkan wax bartay ee casriga ah iyo dadkii aqoonta lahaa ee hore, iwm. Waxaan arkaa in ay haboon tahay in wax la is weydiiyo, in bal wax la isla eego, oo la kala ogaado ‘Ma Dadkaa Khaldan mise Madaxdooda’ iwm.!!

Waxa xaqiiqo ah oo aynu wada ogsoonahay in Bulshada Somaliland aanay marnaba helin mudadaas 52 sanadood ahayd wax DAWLAD-WANAAG ah (Good Governance), isla markaana ay ahayd mid kacaa-kufaysay oo Nus Qarni iyo dheraadba kusoo jiray halgano kala duwan oo kala dambeeyey, oo ay ku soo jireen Kifaax, iyo Wax ISKA-CAABIN: sida Qax, Baqdin; Werwer; Xadhig; Dhac; Dil-Shakhsiyaad; Xasuuq-Wadareed; Hanjabaad; Bandoo ah Xerooda; Qax; Cabudhin ah (Dhibka ha ka Hadlina iyo Hadamqanina);  iwm.

Fiiro-Gaar ah: Halkan waxaan si gaar aan ugu xusi lahaa, oo marag ahaan aan u soo qaadan lahaa Halganka aan kala go’a lahayn ee hadh iyo habeenba, Dal iyo Dibadba ay ku jirto Saxaafadeena Xorta ahi iyadoo la safan kana turjumaysa dareenka iyo baahiyaha Shicibkeena, kana turjumaysa baahideena iyo himiladeenaba ayaa waxay tahay maanta horena ay u soo ahayd mid daba jamacsata oo ka hor iyo daba wareegta madaxda dalkeena iyagoo ka war haya inoona soo gudbiya si talaabo talaabo ah dhaq-dhaqaaq kasta oo ay sameeyaan madaxdeenu Dal iyo Dibadba kuu doono ha ahaadee, sida Shir kasta oo ay galaan, kulan kasta oo ay cid kale la yeeshaan, Warqad kasta oo sir (qish) ah oo qoraan, heshiis kasta oo qarsoodi ah oo ay qoraan iwm.

Dhacdada TUSAALAHA MUDAN:- Anigu waxaan xasuustaa, xiligii marxuum Cigaal, mar ay isku dhaceen Saxaafadda xorta ah gaar ahaan Wargeyska JAMHUURIYA, xiligaas oo Wasiirka Warfaafintana uu ahaa Wasiir WARAN CADE, oo la isku qabsaday Qoraalo iyo arimo qarsoodi ahaa oo JAMHUURIYA ay fashilisay, dabadeedna khilaaf xoogan oo saxaafadda si toos ah la isaga jawaabayey uu dhex maray Madaxweynaha iyo JAMHUURIYA, Dulcda khilaafkuna ay ahayd, Arin dhex martay Cigaal iyo Sarkaal UN ka tirsan oo aan filayo in lagu magacaabi jiray DAVID ee Su’aasha ah “JAMHUURIYA SIDEE BAY KU HESHAA XOGAHA SIRAHA QARSOON?!!” Dawladduna ay ku doodaysay dariiq fogfog oo Sirdoon iyo Diblomasiyadeed ayaa lagu helaa, JAMHUURIYANA uu ku doodaayey “IN SAXAAFADDU AY KA IL HORAYSO OO SI SAHLAN AY KU HESHO XOGAHA SIRAHA AH” wax ay dawladdu dafirtaba arinka, markii dambe ayuu marxuumku qirtay dhacdada oo uu Joornaalada uu ka sheegay in “WARGEYSKA JAMHUURIYA UU RUN SHEEGAYEY”.

Si kastaba arinku ha ahaadee,  dhacdaasi kuwo kale oo la mid ahiba waxay ka tujumayaan oo marag madoon ay u yihiin Kala shakiga ku kala dhex jira Bulshada iyo Madaxdooda Siyaasiyiinta ah. Markaa

Waxa kale oo marag madoon aan u soo qaadan doonaa Gabay ka mid ah Gabayadii hore ee uu tiriyey Saxafigii iyo Halgamaagii weynaa marxuum C/llaahi Suldaam Maxamed (Tima-Cade) ilaahay ha u naxariistee, gabaygaas oo kaga waramayo hagardaamooyinka iyo dhibaatooyinka faraha badan ee madaxda Siyaasiyiinta ahi ay u geysteen Bulshadooda, haddii illahay (SWT) uu idmona gabaygaas oo qoran waxaad kala socon doontaa Qormada ka midka ah qormooyinkayga Hiilka-Sharci oo cinwaankeedu yahay “HIIL-TIMA-CADE”, sidaas darteedna waxa lagama maarmaan ah in aynu Caqliga rogrogno oo aynu samayno deraasado iyo baadhitaano xeeldheer oo Jawaab u ah Su’aasha ah “Muwaadin Maxaa Sababay in Muddo 52 sanadood ah Ay Bulshada Somaliland Ku Jirto Halgan iyo Daba Ka Werwer Madaxdooda Siyaasiyiinta Ah ?!!” Arintani waa Masuuliyad guud oo ina wada saaran, gaar ahaan dadka awooda ee Caqliga leh ee wax kala sooci kara.

WA BILLAAHI TAWFIIQ

By: Garyaqaan M. X. Siciid (Salli-Dhige) .

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories